Monday 19 October 2009

MADAXWEYNE RIYAALE OO GOLAHA WAKIILADA U GUDBIYEY TODOBADII XUBNOOD EE GUDIDA DOORASHOOYINKA.

MADAXWEYNE RIYAALE OO GOLAHA WAKIILADA U GUDBIYEY TODOBADII XUBNOOD EE GUDIDA DOORASHOOYINKA.

Shirkii Golaha Wasiiradda ee Maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta madaxtooyadda oo uu gudoominayey Madaxweynaha JSL mudane, Daahir Rayaale kaahin, waxa lagaga dhawaaqay in la soo dhamasytiray todobadii xubnood ee komishanka cusub ee doorashada madaxtooyadda ee soo socota.

Sida aynu ka warqabno xubnihii hore ee gudidii komishanka doorashooyinka qaranka, dhawaan ayey iska casileen xilkii ay u hayeen qaranka, iyagoo u fududaynaya meel marinta iyo ku dhaqanka heshiisyaddii ay dhawaanta gaadheen saddexda xisbi qaran, taasi oo ay ka mid ahaayeen wax ka bededka xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka JSL.

Sample ImageSample Image

Sidaa awgeed, madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo arrintaasi ka duulaya waxa uu golaha wasiirada ku war geliyey in todobaddii xubnood ee ay ka koobnaayeen komishanka cusub iyagoo isku dhamays tiran uu u gudbiyey golaha baarlamanka si ay u asnixiyaan, waxana madaweynuhu ka codsaday golaha wakiiladda in ay fadhi degdega ah iskugu yimaadaan si ay u ansixiyaan xubnaha cusub ee loo soo xulay komishanka doorashooyinka qaranka.

Todobadda xubnood ee loo soo xulay komishanka cusub, waxa ay kala yihiin sidan hoos ku xusan:

Magacyada saddexda xubnood ee madaxweynuhu magacaabay waxay kala yihiin:

1. Maxamed Axmed Xirsi Geele.

2. Eng: Ciise Yuusuf X.Maxamed (Egn; Ciise Xamari)

3. Faarax Abiib Aadan.

Labda xubnoo d ee golaha guurtidu soo xuleen waxay kala yihiin.

1. Raabi Shariif Cabdi Maxamed.

2. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil.

Xubinta uu soo xulay xisbiga Kulmiye waa:

1. Cali-Khadar Xasan Cismaan

Xubinta Xisbiga UCID

2. Cabdifataax Ibraahim Xasan.

Gebagebadiina waxa madaxweynuhu qoraal degdeg ah oo xambaarsan todabadaa xubnood uu u diray golaha wakiiladda oo uu kaga codsanay in ay isugu yimaadaan fadhi degdeg ah oo aan caadi hayn si ay u ansixiyaan.

Allaa Mahad Leh

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenak Madaxtooyadda Somaliland

No comments:

Post a Comment