Monday 12 October 2009

LA JOOJI-YAANA BANAAN, LA JIIFIYAANA BANAAN !!!W/Q ABDI SHOTALY

LA JOOJI-YAANA BANAAN, LA JIIFIYAANA BANAAN !!!W/Q ABDI SHOTALY

LA JOOJI-YAANA BANAAN, LA JIIFIYAANA BANAAN !!!
shotaly_1
Hore baan u qoray maqaal aan ku dhalii-laayo mucaaridka oo magaciisu ahaa hasha geela cunta ee cabaada, oo inta ay bilaabaan rebsheda bay hadana isku qariyaan qiiq oo waxa ay iyaku afuufeen, hoosta dogob dambas huwan xuluuli-yaan si ay isula karto, hadaba waxa la yidhi mayd yaa u dambeeyeey iyo kaa la sii sido’e, saw markhaati cad maaha ta imika taagani ee ay wadaan mucaaridku oo xaalkoodu ahayn la jiifi-yaana banaan,la jooji-yaana banaan, oo micnahoodu maaha sida aan doono aan u socdo, hadana kiis iska waal ahaado, haddii la idinku sheego jiirkii inta uu dadka timaha madaxa ka daadiyo habeenkii marka ay seedaan, dabeed-na afuufi jiray si aan loo dareemin marka uu shaqadaas ku jiro miyaa la idinka gara daran yahay, sababtu waxay tahay miyaan lagu heshiin kuwii aad idinku ku tura-teen bedel-kooda ee ahaa komishankii hore in cirka loo diro oo dabaysha la raaciyo, ee aad lahaydeen waa kuwo aan dhexdhe-xaad ahayn oo uu naaleeye habacsane siduu doono u maamusho kana dambeeyo, ee ay ka yeedhay wixii la ogaa ee dalka iyo dad-kaba geliyey halista, waxa ay dib kuwii laf-tooddii ugu soo celiyeen waa maxay?, su’aasha kale iyana waxay tahay haddii aad tihiin mucaarid markii hore baad sax ahaydeen mise imika baad baad hagaagsan tihiin?goormase aad khalad tihiin?, wixii aad shalay diideen, baad maanta leedi-hiin waa sax, sidee la idiin aaminayaa haddii aad maalin walba jirjir-cadka iska rogaysaan, sidii hal gelgelin jiifta oo takar dhaba-naysa aad tihiin.

Maanta-na ma riyaale baa khalad baynu maqalaa, laba siyaabood-ba:-

* (1) Miyaanu ahayn heshiisku in la wada bedelo oo sida aad u sheegteen, uguna turateen la isku tuuro kab iyo xaarkeed, ma waxa na leedi-hiin kuwii udub, goleyaashu, iyo madax-weynuhu soo doorteen baa xumaa ee xubnihii idnka socday ee hore hor ilaahay bay meel isu soo taageen.

* (2) Sharcigu ma sidaad doontaan baa mise waa wax aan is bedelin oo meel loogu soo hagaago, maxaa idiinku wacan in aad sida jirjii-roolaha kolba midab la timaadaan, oo qaylo ka aan meela aan jirin ooda ka qaadaan, waxa uu xalay sheegay MR SIILAANYO ee uu yidhi madax weynuhu xaq uma laha in uu ka hadlo sharciga miyuu ku hagaagsan yahay, gari mucaarid ma taqaano ee al-le bay yaqaane, oo uu af buuxa ku dhawaaqay xildhi-baanada ayuun baa ka hadli kara, ee madaxa-weynuhu waxaba kama odhan karo, meesha miyaanay jirin wax is qabtaa, markaasuu weliba ku dacwiyayaa riyaale wuxu rabaa in uu mar labaad muran siyaasadeed ka bilaabo dalka, bal waa kee ka imika doonayaa in uu heshiiskii iyo sharciga labada-ba uu afduubo taaasina miyaanay cadayn u ahayn in ay wax gaar ah isku og yahihiin kuwa lagu sheego xildhi-baanada kuwaas oo ah kuweii dhaliyey kana dambeeyey geeriddii iyo dhaawacii dhacay ma sidaas bay xoolo ku rabaan in ay ku helaan oo ay ku guulaystaan, waxay ula eerana-yaan CABDIRAXMAAN CIRO oo la ogaa in uu hor ordaayo mucaaridka bay rabaan in uu u xalaaleeyo wax aan xaq ahayn, taasina ma noqon doonto wax meel mara, kuwa rebsheda wada ee raba in ay mar kale qaraxdo waa mucaaridka maanta oo diidan in ay hirgeliyaan wixi la kala saxeeday.

* (3) Sharcigu wuxu lee-yahay waa in aanay xubnaha komishanku meela, sinaba, geesna, dhan kasta oo la eego-ba in aanay xidhiidh la yeelan ama la lahayn xusbiyada ee ay yihiin kuwo aan cidana loo tirin, waxase muuqata oo la soo doortay kuwa ku jira-ba golaha dhexe oo toos ula safan kana mid ah gudida sare ee xusbiyada , waa yaabe kuwaasi ma noqon karaan dhex oo kal sooni ma siin karaan umada, maxaa ciirada la iskugu qarinayaa ee milil korkii loo dhayayaa beriba dilaaci doona, wuxu yidhi abwaan QAASIM rabbi raali haka ahaadee:-

Haddii calan cadceed lagu dhex daro, wayska ciddan-ciide,
xidigahan casaadiyo, dayaxan caadka lagu meershay
Caamadu waxay moodayaan, curasho dayreede,
Anuun baase mooradan cakiran, kuu cadayn kara’e,

* (4) Faysal-na wuxu soo celiyey kii hore oo aan biyo is marin, ALOOW muu saacad ahaado komishan,oooo ha la bedel baa la isku raacay ee waxa ka dambeeyey maxay ahaayeen, ma mucaaridka baa sharci hoos oo ah qoobab ka ciyaar iyo dabaal joog-tayn wada, heshiis kula galay cabdiraxmaan ciro, oo raba in uu u ansixiyo wax aan meesha qaban, waaba la ogaa safadkii aad mooday in uu yahay xusbi kale oo mucaarid ahe.
……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….
* Waxan ku soo gabaga-beeyey maqaalkan umada reer somaliland imikaba haka markhaati kacdo waxa socda ee aywadaan mucaarid,
* Golaha guurti-duna waa in uu daba galaa siddii uu ahaa heshiisku ee lagu saxeexay,
* Goa’aankii guurtidu qalinka ku duugtay waa in uu GUDOOMIYAHA MR SALEEBAAN oo cadceeda ka cadeeyaa ee ay u foodeen 77ka xildhi-baanka ahaa ee fadhiyey, wuxuu ahaa in la akhriyaa,
* Caalamkii carcara-raayey wixii uu soo ban dhigay ee khasabka ahaa waa in isna dhayda ka cadeeyaa oo sheegaa in ay khaldan yihiin mucaarid.

*N.B Maanta-na far baan maydhayaa hay fadhiyo geelu miyaa xaalku haddii aad tihiin mucaaird.
Abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment