Thursday 15 October 2009

FAALO:XAFLADII VOA, MASUULIYIINTA SOMALILAND MUCAARID &MUXAAFID MEEQAABKOODA MA YAQAANAAN?WAA SU’AAL FURAN

FAALO:XAFLADII VOA, MASUULIYIINTA SOMALILAND MUCAARID &MUXAAFID MEEQAABKOODA MA YAQAANAAN?WAA SU’AAL FURAN

Faalo.Xafladii VOA: Masuuliyiinta Somaliland Mucaarid/muxaafid meeqaankooda ma yaqaanaan? Waa su’aal furan…

Maalintii shalayto ahayd ayaan bogaga internet ka yar furay si aan nafta ula socodsiiyo halkay wax marayaan. Aduunyo kale ma danaynayn ee geeskii qaarada aan ka imid, gaar ahaan dhulkii Soomaaliyeed oo ay Somaliland koow ka tahay baan naawilaayay inaan ogaado halkay wax u marayaan.

Cinwaankii ugu horeeyay ee igu soo baxay baa sheegaayay masuuliyiin Somaliland ah, oo tiro badan, oo Madaxwayne Ku xigeen, Wasiiro badan, Gudoomiye baarlamaan, Mudanayaal Guurti, wakiilo xusbiyada, iyo guud ahaanba dawladii Somaliland oo aan ninba u maqnayn oo xaflad Hotel Maansuur lagu qabtay isugu wada yimid! Waan yaabay, su’aashuna waxay noqotay taloow intan oo masuul danta isu keentay maxay tahay? Jawaabtii meel aan fogayn bay ka soo baxday oo paragraph ka xiga ah, waxaanay ahayd laanta af-Somaliga ee idaacada Voice of America oo mawjad cusub oo nooca fasiixa ah ee frequency modulation system (FM) oo sahasha dhagaysiga radio gooda ka furanaysay magaalada Hargeysa!

Wax waliba meeqaan iyo milguu leeyahay ee munaasabadaasi ma tii qaranka oo dhami isugu iman lahaabaa? Ka dar oo dibi bay dhashay ee bal u fiirso: Wasiirka iclaamka u qaabilsan Somaliland ereyadii ka soo yeedhay waxa ka mid ahaa: “Waa horumar aynu gaadhnay”. Maxaa horumar ah? Ma inay wadamo ajaanib ahi radio kaa dhex samaysteen adigoo 20 sano ood dawlad sheeganaysay idaacad samayn kari waayay shacabkiina u ogolaan waayay inay samaystaan? Inay VOA dhagaysiga idaacadeeda sahashay ama is balaadinayso ceebtu maaha oo marka laga yimaado danaha fog iyo kuwa dhaw ee ay ka leeyihiin dadka samaystay ee kharashka ku baxana dhiibaa, hadana faaiido uun baa dadkan aan idaacad ay leeyihiin haysan ugu jirta oo wararka caalamka iyo ka deegaankaba way kala socon.

Bal hada aan ereyo dheeraad ah ka soo qaado ragii meeshaas soo dooyaystay ereyadii ka soo yeedhay ee ila dhuuxa: “Doodo dhalinta tahriibaysa iyo kuwa is qarxinaaya khuseeya qabta”, Axmed Yuusuf Yaasiin! “Idaacada VOA madaxdeeda ayaan mar hore oon Washington tagay ka dalbaday inay qaybtan FM ta furan”, Gudoomiye C/raxmaan Ciro! “Waa horumar aan gaadhnay… Mucaaridkana waxan isku haynaa nooga dega iyo maya”, Wasiirka War-faafinta Somaliland! Ereyadaas culculusi waxay ka mid yihiin hadalkii aan loo meel iyo miidaan toona dayin ee madaxda Somaliland ay hawada ku sii daayeen. Miyay macquul tahay in daawada ama xalka dhalinta wax qarxinaysa iyo kuwa tahriibaaya VOA da laga bilaabo raadinteeda? Dhinaca kale, Gudoomiye Ciro marka uu inoogu faanaayo in dalab horey uu u gudbiyay la soo aqbalay, miyuu garan waayay inuu VOA ka codsado sidii ay uga caawan lahaayeen qaranka uu matalaayo sidii ay idaacad tooda ah u dhisan lahaayeen. Miyaanay taasi ka door roonaateen? Furitaanka FM tu se ma mid Gudoomiye Ciro lagu soo sharfay oo looga jawaabay dalabkiisii baa? Gudoomiyaha iyo akhristayaasha ayaan u dhaafayaa!

Ninbaa dhawaq u baxay oo yaabay, ,markaas buu yidhi: “Taloow maanaa waalan mise cadan baa laga heesay?” Akhirstoow markaad si gun iyo mug leh u fiiriso, eed aragto/maqasho intaas oo masuul oo isu timid, oo u wada dabaal dagaaya hawlo ay umado kale wataan, oo aan isugu imanaynin dantooda iyo waayaha badan ee ku xeeran umada ay matalaan maxaa kuu soo baxaaya? Inuu masuul hoose, oo ka tirsan hay’ad ajnabi ahi waa VOA dee, intaas oo masuul isugu yeedho goob qudha, oo waliba khudbado iyo dodo iu qabto, oo kooxo-kooxo iyo kali-kaliba u fadhiisiyo sidii xer duco sugaysa sida media ha laga soo tabiyayba miyaanay meeqaan dari ahayn? Dhinaca kale, inay wax waliba nidaam leeyihiin oo xilka ay hayaan, waxa ay ku hadlayaan iyo meesha ay ka hadlayaan ama aanay ka hadlayni ay tahay wax qaranka u tirsan iyaguna ay astaan qaran yihiin ma ogyihiin?

Waxan ku rayn lahaa, qof kastaana ku farxi lahaa iyadoo intaasi isugu timaado arin umadan dulmani leedahay, oo tusaale ahaan biyo la’aanta kala badh magaalada Hargeysa ahi ay la silcayso xal loogu raadinaayo! Ama nidaamka cadaalada ee fashilmay ee badhida dhulka ku dhuftay, ee aan laba islaamood kala saari Karin, ee labadaba laaluushka ka guranaaya lagu saxaayo! Ama doorasho ku sheega buuqeedu umada halaga galin gaadhay, ee aan waliba imikana meelna saarnayn, ee sidii laba sadex masuul oo debeda ka yimid ay lix qodob waraaq ugu xariiqeen aan halkiiba laga soo qaadin meel loogu hubsan lahaa looga doodaayo! Amaba xalka Burco iyo lacagta faalsada ah ee umadii dhulkaas taalay ku gacan-gashay, ee mararka badan la sheegay in wax laga qabanaayo cidi se aanay u dhaqaaqin! Ama cusbitaalka Hargeysa ee tobanka talaabo u jira xarunta madaxwayne Rayaale, ee ayaan darada ka taagan ay umadu wada ogtahay wax looga qabanaayo, iyo tobanaanka qadiyadood ee kale ee dayacan lagu faalaynaayo saw sharaf may ahaateen iyo niman ku foogan wixii loo igmaday?

Isku soo wada duuboo, marka la eego meesha cidhiidhiga ah ee ay Somaliland marayso iyo waayaha ku xeeran, raga doonida wada iyo kuwa sugaaya inay kaxeeyaana isha la mariyo, xaalku wuxuu ku soo ururayaa ereygii Dacawada, “Walee reer aan ogahay ma guuro”!

Maxamed Haaruun

Email-mbiixi@gmail.com

No comments:

Post a Comment