Tuesday 6 October 2009

GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE OO SHEEGAY INAANU HESHIISKOODA KU JIRIN IN QAAR KA MID AH XUBNIHII HORE EE KOMISHANKA DIB LOO SOO MAGACAABAYO

GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE OO SHEEGAY INAANU HESHIISKOODA KU JIRIN IN QAAR KA MID AH XUBNIHII HORE EE KOMISHANKA DIB LOO SOO MAGACAABAYO

Published on: Oct 6, 2009 14:32

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Sheegay Inaanu Heshiiskooda Ku Jirin In Qaar Ka Mid Ah Xubnihii Hore Ee Komishanka Dib Loo Soo Magacaabayo

“Waxa Dhamaaday Ka Takhaluskii Komishankii Hore Qofka Aad Soo Magacaabaysidna Ma Malaynkartid Ilaa Uu Hawl Galo Oo Cilmi Qayb Ma Tihid, Anaguse Xubin Baanu Leenahay Oo Mana Qabo In La Soo Celiyo Kuwii Hore” Axmed Siilaanyo

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa ka digey in marlabaad la soo magacaabo todobadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka, kuwaas oo dhawaan la kala diray, isagoo intaa kudaray in magacaabistii xubnaha cusub ee Komishanka ay si dhakhso ah uga hawl gali doonaan hogaamiyeyaasha saddexda xisbi Qaran.

Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siillaanyo waxa kale oo uu sheegay in xubintii ay usoo magacaabi lahaayeen Komishanka ay diyaar tahay, maalmaha soo socdana ay hogaamiyeyaashoodu wadajir iskula naaqishi doonaan xubnaha cusub ee Komishanka ay u soo kala magacaabeen. Waxaanu sidoo kale tilmaamay in xubinta ay soo magacaabayaan ay noqon doonto xubin tayo leh oo jagadaasi u qalanta.SIRANYO

Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka xog waraysi khaas la yeeshay, waraysigaas oo aanu wax kaga weydiinay arrimo ku saabsan magacaabista Komishankii cusub iyo kala dirida Komishankii hore iyo arrimo kale waxanu uu u dhacay sidan:

S. Goorma ayaad soo magacaabaysaan Komishanka doorashooyinka ee cusbaa maadaama aad kala dirteen todobadii xubnood ee hore?

J. Xubnaha cusub ee aanu Komishanka usoo magacawnay waanu iskula tagaynaa si aanu u wada naaqishno aqoonta iyo tayadooda, marka aanu isla waafaqno ee aanu isla wada ansixino ayaanu wadajir u wada gudbinaynaa inii horse waxaanu ku guda jirnay sidii looga takhalusi lahaa Komishanka hore, nasiib wanaag ka takhaluskoodii waa dhamaaday oo iyagaaba is casilay waanay noo fududeeyeenhalkii golaha wakiilada laga horgeyn lahaana iyagaaba fududeeyay

S. Maadaama hore isula go’aamiseen in la wada eryo gebi ahaanba Komishankii miyaanu wakhti ku lumaynin dhismaha xulashada Komishanka halkii loo baahnaa inaad dedajisaan, taa sideed u aragtaa?

J. Wakhti lumay ma jiro oo shalay ayay naga soo afjarantay, mana filayo in wakhti badan ay qaadan doonto muddada lagu soo dhisayo Komishanka cusub, oo kulankayaga ugu soo horeeya ayaanu ku guda-galaynaa xubnaha la soo magacaabo

S. Goorma ayaa isula tagaysaan xubnaha aad soo magacawdeen?

J. Runtii odhan maayo waa beri iyo saadambe laakiinse si dhakhso ah ayaanu u kulmaynaa

S. Xubnaha Komishankii hore aad kala magacawdeen hogaamiyayaashiina axsaabta mucaaridku iyo madaxweyne Rayaale ayaa waxa dhaliilo la idiinka soo jeedinayaa inaydaan ka fiirsan xulashadoodii hore, taas darteedna aad masuul ka tihiin fashilaada ka timid xilgudashada Komishanii hore, arimahaasi sideed u aragtaa maxaadse ka leedahay?

J. Dadku waa basher oo cidi ma malayn karto waxa ugali doono iyo wqaxa u gudi doono ilaa ay hawl galaan ma qiyaasi kartid oo cilmi qayb ma tihid waxa uu noqon doono hawlgalkiisu, anaguse xibi ahaan xubintayadii aanu u magacaabi lahayn waxaanu u aragnay, xubin xilkaasi ka soo bixi doonta , qolooyinka kalena laftooda waxaan filayaa inay xubnaha ay soo magacabaan ay sidaa u arkayan, nasiib darose xubnahaasi hore iskumaba arkaan inay wax kharibeen oo xilkii loo dortay ay gabeen , anaguse xisbi ahaan xubintayada waanu ku dadaali doonaa oo qof xilkiisa ka soo baxa ayaanu keeni doonaa.

S. Inkastoo aad heshiis ku wada gaadheen in lasoo magacaabo Komishan cusub hadana waxay wararku sheegayaan in madaxweyne Rayaale golaha guurtida iyo xisbiga Ucid ay soo magacaabi doonaan qaar ka mid ah xubnihii hore ee Komishanka arrinkaa sideed u aragtaa, miyaanuse heshiiskii ka hor imanayn?

J. Qodobkaa bedelaada Komishanka hore ayaanu isugu raacnay in dhamaantood la bedelo mana filayo in xubnahaa is casilay la soo celin doono , aniguse shaqsiyan uma arko in cid kamid ahayd la soo celiyo, marklaanuse wadajir isugu tango waanu ka wadahadli wixii jiraba.

HAATUF

No comments:

Post a Comment