Monday 12 October 2009

FIKIRKA FOOLHALAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY( 3AAD) IYO MAANSADA DHOOL

FIKIRKA FOOLHALAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY( 3AAD) IYO MAANSADA DHOOL

FIKIRKA FOOLHALAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY( 3AAD)FIKIRKII_opt

Qaybtii labaad waxaynu ku falanqaynay sida ay u majara habawsantahay fikraka foolhalawsan iyo sida uu xaqiiqada uga fogyahay,qaybtan 3-aadna waxaa ballankeenu ahaa in aynu ku sooqaadano maanso ka hadlaysa isla mawduucan oo aan dejiyey modo hada laga joogo -15sano ,waxaana beryahaa socday rebshadihii kadhashay markii maamulayaasha dalka Aljeeriya ay ku qanciwaayeen guushii ay soo hoysey jabhada( ISF) oo boqolkiiba sideetan wax kabadan ku heshay cod kii dadka reer Aljeeriya dabadeedna sida uu caanka ku yahay fikirka fool halawsani ciyaartii taagneyd sanduuqyada codka waxuu u bedeley qori caaradii iyo xoog milateri, taasoo sababtay dagaal mudo dheer socday dad badan oo rayid ahina ku naf waayeen .

Maansadu waxay tilmaamaysaa in mashkilada ugu weyn ee caalamka islaamka haysataa ay tahay kooxdan aaminsan fikirka fool halawsan oo aan garina kabixin garina gelin ,hadii dimuquraadiyad lagaga guuleysto ma ogola ,hadii milateri lagaga guuleystana kadaran oo dadkii iyo dalkiiba waxaa lagu soo dalbanayaa oo lagu fasaxayaa quwado shisheeye ,hadii loodaayana caddaalad iyo horumar midna ummada umahayaan .waxaanay doonayaa sidii uu Hawd sheegaayey ee uu cidkale isagu dhalada ka saarayey, ee uu lahaa barsakh bay doonayaan inay ummada ku hayaan, inay iyagu yihiin kuwa barsakhaa uu sheegayo umada ku haya oo raba inaanay dhinacna u ciirsan .

Waxaanay tilmaamaysaa in dagaaladan iyo gacankahadal kani ay yihiin uun calaamado yar yar oo muujinaya cudur kaa weyn ee aynu ku tlimaamanay fikirka foolhalawasan ,oo aan marnaba ogolayn in dadka dalka lihi ay ku khilaafaan sida uu wax u wado ,hadii ay dhacdana waxaa xiga waa dagaal iyo xadhig .halkaa weeyaan halka ay ka soo jeedo mushkilada isqarxinta iyo in ay soo baxaan kooxo aan u arkaynin xal kale inuu jiro mooyaane dagaal iy o dhiig daata .

Waxa kale oo ay muujinaysaa habka ay u fukirayaan kooxdan aaminsan fikirkan fool halawsan oo ah; in ay rumaysan yihiin in waddo keliya oo lagu hore marikaraa jirto taasoo ah tii ay mareen reer galbeedku ,taasoo ku slaysneyd in diinta iyo nolosha lakala saaro,.waxaa kaloo ay muujinaysaa in ummadaha muslimka ahi ay door bidayaan in ay ku dhaqmaan shareecada mar walbana taageerayaan cida arinkaa wada laakiin ,dhibaatada jirtaa ay tahay kooxdan dadkii silsiladaha ku xidhatay ee xataa aan ogoleyn in ay ciday doonayaa raacaan .

iyagoo dhinaca fikirka iyo fadh fadha hadalka iska dhiga in ay xoriyad iyo fur furnaan rabaan ,hadana markay talada gacanta ku dhaigaan waa dhulow kaamakaco iyo diktaatooriyad aan jixin jixeyn.

