Sunday 4 October 2009

KULMIYE IYO UDUB OO XUBNO CUSUB U MAGACAABAY KOMISHANKA IYO LOOLANKA DUMARKA

KULMIYE IYO UCID MIDKEEBAA KASBADAY DHALINYARADA?????

UCID KUOMIYE_opt(2)
Ugu horeyn waxaa jirtey sannadkan ardey badan oo kasoo qallinjalisey jaamacadaha iyuo kuliyadaha waxbarasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
2009 waa sannadkii ay ardeyda u badani kazoo baxeen jaamacadaha isla markaana barteen culuum kala gadisan sida caafimaad, injineerin, ganacsi, qaanuun, cilmiga xoolaha, culuumta sayniska, saxaafadda iyo culuumta casriga ah ee ICT-ga.
Waxaa haddaba xusid mudan in la darso labada xisbi hanaankay usoo abaabuleen labadaas xafladood iyo gaar ahaan labada musharax mucaarid hadaladay ka kala jeediyeen madalaha lagu casuumay aqoonynahanada da’da yar
:- Musharaxa Jagada Maxweynenimo ee Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), ahna Guddoomiyaha Xisbigaas, ayaa sheegay in todobaadkan bilaabmaya gudihiisa lagu soo dhamaystirayo kala diridda Guddiga doorashooyinka ee hadda shaqeeya iyo soo magacaabidda Xubnaha bedali doona, ka dib markii ay Xisbiyada Siyaasaddu ka wadahadleen qaabka doorasho xor iyo xalaal ah lagu heli karo.
Axmed-Siilaanyo, oo caawa ka hadlayay Xaflad lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, oo Xisbiga KULMIYE ku maamuusay guud ahaan in ku dhaw 600 oo ah Ardaydii sannadkan ka qalin-jabisay Jaamacadaha Hargeysa University, Golis University, Admas University, iyo Machadka Culuunta Xannaanada Xoolaha ee Degmada Sheekh, taasoo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin sarsare oo KULMIYE ka tirsan, Golaha Dhexe ee Xisbigaas, Xildhibaano Golaha Wakiillada ka tirsan iyo Marti-sharaf kale oo tira badan.
Waxaanu uu Ardayda uga waramay himilada iyo higsiga Xisbigiisa iyo sidoo kale qorshayaasha uu diyaariyay dhalinyarada dalka, isla maraana waxa uu ka jawaabay su’aalo door ahaa oo la xidhiidhay waxyaaba uu KULMIYE wax ka bedali doono iyo meelaha uu wax ka qaban doono haddiiba uu talada dalka ku guulaysto doorashada soo socota.
Guddoomiyuhu, waxa uu sheegay in ay Xisbi ahaan qorshe cad oo aan madmadaw ku jirin dhalinyarta u diyaariyeen, qodobada qorshahaas oo ay ka mid yihiin in Dastoora Qaranka laga saaro qodobka dhigaya inaan qof 35 jir ka yari xil qaban Karin ama doorasho isu sharixi Karin, in dhalinyarta bilaash looga dhigo waxbarashada ilaa heer Jaamacadeed, shaqooyin uu u abuuro, curinta Warshado, sida Warshaddii sibidhka ee Berbera, horumarka arrimaha bulshada oo uu ka shaqeyn doono, sida Caafimaadka, Biyaha, Waddooyinka, Waxbarashada, Wax-soosaarka Beeraha iyo qodobbo kale oo tira badan oo ay xal u helidda tahriibtu ka mid tahay.
Musharax Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu khudbaddiisan kaga hadlay heshiiskii dhawaan dhexmaray Xisbiyada siyaasadda iyo hirgelinta qodobbada heshiiskaas. Waxaanu Guddoomiyaha KULMIYE oo arrintaa ka hadlayaa yidhi, “Waxa jirta in dad badani haraamanayo heshiiskii dharaartii dhawayd aanu wada saxeexnay haddaanu nahay Xisbiyada, waxaan leeyahay marka wax laysla qaato ee lagu heshiiyo hallaga daayo jiid-jiidka inta aan wax iska bedalin.”
“Heshiiskaa qodobadii ugu horeeyay gudagalkooda shalay ayaa la bilaabay, waxa ugu horeeyaa waa in wax laga bedalo Guddiga doorashooyinka Qaranka ee hadda Shaqeeya, bedalidda Komishankana todobaadkan ayaa Golaha Wakiillada la horgaynayaa oo
