Friday, 9 October 2009

KULANKII DR ABDI AW DAAHIR IYO GUDOOMIYE KUXIGEENKII LABAAD EE KULMIYE C/RAXMAAN.

KULANKII DR ABDI AW DAAHIR IYO GUDOOMIYE KUXIGEENKII LABAAD EE KULMIYE C/RAXMAAN.

Kulankii Dr Abdi Aw Dahir iyo C/Raxmaan C/qaadir ee London

Waxa manta guriga uu degan yahay C/raxmaan C/qadir ee galbeedka magaalada London kulan ku yeeshay C/raxmaan C/qaadir iyo Dr Cabdi Aw Dahir iyo odayaal kale oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye ah ayna ka mid yihiin gudoomiyaha laanta kulmiye ee bariga London Kayse Geele Xidig iyo Cismaan xaji Jamac Guuleed oo ka mid ah asaasayaashii xisbiga kulmiye. Waxa kulankaasi ku saabsanaa is arag iyo shirar ay dhawaanahanba qaban qabinayeen oo ay ku doonayaan wacyi galin iyo xog waran ay doonayaan inay u qabtaan shacbiweynaha reer Somaliland ee ku nool cardigan ingiriiska. Waxa ay ahayn mudo laba bilood uun ka hor markii gaadhi ay saarnaayeen madaxda kulmiye oo uu ka mid ahaa gudoomiyahii u qaabil sanaa Xisbiga Kulmiye galbeedka Somaliland Ala ha u naxariistee Cali Maxamed Gulleed Cali Marshaal uu gaadhi u usaarna ku qalibmay kuna geeriyooday iyadoo halkaasna uu ku dhawacmay C/raxmaan C/qadir oo ah gudoomiyaha 2aad ee xisbiga kumiye iyo Maxamed Xaashi. C/raxmaan C/qaadir oo caafimaadkiisu markii aan arkay uu aad u wacnaa waxa uu ii sheegay in uu aad u wacan yahay shaqadiisiina uu iminkaba bilaabay dalkiina dhawaan ku noqondoono shirarka ay qabanayaan ka dib. Dr Cabdi aw Daahir oo isna aan wax ka weydiiyey safarkiisan London waxa uu ii sheegay in uu magalada u yimid arimo caafimaad iyo baadhitaano iminkana uu dhamaystay.A AWDAHIR IYO ABDI RAXMAN

No comments:

Post a Comment