Saturday 3 October 2009

GUUSHA TARIIKHEED EE MADAXWEYNEYAASHA SOMALILAND.

GUUSHA TARIIKHEED EE MADAXWEYNEYAASHA SOMALILAND.

GUUSHA TARIIKHEED EE MADAXWEYNEYAASHA SOMALILAND.
sanwaa-cumar_2

Waxaan ku bilaabaya bismilaahi raxmaani raxiim, waxaan ku xigsiinayaa daah ka rogis guusha taariikeed

Ee madaxweyne yaasha Somaliland oo kooban. Waxay kala yihiin ilaahay haw naxariistee C/Raxmaan Axmed Cali (C/raxman Tuur),Maxamed H Ibraahin Cigal iyo Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin oo hada talada haya.

Taariikhdu waa dhaxal gal waxa u aaya bini aadmiga markaa nool kuna jaangooya noloshooda ay wakhtigaas ku jiraan ama u isticmaala inay ku kaabaan maamulka ay markaa haystaan. Hadaba madaxda aduunku waxay reebaan raad taariikhiya ama ha wanaagsanaado ama mid aan laga raali noqon ha noqdee kana markhaati kacayso bulshadaa uu xukumayay ee uu madaxda u ahaa. Waxay madaxweyne yaasheenuna la wadaagaan dhigooda raadkaas taariikhiga ee ay reebaan markay xilka ka dagaan. Ma haboona in taariikhda laga beensheego waanay iga qaldami kartaa laakiin waxaan ku niyad samay inaan hubo sharaxan madaxweyne yaasha ee hoos ku xusan waayo? Xogbadana waan hayaa waxna waan usoo joogay. Bal aan ku bilaabo siday u kala horeeyeen Madaxweynii u horeeyay ee somaliand:

1) C/Raxmaan Tuur:

Ilaahay haw naxariistee waxuu marxuunku kala wareegay xukunkii halkii SNM mudane siilaanyo kad dib doorashadii Baligubadle. Waxa uu ku xila furay inuu dalka ku xoraynayo mudo 6 bilooda iyadoo dadkeenii barakacay ay u qaateen fikir riyo ah bal se Ruugcadaagu uu u dhigay shaxdii SNM si la odhankaro waxay shabahaysay SIXIR. Waxa hadaladiisa ka mid ahaa: MAANTA SIYAASADAA QORIGA HOGAAMINAYSA IYO MASKA MADAXAA LAGA DILAA!! Waxuahaa waayeel diblomasiya (Great Diplomat) mudo aad u dheer taaso u sahashay inuu furo guntintii isu haysay dawladii Afweyne. Aan soo koobe, Tuur waxa uu General Caydiid u bandhigay siyaasad hufan oo uu garawsaday taasoo ku salaysnayd maska madaxaa laga dilaa dabadeedna Caydiid ayuu xamar afka u saaray dalkiina si dhib yar ayuu ku xoreeyay (I dont hesitate to mention that it was a magic political strategy).Cigal waa la waydiiyoo waxa la yidhii: ninkii C/raxman Tuur siday ku dhacday inuu madaxtooyada somaliland uu kaga hadlo mabda’iisu inuu yahay Federal System? Cigaal waxuu ku jawaabay waa ninkii xoreeyay dalkan. Guushiisii taariikheed waxay ka dhigtay:

Aabaha xoraynta Somaliland (Father of Somaliland Liberation). la’aantii Somaliland iyo madaxweyne yaal toona ma jireen.

2) Mohamed H Ibraahin Cigal:

Ilaahay hawnaxariistee waxuu xukunka kala wareegay C/Raxman Tuur iyadoo lagu soo doortay shirkii Beelaha Somaliland ee ka dhacay magaalada Boorame ee Gobalka Awdal. Xiligaas waxa dalku uu ahaa fawdo,waxa jiray dayday ,is dhexyaac,kala dambayn la’aan iyo waxii la halmaala. Waxa uu marxuunku ku guulaytay dhisitaanka dawlad leh dastuur shacbigana hagta oo leh dhamaan hayadaheeda dastuuriga ah taas oo ah dawladeena qiimaa badan ee hada dalka ka jirta Republic of Somaliland. Guushiisii taariikheed waxay ka dhigtay:

Aabaha aasaaska dawlada Somaliland (Father of the Foundation of Somaliland government) la’aantii dawladi ma jirteen.

3) Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo iminka ah xay talada dalkana hogaamiya:

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu xilka la wareegay ka dib geeridii Marxuum Cigal alla ha naxariistee. Markaan xusno wax qabadkiisa siyaasadeed,waxa M/Weyne Rayaale soo kordhiyay waji siyaasadeed cusub oo hor leh oo ah abuurista xidhiidhka Somaliland la leeday beesha caalamka (Somaliland Political Relation with International communities) kaas oo aad ay u tabaysay jamhuuriyada Somaliland aadna u liitay mudadii xukunkii Cigal. Waxa uu hirgaliyay dardargalinta axsaabta qaranka iyo doorashooyin dimoqraadiya kuwaasoo la galay mudaba sadex jeer . Lama ilaawaan waxa ah,lana hilmaami karin inuu sugay xuduudihii dalka soona celiyay dalka badhkii maqnaa.Waa Aabaha iyo aasaasaha xidhiidhka caalamka ay la leeday somaliland(The father and Founder of Somaliland Political ties with international communities) La’aantii Somaliland lagama barteen dalalka aduunka ee maanta laga yaqaan. NB: dhamaan akhristayaasha qaddariya maqaaladayda ee qaaliga ahoow mudane yaal iyo marwooyinba ka raali ahaada waan soo koobay xuskan taariikhda madaxweyne yaasha Somaliland.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com
Mobile# +974-6659801.
————————————————————————————————————————————————————-


No comments:

Post a Comment