Dhinaca kale guddoomiye faysal caliu waraabe waxaa uu isna soo jeediyey khudbad qoran oo markii dambe lagu faafiyey mareegaha wararka qaarkood, waxaa iyana jirtey khudbad aqooneed uu jeediyey musharaxa madaxweyne xigeenka xisbiga UCID oo iyana qorneyd isla markaana mareegaha wararka sidoo kale lagu daabacay. haddaba haddii aynu sideeda u soo qaadano khudbada faysal waxay ahayd sidan
Waxaan aad ugu mahad naqayaa qabanqaabiyayaasha munaasabadan quruxda leh, garabka dhalinyarada heer qaran, garabka haweenka, guddida gobolka Hargeysa, iyo dhammaan xubnaha xisbiga ee isku hawlay hirgalinta munaasibadan qiimaha badan.
Waxaan aad u boogaadinayaa ardayda kun iyo dheeraadka ah ee guud ahaan ka soo qalin jabiyay jaamacadaha iyo kuliyadaha dalka sanadkan 2009. Runtii waa wax lagu indho doogsado Xisbi ahaana aanu si aad ah u soo dhawaynayno tirada intaas leeg ee qaranka u soo baxday. Waxaana mahadeeda leh guud ahaan intii ku soo tabacday oo aad idinku ugu horaysaan, maadaama ay idinka timid doonistii iyo dedaalkii aad kaga midho dhaliseen guushaas aad maantaba xaqiijiseen.
Kobcinta Aqoonta
Ugu horayn aqoontu kuma xadidna barashada duruusta dugsiyada iyo jaamacadaha, IWM, balse intaas way ka sal balaadhan tahay. (Aqoonta waxa aan ka madhnayn ama u muhiimsan fahamka nolosha oo ah in qofka aqoon yahanka ahi garto himilada loo abuuray). Sidaas daraadeed, waan in hankeenu ka weynaado kudlad aqooneed la dhameeyo sida Bachelor Degree oo aynu hiigsano heerarka aqooneed ee kala sareeya sida Masters Degree, PhD iyo Prof. Dhinaca kale waa in aad ogaataan sida tusaale ahaan dhismaha dhaqaale ee qaran uu ugu baahan yahay kaabayaal ayaa aqoontuna ugu baahan tahay kaabayaal aan laga maarmayn kuwaas oo ah (1) akhlaaq, (2) daacadnimo (3) karti (4) han iyo himilo (5) wadan jacayl iyo (6) alla ka cabsi.
Alla ka cabsi
Cilmi kasta oo la barto haddii aan Alle (SWT) lagaga baqayn waynaantiisa lagu garowsan cilmigaasi barako ma laha heerkuu doono ha joogee. Illaahay waxa uu (SWT) suuratul Sumur aayada 9aad kaga waramay xidhiidhka ka dhexeeya cabsida Illaahay iyo cibaadada ( … Inamaa yatadakaru uulul albaab).
Barnaamijka Xisbiga
Walaalayaal duruufaha dalka yaalaa waa qaar adag oo tiro badan, xukuumada haatan sii socotaana waa talaxgab waxaana ay ku guul daraysatay in ay ka turjunto himiladii iyo rajadii shacabka mudo todobo sano ah. Waxaase indho-adayg aan xikmadi ku dheehnayn ah in ay haddana mar labaad tidhaahdo haddana waykane i doorta inta aad indhaha is qabataan. Haddii haddaba arrini sidaas tahay waxa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland maanta la gudboon in ay iska iloobaan wax hodaya oo ay doortaan hogaan daacad ah, leh Alle ka cabsi geedigana dejin kara halka loo hayaamayo oo ah aqoonsi caalami ah, horumar balaadhan, caddaalad, waxbarasho, caafimaad, deegaan fayow iyo degenaansho suggan.
Walaalayaal UCID ugu kaalaya barnaamij cad, siyaasad ku qotonta dhaqan Islaami ah, ka turjumida dareenka dadka, wada tashi, waxqabad iyo daacadnimo.
 Waxa aanu ballan qaadaynaa in aanu keeno aqoonsi bulshada Somaliland-na tayayno aqoonyahanada dalkana kaashano.
 Waxa aanu abuuri doonaa shaqooyin badan.
 Waxa aanu dhisi doonaa wadooyin dalkoo dhan isku xidha shan sanadood gudahood si dhaqaalaheenu u midaysmo una kobco gobol walibana quruskiisa dhaqaale u helo.
 Waxa aanu dhisi doonaa ciidan haybad leh, qalabaysan, aqoon iyo adaab Islaamiya leh, daryeel iyo darajo leh oo hirasho iyo hanba ku naalooda.
 Waxa aanu dib u qaabayn iyo waxqabad laxaad leh ka gaysan doonaa caafimaadka dadweynaha oo aanu tuulo walba ku dadaalayno in aanu gaadhsiino iyo waxbarashada oo aanu kor u qaadi doono anigoo miisaaniyada dalka ka siin doona mid kasta 20%.
