Monday 12 October 2009

DUGSI 5 SANNO AH U XAYIRAN XUKUUMADDA DAAHIR RIYAALE

DUGSI 5 SANNO AH U XAYIRAN XUKUUMADDA DAAHIR RIYAALE

Dugsi 5 Sanno Ah U Xayir Xukuumadda Daahir Riyaale. DAAWO SAWIRADA

Xagguu ku Dambeeyay Dugsigii hore loogu yaqaanay Xalane, markii dambena ahaa kulliyada tababarka macallimiinta, imakana loo bixiyay Xaaji Ismaaciil Faarax?.

Hargeysa-Sallaxleynews-Wali ma is weydiisay halka uu ku dambeeyay Dugsigii Ex-Xalane, Kulliyadii Tababarka Macalimiinta, imakana loo bixiyay Dugsiga Haaji Faarax Ismaaciil? Yuu u xidhan yahay dugsigani? Maxaa loo furi waayay? Toloow isagana miyaa la iibinayaa?

Dugsigii hore loo yaqaanay Xalane, markii dambena ahaa kulliyada tababarka macallimiinta, imakana loo bixiyay Xaaji Ismaaciil Faarax, oo ku yaalla waaxda Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa muddo 5 sanno ah xidhan, iyada oo aanay haba yaraatee jirin wax arday oo wax ka barataa.

Dugsigan oo ah Iskuulka ugu baaaxda weyn dhul ahaan Iskuulada Hargeysa, ayaa waxa uu xidhmay sannadkii 2004, markii ay ka qalin jebiyeen macallimiin loogu talagalay in ay wax ka dhigaan dugsiyada Hoose/Dhexe ee magaalada Hargeysa, waxaana taas ka sii daran dayactir la’aan iyo burbur baaxad leh oo hadheeyay dhismaha Dugsiga Xalane o ku yaalla caasimadii dalka ee Hargeysa.

Illaa iyo hadda sabab lagu qanco oo loogu cudurdaaro xidhnaanshiyaha dugsigan, qaar ka mid dadweynaha u dhuun-daloola xaallada dugsigan, ayaa Sallaxleynews u sheegay in dugsigani uu u xidhan yahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo sheegay in uu doonayo in uu ka dhigo iskuul farsamada gacanta ah, waxaanu madaxweynuhu sheegay in uu wax ka sugayo nin haayada wata oo dugsiga furaya, waa nasiib darro in Madaxweynii qaranku iskuuladiisa wax uga sugo gacmo shisheeye oo aan la isku hallayn Karin, waxa ay se ahayd in Iskuulka la furo, waayo hadda dakhliga xukuumadu waa wanaagsan yahay kadib markii ay xaraasheen dhul-dawladeed oo ballaadhan.

Maamulkii u dambeeyay ee dugsigan ayaa ahaa Axmed Cabdi Dacar oo ay iska ag dhawaayeen Daahir Rayaale Kaahin, ninkaas oo loo aananayno in uu yahay caqabada hor taagan in uu furmo dugsigani, sababtoo ah xidhiidh ka dhexeeya isaga iyo madaxtooyada dalka,

Dadweynaha reer Hargeysa, gaar ahaan dadweynaha waaxda Axmed-Dhagac oo ay Sallaxleynews wax ka weydiisay sida ay u arkaan dugsigan caddilan, ee ay ardaydoodu wax ka baran lahaayeen, ayaa dhamaantood muujiyay sida laxaadka leh ee ay uga xun yihiin xidhnaanshaha iskuulkan weyn oo soo saari lahaa, waxna ay ka baran lahaayeen kumanaan arday

Waxa is weydiin leh: Goormaa Iskuulkan la furayaa? Yaa furaya? Haayadi ma imanaysaa? Maxay xukuumaddu u daawanaysaa dugsigan caddilan? Xidhnaanshiyaha Iskuulkani ma u muuqan kartaa tallaabo aargoosi ah oo lala beegsanayo dadweynaha Xaafadda Axmed-Dhagax ee sida Geesinimada leh u taageera Xisbiga Weyn ee Kulmiye?.

Sallaxley News Desk
Hargeysa, Somaliland
Editor@sallaxleynews.
123


No comments:

Post a Comment