Guud ahaan maansado waa arimahaa iyo wixii soo hoosgalaaya ee ah barnnaamijyada labada kooxood kalawataan ,labadaa kooxood ookala; ah kuwa shareecada u ol oleeya iyo kuwa shareecada ka ololeeya. Waxaanay kusocotaa halkudhegyada kalaha ; Dhaadane: waa tlmaan u taagan dadka u ol oleeya diinta in losha lagu dabaqo ,Dhaanraac ;oo utaagan kooxda aaminsan in diinta laga saaro nolosha ugu danbayntii halku dhega saddexaad waa Dhool oo ah astaan u taagan bulshada. Waana tan maansadiye akhris wacan oo wanaagsan:

08/23/1993 DHOOL 6/Rabiul -awal/1414H

DHiiladaa baxaysee dhegaheena saaqdee

dhulkeenii islaameed dhamidii ku baahdee

la dheel dheeliyaayaa dhaan raac ayaa yidhi

dhool ani ayaa gaya loomana dhawankaro

dhaadanaa kuyi hooy ninkii dhaqi karaayiyo

dhamidii rag baa gaya dhoolawa u simantahay

dhoolbaa waxay tidhi aan idiin dhexeeyoo

dhexdhexaad ahaadee reer sidaad udhiqileyd

dhalaankana u korinleyd nin walawba soo dhiib

dhaan raac ayaa yidhi aan codkayga dhiibtee

dhinacaa galbeedkiyo haday tahay dhankaa bari

anigaa udhoofoo soo dhammeeyey dunidoo

falsadaha ladhaanshiyo soo dhamay aqoontoo

anigaa udhabo galay diin wax laguma dhiqi karo

yurubtayna dhaaftee dayaxaa dhexdiisiyo

xidigaha ku dheeshaa markay diinta dhilliyeen

ay dhamman culuuntiyo sayniska dhlaasheen

dhedigiyo labkooduna ay sinaan ay ku dhaateen

ilbaxnimo dhammaysiyo noloshoo la dhuuxay

dhadhankeedii gaadeen dhacadiid u seexdeen

dhabbaday mareenbaan jaanta kuu dhigaayaa

kugu dheel minaayaa dhegahaagu hamaqleen

dhaadane wuxuu yidhi dhooleey war hooyoo

dhaan raac wuxuu yahay ama uu ka dhiganyahay

dhallaankii quraankiyo loo dhigay higaadee

sheekhii dhismaa iyo shibbanaha u dhigi laa

dhawaaqii shaqalkaiyo dhihi waayey kaafkii

dabdeedna dhooleey xaalkii idhaanoo

dheh ereyga uu noqday amawuxuukadhiganyahay

babqaagani dhawaaqee ku cel celiya dhawaqii

dhegihiisu maqlayaan diintan yurub ay dhaaftee

waa hore ka dheelmatay waa mid ay dad dhoobeen

dhaw jeerna bedeleen waa tii dhaammaysee

culimada dhakraysee dhulku waa wareega

dhamackulul galiilyaba ugu shiday dhinbiishee

garaadkii dhadhaab adag iyo dhudhub ku oodee

dhaqdhaqaaq u diidee boqoradan dheecaankiyo

dhidid kooda danyartii dhiigooda jaqaysayna

waa tii dhufeysiyo meel ay ku dhuuntaan

dhab ahaan u noqotee tidhi waa dhir hadhacoo

weynaheen udhaaboo hadhkiisay ka dhigantee

dhalan dhoolka milicdiyo ka hadhsada dharaaraha

dhac dhac waayimeynee kii denbi ka dhacayee

xuduudana yar dhaafaa hasoo dhiibto dhaw gini

tigidhkana hadhaafsado naarta waa ka dheeryee

dhankaasi dhan weeye oo dhankii yurub weeye

