Thursday 8 October 2009

KULAN BALAADHAN OO LAGAGA HADLAAYEY XAALADA CAAFIMAAD DARRO EE SOO WAJAHDAY GOBOLKA SANAAG

KULAN BALAADHAN OO LAGAGA HADLAAYEY XAALADA CAAFIMAAD DARRO EE SOO WAJAHDAY GOBOLKA SANAAG

Ceerigabo: kullan ballaadhan oo lagagahadlayey xaalada caafimaad darro ee soo wajahday gobalka sanaag‏

kullan ballaadhan oo lagu qabtay hoolka shirarka iyo xafladaha ee gobolka sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa kasoo qayb galay godoomiyaha gobolka wasiiro iyo dhammaan isudywayaasha iyo agaasimayaasha wasaaradaha gobolka sanaag.

waxaana lagaga hadlayey arrin degdeg ah oo ku timi gobolka sanaag taas oo ah shuban biyood ku dhuftay gobolka sanaag gaar ahan goobaha miyiga iyo tuulooyinka waxaana degmada dararwyne iyo garadag ceel afweyn godcaanood iyo dhinaca bariga ah xingalool uu u keenay dhimasho iyo da’duu soo ritay.

ugu horaynba waxaa umuurtaa ka war bixiyey godoomiyahacaafimaadka ee bisha cas xasan axmed koore oo ku dheeraaday xaalada baahsan ee ku habsatay deegmada gobolka isla markaana xaqiijiyey xaalada dhabta ah ee halkaa kajirta waxaana uu sheegay in abaarihii ku afar jirsaday gobolka sanaag iyo raxmaad kii roobabka dayrtu ay isbedelkoodii saameeyeen iyadoo dadku ceelashii ay dadku ka cabi jireen ay hore u saamaysay baqtigii xoolaha ceelasha ku dhacay waxaan uu sheegay in 24kii saacadood ee ugu danbeeyey uu soo ritay dad aad utiro badan waxaana ku geeriyooday 2 ruux

waxaa kale oo halkaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka sanaag cali cabdi hurre oo sheegay in uu shuban biyoodka gobolka sanaag ku habsayday yahay mid kii u xumaad ee so mara deeganada bariga somaliland.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada soomaaliland yuusuf ciise ducaale tallaabo oo sheegay in xaaladani tahay Aafo qarran isla markaana ku tilmaamay mid ay ku wada habsatay gobolka sanaag.

iskusoo wada duuboo kullan kan ayaa lagu lafaguraya xaaladaa caafimaad daro ee ku habsatay gobolka waxaa kale oo kullana uu hogaaminayey wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada iyo dhammaan isu duwayaasha wasaaradaha wasaarad kasta oo ay khusayso arintani inay ka qaybqaataan si hagar la aan ah, waxaan deegaamada ugu daran kamida ah dararaweyne hadii raxmaadka roobabkuna sii fidaan ay saamaynaso dad kale oo aad utirobadan shuban biyoodkani.

REPORTED BY ABDILAHI ALI AIDED
BURAO SOMALILAND

EMAIL himilo1988@hotmail.com

Tell: +25224343783

No comments:

Post a Comment