Saturday 17 October 2009

CAEJEBIYO LA YAAB WEEYE!! W/Q : ABDI SHOTALY

CAEJEBIYO LA YAAB WEEYE!! W/Q : ABDI SHOTALY

Filed under: Articles — Togaherer Team @ 08:00 Edit This

CAEJEBIYO LA YAAB WEEYE!!

shotaly_1qofba meel bay ka qabsataa oo rabbi ku mash-quuliyaa , qaar baa wadooyinka istaaga oo sida ishaarada kala hora iyada oon cidi u dirin, kuwa kale-na waxa ilaah ku saliday in ay wareegaan uun iyaka oo wax ay doonayaan jirin, hadaba kan sheegta in uu yahay xusbiga kulmiye safiir u gaar ah waxay ka qabsatay in uu isu dhigo kamarada, oo maalin wasiir ajenebi ah uu yidhaaho igu sawira, isaga oo haba yaraatee aan garanayn waxa uu ka turjumaayo, waa nooc-yada ay madax martay wa la isi soo saaraa ee meel walba isku qaad oo ha lagu-gu arko, sidaas baa magac lagu helaaye, waxa is waydiin leh wax uu doonaayo ee uu rabo in aduunka ka dhaadhi-ciyaa maxay tahay?, waxan filayaa in aanu kan xusbiga kulmiye aanu kaba qaadin fadhii-sinkii, kana war hayn waxa uu la wareegaayo, waayo fili-maayo in uu kulmiye raali ka yahay in uu is hortaago in uu magaca ka xumeeyo sumcada somaliland, oo la daba socdo burush washkh ah iyo ceeb joogta ah oon loo miidaan dayeyn,dadka iniba cayn bay u waalataaye kan waxay la martay in uu gacan nin cad iasaga oo hasta uu kamarad isu dhigo, siduu doonana u hadaaqo, wiilku meel uu maraayo isma oga, mana fahmaayo wax yaalaha uu ku hadlaayo ee waa laguma dhaamo ee dhex-qaad, malaha wuxu is yidhi sodaas ba safiir lagu noqdaa ee kolba xafiis ajnebi iyo wasiiro dawlado kale balano ka samyso ha laguu qaato dan-jire’e.

Waxan u sheegayaa wiilka SOMALILAND baad muduci ku tahay malaa waxad u haysataa in aad riyaale wax yeelay-side ee ma og tahay caynkaas, yaadse ka mansuul tahay ee hawsahn kuu dirtay, inta aad qalin iyo buug qaadatay aad adigu isu samaysay cinwaanka aan cidi kuu dooran, haddii uu kulmiye kuu dhiibay burushka wiskhda ah oo ku yidhi, la daba gal somaliland taas waa su’aal kale oo uu xusbigu ka jawaabi doonaa, aniga oon filayn sidaas in ay la qabaan kulmiye madax-diisu, waxan ku lee-yahay didibso waxad ku socotaa kaba la’aane, awr dabar la’aan dhacay waxa cuna dugaaga baa hore loo yidhi, waxan ku lee-nahay haddii aanad ka hadhin oo aanad ka waan-toobin ashtakada aad la daba khuurinayso somaliland, in si dhakhso ah wax lagaaga qaban xoog baad u dheeray-naysaaye, cago dhigo bilaash baad laydha u cabaysaaye. haddii kale waa la guu talin waa wiilka.

*N.B Durduro geel baa ku jabay, damaacina wuu xun yahay.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment