Thursday, 15 October 2009

Jahawareerkii socday Afarta Toddobaad ee Gilgiley Somaliland!

Jahawareerkii socday Afarta Toddobaad ee Gilgiley Somaliland!

mrashoiod_3

Doorkii Madaxweynaha, Baarlamaanka, Dhexdhexaadiyaashii iyo Furayaasha!

W/Q: Dr. Mohamed-Rashid Sheikh Hassan

Afartii toddobaad ee ugu dambeeyey Jamhuuriyadda Somaliland waxaa soo marey mid ka mid ah xaaladihii u darnaa uguna khatarsanaa intii ay xornimada la soo noqotay. Marxaladaas darani waxay ahayd mid ay sababeen ismarinwaaga siyaasadeed iyo qaanuun ee u dhaxeeyey asxaabta siyaasada Somaliland ku hardamaya. Dhinaca kalena, hay’adaha sharci (the parliament) dejinta iy madaxweynaha.

Aragtida ay ka sinaayeen dadweynaha reer Somaliland, meel kasta oo ay joogaan iyo qayb kasta oo ay yihiinba (aqoonyahaniin, ganacsato, culimo, haween, dhalinyaro iwm) waxay ahayd in dalka Somaliland uu qarka u saarnaa burbur iyo hantaaqo kabashadeedu ay aad u adkaan karto.

Xaaladaas siyaasadeed iyo sharci ee dalka ka taagneyd waxaa sabab iyo gundhig ba u ahaa xil-gudasho la’aanta xukuumada iyo cago-jiidkay ka muujisey inay si niyadsami iyo kalsooni ku jirto u suurto-galiso qabsoomida doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka si xor iyo xalaal ah. Sidaas daraadeedbaa laga fursan waayey in doorashadu dib u dhacdo tiraba saddex goor. Waxaa xaqiiqo aan caad saarneyn iyo run ma dhaafaan ahba noqotey inaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu diyaar u ahayn inay ixtiraamaan geedisocodka dimuqraadiyada ee ku dhisan in doorashada xiligeeda la qabto.

Waxay hoggaanka qaranku doorbiddeen inay mar walba doorashada dib u dhigaan. Si kastaba ha ahaatee waxay arrimahaasi saameyn ku yeesheen guud ahaan jawigii siyaasadeed ee dalka isla markaana waxaa laga dareemey dhinac kasta oo nolosha bulshada la xidhiidha.

Iyada oo laga shidaal qaadanaayo arrimahaas soo dhacaayey, ayaa su’aasha mudani tahay maxaa laga dheehan karaa dhacdooyinkaas? Sideese wax looga baran karaa?

Haddaba waxaa xusid mudan sidii ay u dhaqmayeen hay’adaha siyaasadeed ee qaranka, indheergaradka iyo cid kasta oo lug ku lahayd mawjadahaas siyaasadeed ee toddobaadyadii laga soo gudbey dalka ka dhacay.

Aqalka Wakiilada JSL

Golaha Wakiilada la soo doortey ee Somaliland waxay ansixiyeen go’aan gole, oo nuxurkiisu ahaa in madaxweynuhu ka noqdo go’aankii isaga iyo xubno komoshankii hore ka tirsanaa ku laaleen diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha Somaliland. Baaqaas goluhu wuxuu cadaynayey in laalista diiwaangelinta qaranku ahayd mid baalmarsan dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka dalka.

Waxay dhibaataduba sii korodhay, markii dawladu dheg jalaq u siin wayday go’aankii golaha wakiilada isla markaana ay iska dhagamarisay baaqaas. Golaha wakiiladu isagoo taas ka jawaab bixinaaya ayaa uu soo jeediyey hindise xil-ka-xayuubin madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka, isagoo saldhig uga dhigaaya hindisahaas eedeymo la xidhiidha ku tumasho sharci iyo xil-gudasho la’aan. Kaaga sii darane, madaxweynuhu muu garwaaqsan dooda baarlamaanka iyo ummada, waxayse isaga iyo xukuumadiisu abaabuleen jallaafooyin lagu lagu mijo xaabinaayo go’aankii baarlamaanka qaatay. Si loo fashiliyo go’aankii baarlamaanka, xukuumadu waxay agaasintey olole xilka lagaga xayuubinaayo shirguddoonka aqalka wakiilada. Waxay kala qaybisey mudanayaasha golaha iyadoo ku yaboohaysay lacag laaluush ah iyo balanqaadyo si la isku hortaago maamuus ka xayuubintaas madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Waxay xaaladu circa isku shareertey, murankuna gundo-dheeraadey markii, gacan-ka-hadal ba’ani ka dhex dhacay mudanayaasha golaha wakiilada, taas oo keentey marmarsiiyo xukuumadu ciidamo boolis ah ku galiso gudaha aqalka wakiilada isla markaana la wareegto mafaatiixdii baarlamaanka. Dhaqdhaqaaqaas ciidan ee xukuumadu kula kacday golaha wakiiladu waxay ku khasabtey mudanayaasha inay ka huleelaan xaruntooda, sidoo kalena waxaa amar lagu siiyey shirguddoonka inay ka tagaan xarunta golaha. Aarimahaasi waxay ahaayeen kuwii ugu qadhaadhaa ee soo mara taariikhda siyaasadeed ee Somaliland ee xiliyadii dambe.

