Monday 12 October 2009

FAYSAL CALI WARAABE GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO SAFAR UGU KICITIMAY WADAMADA ETHIOPIA IYO KENYA

FAYSAL CALI WARAABE GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO SAFAR UGU KICITIMAY WADAMADA ETHIOPIA IYO KENYA

War-saxaafadeed

faysal

Xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID waxa uu manta ku soo qaadanayaa warsaxaafadeedkiisan safar uu gudoomiyaha xisbiga UCID ahna musharaxa jagada madaxweynenimada xisbiga UCID uu ugu kicitimay wadamada Ethiopia iyo Kenya,

Manta oo ay taariikhdu tahay 11/10/09 abaaro 10:00 subaxnimo waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada hargaysa ka dhoofay gudoomiyaha xisbiga ucid isaga oo martiqaad rasmi ah ka helay wadama donors ka ee xaruntoodu tahay magaalada Nairobi ee dalka kinya , martiqaadkan ay wadamada donors ku u fidiyeen gudoomiyaha xisbiga UCID wuxuu kala hadli doonaa qodobadan soo socda ,

  1. xogwaran ku saabsan xaalada wadanku manta uu maraayo
  1. sidii loogu diyaargaroobi lahaa arimaha doorashada iyo in ay diyaariyaan kharashka ay badanaa ku bixiyaan arimaha doorashooyinka oo dhan 75% in aanay xagooda ku baaqanin oo ay sida ugu dhakhsaha badan u diyaariyaan
  2. in dhaqaale wadanka soomaliland la siiyo maadaama wadanku xoolihii ay dhoofin jireen la joojiyay ,dhaqaalaha aduunka ee hoos u dhacayna uu saamayn wayn ku yeeshay wadanka
  3. in ha,adda UNDP xafiis cusub ka furtaan gobolka togdheer gaar ahaan magaalada burco si ay mashaariic xaga horumarinta ah ay ka hirgaliyaan magaalada burco iyo gobolada bariba ,maadaama aanay hada wax mucaawimo ahi aanay gaadhin wadamada bariga,iyada oo magaalada burcana ay badiba ka tahriibeen dhalinyaradii inta soo hadhayna in loo sameeyo mashaariic horimarineed , ille dhaqaale iyo shaqo abuuriseed
  4. in soomaaliland laga qaado number 4KA xaga securet levelka ah ee ay saareen qaramada midoobay qaraxii argagixiso ee magaalada hargaysa ka dhacay 29/10/2008 ka dib oo ay ku soo celiyaan levelkeedii hore ee xaga sucuretka maadaama ay soomalailand ka nabadgalyo fiican tahay wadamo badan oo ka mid ah dunida

qodobadas iyo kuwo kale oo ku saabsan arrimaha soomaaliland ayay ka wada hadli doonaan gudoomiyaha muddada uu ku sugan yahay safarkiisan

waxa kale oo uu gudoomiyuhu uuu la kulmi doonaa muddada uu joogo magaalada Nairobi ,safaarado badan oo reer yurub ah , safiirka maraykanka (USA) u fadhida magaalada Nairobi,iyo aqoonyahanka,ganacsatada ,waxgaradka reer soomaaliland eek u sugan magaalada nairobi

intaas ka bacdi gudoomiyuhu waxa uu soo mari doonaa wadanka Ethiopia halkaas oo uu kula kulmi doono safaaradaha ingiriiska (UK) iyo waliba madax sarsare oo ka tirsan wadanka Ethiopia

waa markii labaad ee madaxda sarsare ee xisbiga UCID ay martiqaad ka helaan wadamada donorska sanadkan gudihiisa

wabilaahi tawfiiq

XOGHAYAHA WARFAAFINTA IYO SAXAAFADA EE XISBIGA UCID

MD,CABDINAASIR YUUSUF CISMAAN (QODAX)

No comments:

Post a Comment