Tuesday 13 October 2009

MADAXWEYNE RIYAALE OO MAR LABAAD DIB U SOO CELIYEY XUBINTII KULMIYE UU U SOO XUSHAY KOMISHANKA DORASHOONKA S/L.

MADAXWEYNE RIYAALE OO MAR LABAAD DIB U SOO CELIYEY XUBINTII KULMIYE UU U SOO XUSHAY KOMISHANKA DORASHOONKA S/L.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta markii labaad dib soo celiyey xubintii kulmiye ay u soo igmadeen in ay uga qayb qaadato komishanka doorashooyinka Somaliland.
Sida ay wararku sheegayaan xubintan oo ahayd xubin dumar ah taas oo lagu magacaabo Ilahaan Maxamed Jamac laguna andaceeyey in ay ma kid tahay gudida fulinta ee xisbiga Kulmiye ayaa hore madaxweynuhu uu uga dalbaday in ay soo badalaan xisbigu maadaama aaanay shuruudihii looga baahnaa aanay buuxin.
Mar aanu arinta wax ka waydiinay xubin ka tirsan madaxda xisbigaasi ayaa si rasmi ah waxa uu noogu xaqiijiyey in arintaas wax ka jiraan mar labaadna uu soo celiyey Riyaale xubintii aanu u soo igmanay in ay nooga qayb gasho komishanka doorashooyinka Somaliland.
Sidoo kale waxaa isna arintan ka waramay Mudane Siilaanyo taas oo uu sheegay in ay kulankii ay shalay madaxweynaha ay qaateen ay kaga heshiiyeen arinta taas oo uu iiga balan qaaday in aanuu soo celinayn sidaasna uu ku aqbalay bal uu yidhi Siilaanyo ma garanayo arintan waxa dib u soo celiyey maadama aanu balan ka dhiganay, waxaanuu sheegay in ay talaabadan ay jawaab ka bixin doonaan sida ugu dhakhsaha badan .
Warqabadka Togaherer
Hargaysa

No comments:

Post a Comment