Waxaa iyana xusid mudan maalmahaas in dadweyne tiro badan oo agagaarka golaha isu-soobaxyo ka sameeyey, iyagoo muujinaaya taageerada ay u hayaan in aan la cabudhin Golaha Wakiilada ee ay iyagu soo doorteen.

Xidhitaanka Golaha Wakiiladu waxa uu ahaa arrin werwer galisey, kana cadhaysiisey muwaadiniinta Somaliland (dibed iyo gudaba) iyo saaxiibada Somaliland. Sababtuna waxay ahayd dalkii curdinka ahaa ee Somaliland ee xasiloonida ku naaloonaayey 18-kii sanno ee u dambeeyey isla markaana hirgaliyey dimoqraadiyada shacbi ee ka shidaal qaadata diinteena iyo dhaqankeena, oo u muuqatay in ay hadaan ka sii dhacayso.

Culimo, ganacsato iyo indheergaradka ayaa bilaabmay dedaalo dhexdhexaadin. Dhinaca kalena, guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa uga digey madaxweynaha khatarta ay leedahay xidhitaanka xarunta baarlamaanka iyo la wareegista mafaatiixda baarlamaanka. Culaysyadaa la saaray aawadeed, waxa uu madaxweynuhu ogolaaday in uu furayaashii xarunta golaha uu u dhiibo guddoomiyeha Guurtida isla markaana la dhexdhexaadiyo isaga iyo dhinacyada is-faham daradu dhextaalo.

Waxaa fajiciso ahayd in madaxweynuhu mafaatiixdii u dhiibay gudoomiyaha hogaamiyayaal dhaqameedyada halkii uu uga dhiibi lahaa guddoomiyaha Guurtida, Saleebaan sidii ay ballantu ahayd. Arrintaasi waxay ka sii cadhaysiisey Gudoomiyaha Guurtida. Waxa gudoomiyaha Golaha Guurtidu ku cawday is madaxweynuhu aanu illaalinaynin nidaamka dawladeed ee hay’adaha sharciga. Arrintaasi ayaa sii murgisey xaaladii taagnayn kana dhigtey mid ay adag tahay in la is-aamino.

Dhinaca kale, shir-guddoonka aqalka wakiilada ayaa go’aansadey inay xafiisyadooda tagaan iyagoon cidna uga fasax qaadan waxayna socod iyaga iyo mudanayaal golaha ka tirsani ku yimaadeen xarunta aqalka wakiilada. Taasina waxay keentey isku-dhac cusub iyo qalalaase hor leh.

Qalalaasahaas dhacay wuxuu ka bilaabmey markii ciidamada boolisku rasaas ku fureen dadweynihii isku-soo baxay iyo mudanayaashii doonayey inay golahooda galaan. Isku dhacaas dadweynaha iyo ciidamada ka dhex dhacay wuxuu galaaftey nafaha laba muwaadin oo dhalinyaro ah, waxaana ku dhaawacmey dhawr qof oo kale. Intaanan halkaas dhaafin, aan la tiiraanyoodo qoysaskii muwaadiniintaasi ka baxeen, tacsina u diro, marxuumiintana Illaahey (SWT) uga baryo janno fardawsa.

Doodii mudanayaasha wakiiladu ay lafo-gurayeen xil-ka-qaadista madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa dib uga bilaabmatay baarlamaanka, Arrintaas oo xukuumadduna aad uga gilgilatey lana timid wax kasta oo ay ku dhicisayn karto.