dhanka kale na hooyoo dhinaceena waxa jirey

culimadoo la dhawroo aan waxloo dhimaynoo

sharaf lagu dhaqaayoo dheeraad lasiiyee

dhaqankaa islaamkaa dhooleey ku caanee

taariikhda dheehoo dhug u yeelo oo garo

dhab ufiiri arinkaa dhaan raac ayaa yidhi

dhaa dhaan ku liitoo horta dhoo hanbaad tahay

dadkan aad dhaliishiyo kuwan aad la dhacsantahay

miyey isu dhigmaayaan muslinkaad ku dhaadani

dherigiyo fandhaalkiyo dhurahana hanoqotee

maxay guulo dhaliyeen dhismahaa aqoontana

maxay gacan ka dhiibteen dhaadane wuxuu yidhi

hadalkaad ku dhawaaqday dhaanraac aflagaado

horta kaa dhuri maayo cilmigaa kugta dhaafee

dhaladaa isku taagay dhawr qof may isu geyne

teer iyo un dheerbaa uumiyuu isdhaxlaayey

soo dhiraan dhirinaayey sheekhaagii idhaana

intuu kuu dhigay maaha dhaayaheena ilaysku

inuu dheeha kaqaado dabadeed uu wax dhaado

dhaanraac shalaytoole yurub may dhanbbalinoo

dharaaruu ibnu hasam dhacdadaasi fadhaayey

dhayaakliiktik warkiisa (1) hadii aad la dhacayso

ama haygal ku dhaanshey dhamidood garaadkooda

wax anoon ka dhahaynin dhabaroow bal qasaali

dhakhtarkii ibnu siina iyo jaabir madharwtay

mise dhiil hadhuubkeed ku dhan leeday aqoonta

dhumucdiisu maweyna qotodiisu madheera

dhalaalkaa baqay mooyee shaw dheeraadba maqaado

dhaan raac baa isla booday dhabandaad milladaadu

madheelayso siyaasad dawkad soo dhisi mayso

haw dhawaanin xafiiska dhexjooguun masjidkaaga

qaybi uun dhaxalkaaga dhag ka sii meherkaaga

hana dhaafin intaasi dhurann kaagana jooji

dhawaqaagana gaabaso dhibna hasku horseedin

dhaadane wuxuu yidhi dhoohanaw milladaadu

dawlad soo dhisi mayso dhalanteed iska weeye

hadii ay dhakadaadiyo ku dhureen maskaxdaada

beryihii dhagahaa iyo indhaa dhoobo lasaaray

yurub ay dheelalawday jarka y ka dhacaysey

dhulku wuu kasinaayoo dhugucaasi aduunk

dhammaantii wada gaadh oo diinbaa dhibka beertay

hadurkaasi dhabmaaha Dhinaceena islaamku

dawladbuu ku dhisnaayoo Quraankaa dhig dhexaadiyo

udubkeedaba dhaaboo Nebigaa dhaqankeediyo

dhawristeeda xaqiijoo Dhidibkeeda adkeeyoo

asalkeeda ladheegto Khulafadaa dhanbbalaysey

kadhinbbiil qaadanysey Uumiyaa ku dhaqaysey

dhaan raac yurubtaasi Kitaabkoodii ku dheeshay

xogtiisii dhalan doorshey Xaqiisii ka dhaqaaqay

adingoon ku dhabcaalin Runta dhaabada saarin

teena maw dhigmaysaa Oy ku dherer samaysaa

dhoolbaa waxay tidhi Hadaan dhuuxay warkiina

dhaan raac kugu ciirtay Dhabbadii hideheeeniyo

dhaqankeenii ma haysid Dhaadanaw na su,aal

dhedig iyo lab sinaada Dhammidoodba masooba

dhabtii waan uriyaaqee Hayeeshee dhawaaqaagiyo

kumaadshegin dhanbbaalkee dhinacaa iga shaafi

dhaadane wuxuu yidhi Dhooleey bani aadam

