Thursday 15 October 2009

Maalinta FARAXALKA aduunka oo si weyn looga xusay Burco…..

Maalinta FARAXALKA aduunka oo si weyn looga xusay Burco…..

Maalinta FARAXALKA aduunka oo si weyn looga xusay Burco…..

Burco: Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayay maalinta faraxalka ayaa ka dhacday saaka Dugsiga Sare ee Sh.Ibraahin Secondery School, Munaasibaddan oo uu soo qabanqaabiyey Ururweynaha TOGOYOVO halka ay maalgelisay Hay’adda wadinaga ah ee CARITAS, sido kale waxa gacan ku lahayd bandhiga Munaasibadan Hay;ada kale ee ISF, Munaasibadda lagu qabtay Barxadda weyn ee sh.Ibraahin secender school waxa ka soo qaybgalay masuuliyinta Gobolka, masuuliyinta dhinaca waxbarashada ee Gobolka, masuuliyinta Hay’adahaasi iyo weliba masuuliyinta Laba Urur oo ay Ka mid yihiin TOGOYOVO iyo weliba Urur dhalinyaredka TOYDO, sidoo kale waxa munaasibadda Goob jooga ahaa ardayda 11 school,oo isugu jira hose dhexe iyo sareba, sido kale waxa madasha fadhiyey guddida waalidiinta iskuulka sh.ibraahin iyo weliba maamulka iyo macaliminta iskuulkaasi, munaasibadda oo ay sidoo kale heeso iyo majaajilo ku soo bandhigeen kooxo fannaaniin ah ayaa ahayd munaasibad si qurux badan loo soo agaasimay iyadoo agaasimka hawshaasna uu laha ururka TOGOYOVO.faraxal

Hadaba waxa gebi ahaanba hadalo koo kooban ka jediyey munaasibadda fayo dhowrka iyo faraxalka dhammaanba masuuliyiintii madasha fadhidey marka laga reebo masuuliiyinta labada Urur ee TOGOYOVO iyo TOYDO oo an iyagu halkaasi wax khudbado ah ka jeedin, balse masuuliyinta kale oo dhami ay Bogaadiyeen ururadaasi iyagoo weliba aad u ammaanay Ururkii lahaa agaasimka hawshan.

hadaba Guddomiyaha waxbarashada Gobolka cabdi axmed sicid iyo badhasaabka Ku xigeen ka Gobolka Guuled Dahir samatar ayaa aad ugu booriyey dadka inay faraxalka ku dadaalan iyago khudbadahoodu ay aad isugu dhodhowaayen, hadaba Guddomiyaha waxbrashada Gobolka cabdi axmed oo sharraxayay faaidada munaasibadda maanta ayaa sheegay inay ay tahay in la is gaadhsiiyo farriinta ah ilaali nadaafaddaada kuna dadaal faraxalka isago sharaxaya erayga fayyo dhowrna waxa uu yidhi Guddomiyuhu “Fayyo waa caafimad dhowr na waa ilaalin, markaa waa caafimaad ilaalin” waxa uu aradayda macaliminta iyo waalidkaba ku booriyey in farrintani ay Gudbiyaa, sidoo kale wuxuu Guddomiyuhu ammaan balaadhan u soo jediyey wasiirka waxbrashada oo uu sheegay in uu yahay wasiirada Hormuudka u ah wasaaradaha,isagoo sheegay inu saaka soo wacayey kalana hadlayay munaasibaddan maanta, hadaba wax isna hadalo dhiiri gelin baraarujin iyo wacyi gelinba ka jeediyey Munaasibadda Badhasaab xigeenka Gobolka Guuled Dahir, isagoo ku nuuxnuusaday faaidada uu leeyahay caafimaadku, isagoo sheegay in qofna aanu waxba qabsan karayn caafimaad la’aan, sidoo kale wuxu sheegay badhasab xigeenku in qof walba caafimadkiisu uu gacmahiisa ku jiro la iskana ilaaliyo wax alla wixii caafimad darro keenaya.

Sidoo kale munaasibadda waxa isna hadalo kuwa masuuliyiinta ku dhow dhow oo wacyi gelin ah ka jeediyey maamulaha dugsiga sh. ibraahin c/raxman iyo weliba madaxa Guddiga waalidiinta iskuulka oo weliba ka codsaday Hay’adaha iyo Ururada hawshan iska kaashaday in ay munaasibadan oo kale sannadkiiba dhowr jeer u qabtaan dhalinyarta iyo Bulshada

Munaasibadda aya ugu danbayntii lagu soo af jaray hees ka hadlaysa fayo dhowrka iyo faraxalka iyo weliba majaajilo yar oo ku saabsan isla maaliintan faraxalka (HAND WASH).faraxalka

Ugu danbayntii waxa laga soo dareeray munaasibaddii iyadoo dhammaan 11ka iskuul iyo macalimiintooda ka soo qaybgalay munaasibaddana ay raaceen basaskii markii hore siday.

Mustafe Osman A/rahman
Burao Somaliland
Mustafe_480@hotmail.com

No comments:

Post a Comment