Aqalka Guurtida JSL

Aqalka sare ee baarlamaanka Somaliland (Guurtida), waxaa isna ka socotey dood ku wajahnayd muddo-kordhinta xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Mudada madaxwenaha iyo ku xigeenka ayaa ku eeg 29ka,October, 2009. Golaha guurtidu waa uu ku kala qaybsamay arrintaas kordhinta xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, sababtuna waxay ahayd mudanayaasha qaarkoodbaa u arkaayey kordhin dambe oo la sameeyo mid keeni karta jahawareeer xalna aan ahayn maadaama dhawr jeer oo hore oo la kordhiyey doorasho ku qabsoomi wayday, waxayna soo jeedinayeen in xukuumada lagu khasbo inay la shaqayso Xisbiyada mucaaradka iyo golaha wakiilada lana dadejiyo hawlaha doorashooyinka, qayb kale oo mudanayaasha ka tirsan-na waxay u ololaynayeen in kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyaga oo ka shidaal qaadanaya siyaasada madaxtooyada.

24kii bishii September, 2009 ayaa guddoomiyaha Guurtidu golaha ku casuumay saddexda Xisbi Qaran si loo dhagaysto doodooda loona ogaado halka ay kala taagan yihiin khilaafka siyaasiga ah.

Labada Xisbi ee mucaaridka ahi, UCID iyo Kulmiye waxa ay yimaadeen Golaha Guurtida, waxaana ay mudanayaasha ka codsadeen in ayna samaynin kordhisiimo dambe una hogaansamaan lixdii qodob ee ay soo jeediyeen beesha caalamku.

Waxaase halkaa ka soo daahirin Xisbiga UDUB (Xibul xaakimka). Taasi waxa ay ku abuurtay Axsaabta Mucaaridka ah in Xisbiga UDUB iyo xukuumadu aanay daacad ka ahayn aqbalaada lixda qodob ee la soo jeediyay.

Isla maalintaa ayaa labada Xisbi mucaarid, UCID iyo Kulmiye fiidkii ku qabteen shir-jaraa’id Huteelka Imperial oo ay daboolka kaga qaadayaan mawqifkooda ku saabsan xaalada taagan. Axsaabta mucaaridka ahi waxay intaas ku dareen inay samayn doonaan xukuumad dadka metesha oo doorasho dalka gaadhsiisa haddii Golaha Guurtidu qallinka ku duugaan muddo kordhinta ay ololaha ugu jiraan xubno ka mid ah Golaha Guurtida oo faraha dufan loo soo mariyay.

Illaa 8:30 cawaysnimo ayaa madaxweynuhu u soo diray saddex wasiir oo ah kuwa ugu dhawdhaw madaxweynaha Gudoomiyaha UCID, Engineer Faysal Cali Waraabe si ay uga dhaadhiciyaan in ay Asxaabta Mucaaridku ka noqoto go’aanka ay shaaciyeen ee tilmaamaya in ay dawlad samayn doonaan dalka doorasho gaadhsiisa, mudaharaadadiina ay dib u soo celin doonaan. Faysal taladaas wuu ka diiday wasiiradaas waxa uuna fariin Madaxweynaha u faray in ayna Asxaabta Mucaaridka ahi taladaa dib uga noqonay haddii Golaha Guurtidu uu mudho kordhin u sameeyo Madawweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Markii warkaasi Madaxweynaha gaadhay, waxa isaga iyo wasiiradiisa dhex maray dood kulul oo ay ku kala qaybsameen. Wasiirada lagu yaqaano in ay u haliilaan in wax walba xoog lagu dhameeyo ay soo jeediyeen in la isticmaalo xoog dheeraad ah lana xidhxidho madaxda Asxaabta Mucaaridka ah. Qaar kale oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Guduhuna waxa ay soo jeediyeen heerta khatarta ah ee arrintu ay gaadhsiisan tahay. Waxa aanay ku taliyeen in wadahadal lagu dhameeyo xaalada.

Beesha Caalamka

Beesha caalamku waxay aad uga warwarsanayd hirarka siyaasadeed ee dalka Somaliland gilgilay, taas oo keentey in dawlado ka tirsan beesha caalamku ay u soo gurmadaan Somaliland, iyagoo isku deyaaya inay isku soo dhaweeyaan dhinacyada ishaya. Dhagaysi iyo xogwaraysi ay la sameeyeen dhinacyada is haya ka dib, waxa ay soo jeediyeen 23kii, September, 2009, xal lix qoddob ka kooban oo lagu furdaaminaayo ismarin waaga jira. Xisbiga UCID ayaa maalintii ugu horeysay aqbalay lixdaa qodob. Waxaana markii dambe ku raacay Xisbiga Kulmiye.