horta waa dhud qudhaato Dhaanraac ehelkiisu

dhibay kuu qasayaanoo Malabaanay dhii dhiiti

horta kaaga dhigaayaan Dhedigoo lalabeeyoo

dhaqankoodaba doorshiyo Dhooleey aansinaano

horta way kala dheertay Dhallaankood iska xoortiyo

dhaaniskood u ciyaartiyo Asturkood ka dhaqaaqdiyo

xijaabkood iska dhaaftiyo Xayeysiinta dharkoodiyo

sinaantoodu dhunkaaliyo Horta waa dhugucaaga

dhanbbaalkaygana hooyoo Dhooleey sinaanteena

diintaaba dhigaysoo Dhigashada cilmigaagiyo

dhaqashada hantidaadiyo Dhismahaa bulshadaada

adigoon xadka dhaafin Dhedignaanta ka faanin

dhalliil aan u arkaynin Dhankii kaaga ekoon iyo

dhinacaaga katiiri Islaamkaa dhigay taase

nina hawga dhaqaaqin Dhaan raacna hayeelin

dhabankay shanta saartay Fikirbaanay la dhooftay

dhaan raac ayaa yidhi Dhoocilyey imaqaloo

hadal waa dhammaadaye Gacantuun bal soo dhiib

hadii kale waxbaa dhici Anna waaban dhiidhiyi

dhoolbaa waxay tidhi Dhoohane idhaafoo

dhisma iyo aroos iyo Dhaantiyo cayaar iyo

dhag-dhag hayga filanine Dhabbadaa cagta saaroo

kadhaqaaq wejigeyga Dhaadanawna nasiibkaa

dheeftiyo nasiibkey Kugu dhaatay adigee

meel may dhigaysaa Qoys wacan ba dhababnaa

lagu dhisay islaamoo Lagu dhaabay iimaan

xumaanina ka dheertahay Ereygaasi dhabqiyoo

dhakafaar ku keenyoo Dhaan raacna islabood

dheeshiyo cayaartii Cod ladhiibto taagnayd

dhoonbir caaradii gee Caadadii iskaga dhurey

dhiiranaw ciidankaygow Aqal dhawr deriyoodle

dhool halaygu xareeyo Kanna seel dhacadiidkiyo

dhinac jiifsi udiida Keligii ku dhex tuura

amarkayga dhabeeya Boqolaal dhuuni raacoo

waxba aan dhawrsanayni Dhaadane garba duube

dhu dhunkaa xadhig baydiyo Ku dhagsiiye katiinad

Dhoola gaadhka kameershe Dhinaceeda ku xoome

dhaadanaa ku tiraabay Hohee garasho dhimatoo

qab iyo maan is dhaafee Waan dhiidhiyaayaa

dhiigbaan qubaayaa Dhamac iyo kulayl iyo

dhabbo halaq ujiifaan Dhooleey marayaa

dartaa waan dhididayaa Xaqeenaa ladhacaybaan inoo soodhicinayaa Dhaanraac ka hirayaa

intaasoo dhibaato,ah Yaa inoo dhexaysee

ila dhabar adaygoo Salfudaydka dhooleey

asalkiisa iga dhawr dhoolbaa waxay tidhi

ilaa eebe dhahayoo Ooridaada iaga dhigo

dhixirkaan adkeynoo Dhammidood asaagaa

ku dhaafsanmaayo qayrkaa Iyo weliba dhaanraac

dhaadane iyo dhaanraac Loollankoodu dheeraa

o

dhoola waa cadibantoo Weli waa dhur sugaysaa

(1) dhayaaliiktik(Dialectic) waa fikrad falsafadeed oo aaminsan in bulshadu ka koobantahaydabaqado xaga dhaqaalaha ah oo loolan kadhexeeyo waxaana aabe uahaa nikii jarmalka ahaa ee Haygal. Lagu magacaabi jirsy ,waana halka ay ka soo jeedo fikrada shuuciyadu.

No comments:

Post a Comment