 Waxa aanu dib u qaabayn ku samaynaynaa dhaqaalaha dalka anagoo nidaamka cashuuraha dib u eegayna, isla markaana dejinayna shuruuc dhaqaale iyo ganacsi oo ku qotoma siyaasada isku badhaxa ah (Mixed Economy System). Waxa aanu xuli doonaa guddi madax bannaan oo ka kooban culimo iyo aqoonyahaniin u igman ururinta, habaynta, hormaynta iyo qaybinta sekeda. Waxa aanu culayska saaraynaa kalluunka, beeraha, xoolaha iyo macdanaha dalkeena ku duugan. Waxaanu dhisaynaa bangi dhexe oo cudoon awoodna u leh hagida dhaqaalaha dalka iyo illaalinta maslaxada iyo hantida shacabka (anigu kan imika jira bangi dhexe uma haysto ee waxa aan ku sifaynkaraa qasnad dawladeed, public treasury). Waxa aanu sanad kasta abaabulaynaa barnaamijyo shaqooyin lagu siinaayo dhalinyaro fara badan isla markaana loogu guurinaayo (aroos wadareedyo). Waxa aanu kordhinaynaa wakhtiga shaqo anaga oo kor u qaadayna wax soo saarka shaqaalaha dalka isla markaana dejinayna shuruuc kaabaysa arrimahaas.
 Waxa aanu dib u habayn iyo kaabid farsamo ku samayndoonaa qawaaniinta dalka si loo helo caddaalad sugan loogana fogaado murano sharci.
 Waxaanu gunta aanu ka jaraynaa musuqmaasuqa baahay anaga oo xoojin doona madaxbanaanida iyo awooda hay’adaha hantidhawrka iyo xisaabiyaha qaranka.
 Waxa aanu samayndoonaa nidaam cadaaladeed xoogan oo ku abtisada kitaabkeena iyo sunaha nabigeena (SCW).
Walaalayaal aniga oo ogsoon in hawlahaasi aanu balan qaadaynaa aanay sahlanayn ayaanu fulintooda iyo ka dhabaytoodaba u mari doonaa ugu horayn taageeradiina oo fure u ah in aanu wakhti u helno wax ka qabashada arrimahaas si barnaamijkayagu u hirgalo, UCID wax ka go’an dhismaha xukuumad tayo saraysa: xukuumad han leh oo aan hunguri ku salaysnayn: xukuumad dadku u siman yahay oo aaminsan in ay dadka u shaqayso een iyada loo shaqayn taas macnaheedu waxa weeyaan waxa aanu dhisaynaa xukuumad dadkeeda u dhaga nugul la waayo ah isdul dhig iyo garowshiyana leh: xukuumad aqoontu hagayso (technograts) oo dadka lagu xushay diin, aqoon iyo hayn ay kaga maarmaan fadhataysiga hantida dad waynaha; xukuumad uu madaxweynuhu qaadi u yahay ee uuna qiyam u ahayn sida tan imika; xukuumad cid kastaaba doorkeeda leedahay oon cid ku urursanay sida tan imika joogta; xukuumad madaxweyne-xigeenku miisaan leeyahay oo aanu muunad ahayn sida tan imika; xukuumad haayadaha ajanibiga ka shaqaysiisa oon shaxaadin sida tan imika joogta; xukuumad u taagan adeega dadweynaha oo aan tobanka subaxnimo rawixin sida tan imika; xukuumad dadkeeda la hayn ah oo aan laankuruusaro iyo suudhadh ku qoofalnayn sida tan imika; xukuumad hor kacda iskaa wax u qabsiga iyo dedaalka wax dhiseed oo aan guri iyo hudheel ku abudhnayn sida tan imika; xukuumad dhulka hantida guud ilaalisa oo aan xalaashan sida tan imika.
Wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh
Haddaba qiimeynta maxfaladan waxaanu u daynaynaa akhrtisteyaasha, iyadoo labada munaasibadoodba ahaayeen qaar runtii wanagsan oo ay kasoo qayb galeen shakhsiyaad qiime leh, iyaddoo xisbiga KULMIYE xafladiisa ay joogeen badanka xubnaha u caansan xisbigaas iyo siyaasiyiin waaweynaa. Balse xaflada UCID ay ahayd mid dhiibsan oo ku qotonta ujeedada la sheegay in loo qabtey isla markaana barnaamijku ahaa mid qoran oo hanaansan kana muuqatey diyaar-garaw iyo tabaabushe ay ku dheehnayd hawlkarnimo.

Wargeyska Waaheen

No comments:

Post a Comment