Habeenkii saqdii dhexe isla maalintaas khamiista ee jimcuhu soo gelaayey ayaa abbaaro 3:30 habeenimo ay ka fursan wayday in madaxweynuhu uu runta usoo laabto, kuna soo noqdo caqliyada san isla markaana aqbalo xalkii 6-da qoddob ahaa kana tanaasulo rabitaankiisii ahaa muddo-kordhin dambe.

Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu si xoogan usoo dhaweeyey xalkaas beesha caalamku soo jeedisey isaga oo u arkayay xalka kaliya ee hadda furan. Maalintii Jimcaha ayaa Golaha Guurtida ay yeesheen fadhi khaas ah oo xasaasi ah oo ay ku meel mariyeen soo jeedintii beesha caalamka ee 6-da qoddob. Go’aankaas guurtiduna waxaa markiiba soo dhaweeyey axsaabta qaranka, dadweynaha iyo daneeyeyaasha Somaliland.

Guddidii dhexdhexaadinta Gudaha

Waxaa jirtey guddi iskeed isku abaabushey oo ka koobneyd cuqaal, culimo, ganacsato iyo ashkhaas aqoonyahaniin, indheergarad iyo ururada rayidka iskugu jira. Guddidaasi waxay isku xilsaareen inay furdaamiyaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagnaa, isla markaana isu keenaan dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo.

In kasta oo dhamaan xubnaha gudidani ay ka sinaayeen xal u helista mushkilada taagnayn, haddana waxa shaki la’aan ah in ay ku kala duwanaayeen aragtida, ujeedooyinka iyo danaha. Waxa muuqatay in ay gudidani siiba hogaamiyayaal dhaqameedku culays saarayeen dhinaca mucaaridka.

Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: “Yaa lagu hambalyaynayaa furdaaminta iyo xal u helista khilaafaadkii siyaasadeed?”

Jawaabta ku salaysan xaqiiqada jirtey iyo xogtaas kor ku taxanba waxay noqonaysaa waxaa hambalyadaas iska leh dinacyadan soo socda:

1. Axsaabta mucaaridka ee UCID iyo KULMIYE: labadan xisbi waxa ay isku dubarideen fikrad cilmiyaysan oo aad looga baaraan dagay maalintaas.Waxaanay istaageen mawqif adag oo ay ku diidan yihiin mudo kordhinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyaga oo taa ku cabiraya mudaharaadyo salmi ah. Waxa xusid mudan dedaalkii dheeraadka ahaa ee uu sameeyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Engineer Faysal Cali Waraabe ee ay ka mid ahayd farriintii adkayd ee uu u mariyay saddexdii wasiir ee aynu sare ku soo sheegnay.

2. Guddoomiyaha iyo xubno ka mid ah Golaha Guurtida, kuwaas oo u guntaday si uuna Goluhu u samaynin muddo kordhin kale madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka,

3. Golaha Wakiilada oo isagu cadaadis weyn saarey madaxtooyada, ka dib markii uu go’aansadey in uu xil-ka-qaadis ku ku sameeyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa haddii aan xukuumadu ka noqon ka tallaabsiga sharci ay ku laaleen in doorashada soo socota lagu galo natiijadii diwaan galinta (Voter registration results) iyo ku xad gudubka shuruucda dalka,

4. Dadweynaha reer Somaliland oo muujiyey awoodooda iyo in aanay aqbalayn tallo maroorsi iyo muddo kordhin dambe oo loo sameeyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, diyaarna u yihiin in ay galaan doorosho xor iyo xalaal ah.

Dhacdooyinkii ina soo marey waxaa laga dheehan karaa khatarta uu leeyahay khilaaf siyaasadeed iyo muran sharci oo dalka ka dhaca gaar ahaan marka ay timaado arrimaha doorashooyinka oo dib-u-dhacyo ku yimaadaan. Waxaa haboon in wax laga barto dhacdo kasta oo qarankan soo marta saamayna ku yeelata geedo socodka dimuqraadiyada wadanka. Sidaas daraadeed, khilaafyadii soo noqnoqdey ee dhowaan la xaliyey waxay ina barayaan muhiimada ay leeyihiin tallo-wadaaga, xoriyadda iyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee siyaasada Somaliland.

Ugu dambeyn waxa guulaystay nabadgelyada, xasiloonaanta, iyo geedisocodka dimuqraadiyada Somaliland.

tukoaakhiro JANAGALE CO Fadlan u gar gaar Gabadhan yar

No comments:

Post a Comment