Thursday 8 October 2009

COLLEGE LAGU MAGACAABO ADISABABA MEDICAL COLLEGE OO MANTA XAFLAD LOOGU DHIGAY HARGAYSA

COLLEGE LAGU MAGACAABO ADISABABA MEDICAL COLLEGE OO MANTA XAFLAD LOOGU DHIGAY HARGAYSA

College lagu magaabo Adis ababa Medical College ayaa maanta laga furay Magaalda Hargaysa , xaflan oo lagu qabtay Huteel Maansuur ee magaalada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay madax ka socodta wasaaradaha waxbarashada ,caafimaadka , maaliyada, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay madax ka kala socota laba gole ee gurtida iyo wakiilada , madaxdax ka socodta xisbiyada mucaaradka iyo dad wayne aad u tiro badan .
Colleg_opt
College kan Adisababa Medical College ayaa waxay qayb kale ku leedahay Dalka Ethiopia gaar ahaa magaalo madaxdiisa Adisababa taa oo meel kalena ay ku leedahay xarumo.

Xaflada oo ahay mid aad u heer saraysa waxaa khudbadu ka kala jediye madaxdii halkaasi ka soo qayb gashay kuwaas oo ku tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin furitaanka Collagekan oo wax ka tari doono dalka kana faaidaysan doonaan dayarta soo koraysa ee kala wax ka barata.

Madaxdkii halkaasi ka hadashay waxa ka mid ahaa Mulkiilaha Collegeka Dr Maxamuud Cismaan , gudoomiyhaa xisbiga Ucid mudane Faysal Cali Warabe, Xaaji Cabdikariim Xussen Cabdi warabe oo ahaa duqaytiidii guurtida, wasiirul dawlaha caafimaadka Axmed Cali shire, Wasiir ku xigeenka Caafimaaka ,maaliyada iyo madax kale oo aad u tiro badan .

Madaxdii halkaasi ka hadashay oo uu ugu dawaynaa Xildhibaan xaaji Cabdikariin ayaa waxa uu sheegay in khilaafkii dalka xal laga gaadhay taas oo uu yidhi mar hadii xal laga gaadhay khilaafkii waa in sadexda musahrax ay si wacan oo walaatinimo ku dheehantahay ay u tar tamaan, xaajigu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in niman Somaliland u dhashay ay hadan intaa tabcaynayaan kuwaas oo uu ka carabaabay Pro Cabdi Ismaaciil Samatar taas oo uu sheegay in mutacalinkas reer Somaliland ahi uu walu u haqab taago meel cidlo ah waxaanuu ku dar daray in uu u jeesto Somaliland oo ah meesha uu ka soo jeedo .
Sidoo kale waxaa ka hadlalay goobtasi ninka ka masuulka ah College ka Dr Maxamuud Cismaan waxaanuu sheegay in ardaydii ka qalin jabisay jaamacadan qaybta Itoobiyi ay imika ka shaqeeyaan cisbitaalka guud ee Adis Ababa. Mar uu ka hadlayay sababta waqtigan ku kaliftay in ay Hargeysa laan cusub ka furaan waxa uu xusay in ay lagama maarmaan u arkeen ardayda reer Somaliland ee waxbarashada u tagi jirtay dalka Ethiopia ay u soo dhaweeyaan si ay dalkooda uga heli karaan. Waxaanu Md Cismaan aad iyo aad ugu mahad celiyay maamulka dalka Ethiopia iyo maamulka Somaliland labadooduba sidii wanaagsanayd ee ay uga aqbaleen in Hargeysa laga furo laantan cusub.

Cabdillaahi Yuusuf oo ka tirsan masuuliyiinta wasaarada waxbarashada Somaliland oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay muhiimada ay aqoontu u leedahay guud ahaanba aadamaha. Waxa uu Dr. Sanyare aad uga sheekeeyay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashada Somaliland iyo waqtigan in ay marayso meel uu heerkeedu aad u sareeyo. Waxaanu xusay baahida loo qabay aqoonta ay jaamacadani bixin doonto, isaga oo ku dheeraaday in aad iyo aad loogu baahnaa culuunta caafimaadka oo inta badan loo tagi jiray meelo dalka aad uga fog fog. “ waxa aanu doonaynaa in lahaanshiyihiisu ay Sugnaato si aanu u iman muran iyo is qab qabsi.” Ayuu yidhi, Cabdillaahi Sanyare oo ka sheekeenayay qorshaha maamul ahaan uga dejisan jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawl gala. masuulkani waxa uu tibaaxay in ay aad iyo aad u soo dhawaynayaan jaamacadan cusub isaga oo u balan qaaday in ay si wanaagsan ula shaqan doonaan, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “ waanu dhiiri galinaynaa oo waanu la shaqayn doonaa”

Waxaa iyana ka kala hadlay goobtaasi Masuuliyiin badan oo uu ka mid ahaa Eg Faysal Cali Waraabe wasiiru dawlaha wasarada cafimaadka iyo masuuliyiin kale.

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

No comments:

Post a Comment