Friday 9 October 2009

Ergayga u Ololeeya Ictiraafka Somaliland Mr. Cabdikariin Seef oo si Kulul uga Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Xildhiban ka Tirsan Dawladda Sheekh Sharii

Ergayga u Ololeeya Ictiraafka Somaliland Mr. Cabdikariin Seef oo si Kulul uga Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Xildhiban ka Tirsan Dawladda Sheekh Shariif

Mr. Cabdikariin Naasir Seef (Dheeg) oo ah Ergay u ololeeya ictiraaf raadinta Somaliland oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska, ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ka tirsan dawladda Sheekh Shariif ee Soomaaliya magaciisa la yidhaa Mawliid Macaane, kaas oo ka xumaaday hambalyo iyo boogaadin uu Somaliland u soo diray Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, taas oo dabasocotay soo afjaridii murankii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa.

seef

Mr. Cabdikariin Naasir Seef oo isagoo ku sugan dalka Ingiriiska khadka telefonka ugu waramayey xafiiska magaalada Hargeysa ee shabakada wararka ee SDWO.COM, waxa uu xildhibaanka ah ku tilmaamay nin isagoo gurigiisii gubanaya doonaya inuu ka hadlo waxaan shaqadiisa ahayn, balse looga baahan yahay inuu magaalada uu ka soo jeedo dabka ka bakhtiiyo.

“Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa habar dhaliwayday aleelo ku waalatay, Jamhuuriyadda Somaliland uma taalo Koonfuri ee waxay doonayso way caddaysatay, bulshada caalamkuna way ogtahay. Ninkaa iska hadlay ee maamulka Koonfur ka tirsan ee xildhibaanka lagu sheegayo wuxuu sidiisaba ka yimi tuulo ku taala Jawhar, markaa in nin gurigiisii dab ka baxayo amatuuladiisii cidla tahay oo lugta la mariyey inuu yidhaa Somaliland iyadoon Soomaaliya ictiraafin meel gaadhimayso, waa ayaan-darro iyo nasiib-darro. Somaliland bulshada caalamka ayaa og inay dal jira tahay,” ayuu yidhi Mr. Cabdikariin Seef oo ka hadlayey hadal dhawaan ka soo yeedhay xildhibaanka ka tirsan dawladda Sheekh Shariif oo sheegay in aanay Somaliland noqon Karin dawlad madaxbannaan.

Mr. Seef waxa uu si weyn ugu mahadnaqay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iy Soomaaliya oo uu sheegay inuu ka markhaati kacay jiritaanka iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay.

Mr. Cabdikariin Naasir Seef waxa kale oo uu ka hadlay murankii siyaasadeed ee dhawaan lagu soo afjaray somaliland, waxaanu sheegay in khilaafkaasi uu qayb ka yahay uun dimuqraadiyada ka hanoqaaday somaliland, balse aanu ahayn wax cadowtooyo iyo dhibaato kale ah toona.

“Waxaa laga wadahadlayey waa dimquraadiyad uun wax kale oo dhib ah oo meesha la isku hayaa ma jiraan, haddii laga doodayo doorashada xilligaa inooga dhiga iyo maya ee waqtigaa iyo Guurtida hala soo mariyo ayey ahayd. waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay oo aan weligayba iska ogaa in Jamhuuriyadda somaliland leedahay gole sare oo Guurti ah, ” ayuu yidhi Mr. Seef, waxaannu intaa raaciyey, “Labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID iyo weliba xukuumadda oo wada jira inay dantooda kala weyn tahay ta shacabka Somaliland ee markii is qabsi siyaasadeed yimaado meel looga soo wada jeedsanayo.”

Waxaannu mahadnaq weyn u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, labada guddoomiye xisbi mucaarad Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe iyo Golaha Guurtida.

Shiine Cilmi Kaahin – Hargeysa

No comments:

Post a Comment