Wednesday 7 October 2009

BURCO: ABAAL MARINO QAALI AH OO AY BIXISAY WERSHADDA ILOTANGO IYO JAWIGII XAFLADDA QAYBINTA JAA’ISADAHA(SAWIRO)

BURCO: ABAAL MARINO QAALI AH OO AY BIXISAY WERSHADDA ILOTANGO IYO JAWIGII XAFLADDA QAYBINTA JAA’ISADAHA(SAWIRO)


Xaflad Ballaadhan oo ka dhacday Hotel Barwaaqo, ayaa waxa abaal marino iyo jaaisooyin ay nasiib ku heleen lagu Guddonsiiyey xafladaasi dhammaanba macaamiisha wershedda ILO TANGO, Hadaba xafladdan oo ay wershedda ILO TANGO u qabatay macaamiisheeda Gobolka Togdheer ayay ku sifaysay mid ay waxa ugaga soo celinayso bulshada Togdheer wixii ay ka macaashtay, Agaasimka xafladdaan ayaa ahaa mid laga soo shaqeeyay isla markaasna aad u qurux badnaa iyadoo ay ka soo qaybgaleen masuuliiyin iyo weliba baayac mushtar aad u tiro badan, hadaba masuuliiyinta munaasibadda ka hadashay ayaa wax ka mid ahaa wakiilka wershedda ILO TANGO ee gobolada BARI axmed xirsi maxamed iyo weliba mid ka mid ah ganacsatada Gobolka ee iyago abaal marinaha ku guulystay sh.c/qani maxamed haaruun, Hadaba ugu horayn waxa uu sheegay wakiilku in caawa ay halkan u yimaadeen xafladdana u qabteen macaamishooda isla markaasna ku guddoonsiin doonaan nasiibkooda, isagoo arrimahaas ka hadalayana waxa uuyidhii wakiilku ” waxaanu xafladdan u qabanay in aan macaamiishayada ku Guddoonsiino abaalmarino wixii ay nasiib u heleen, macaamiisha wershedda xattaa kuwa cabba sharaabka ILO TANGO ayaa ah, maaha oo keliya macaamiishu kuwa iibiya, annagu waxaanu halkan ku bixinaynaa maaha bakhtiyaanasiib ee waa Nasiib, oo bakhtigii waanu ka reebnay, sidaas darteed waxaanu bilaabi doonaa Bixinta Nasiibkiina, haddii aan midh yar idiin xasuusiyo wershaduu waxay gobolka keentay markii ugu horraysay 24 kartoon ayay ku soo tijaabisay, iminkana dhowr iyo labaatan kun ayay maraysaa intay keentay labadan bilood ee u danbeeyey”
Khudbadda wakiilku munasibadda ka jeediyey oo isugu jirtay xog warran iyo waxooga kaftan ah ayaa gebi ahaanba ka hadlaysay maraxaladaha ay wershaddu soom artay iyo heerka ay iminka gaadhay iyo weliba sida ay bulshadooda ugu garteen in macaashkii ay ka heleen ay wax uga soo celiyaan.

Hadalka maamulaha Gobolada Bari ee wershedda ILO TANGO Axmed Xirsi Maxamed kadib waxa hadalka lagu soo dhoweyey mid ka mid Ruugcaddaagi ama ganacsatadii meesha isugu Timid sh.C/qani Maxamed Haaruun, isagoo sheekhu u mahadnaqay wershedda ILO TANGO iyo maamulkeeda maadama ay garteen in ay macashkii ay ka faiideen wax uga soo celiyaan, isagoo sheegay in shirkadaha iyo wershadaha kalena ay wacantahay in tallbadan ay iskaga daydaan , hadaba hadalka ganacsadahan kadib waxa bilaabantay qaybintii jaiisooyinka iyadoo jaiisadihiina loo qaybiyey sidan:

Cawaale mire diriiye oo ku guulaystay Tallaagad
Faarax saleban Maxamed oo ku guulaystay Tallaagad
Khadar Macalin Axamed oo ku guulaystay Kartoon Cadarro ah
Mustafe Haybe Jaamac oo ku guulaystay Saacad
Daahir Maxamed Gagaal oo ku guulaystay Karoon cadarro ah
Siciid Cabdulle oo ku guulaystay mobile
C/qani Maxamed haarruun oo ku guulaystay mobile
Kayse Maxamed Xasan oo ku guulaystay mobile
Maxamud Xirsi Abokor oo ku guulaystay mobile
Maxamed Siciid C/laahi oo ku guulaystay mobile
Faysal Cabdi Aaadan oo ku guulaystay mobile
Xuseen Maxamed Haybe oo ku guulaystay mobile
Siciid Cabdi Axmed oo ku guulaystay mobile’
Mustafe Hassan Jamac oo ku guulaystay saacad
C/laahi Cabdi Abokor oo ku guulaystay saacad
Aadan Xirsi Maxamed oo ku guulaystay saacad
C/khaalaq Ismaciil Rooble oo ku guulaystay saacad
Canab Saleban Warsame oo ku guulaysatay Qurxin
Siciid Cabdi Aaadan oo ku guulaystay Qurxin
C/casiis Maxamed Cabdi oo ku guulaystay Qurxin
Dauud oo ku guulaystay Rikoodh
Jamaal oo ku guulaystay Rikoodh
Guddoonsiintii Jaaisadaha ama nasiibka kadib waxa la soo xidhay xafladdii iyadoo intii xafladda ka soo qayb gashay isla markaasna Nasiibkooda qaatay ay dhammaan ka dareereen munaasibadda iyagoo faraxsan isla markaan wejiyadooda aad ka garanaysid farxadda iyo jacaylka ay sii jeclaadeen wersheda iyagoona ku sababaynayay in ay wershaddu garatay wixii Bulshadu xaqqa ugu lahayd.

ILOTANGO-
xafds

Reported by
Mustafe Osman A/rahman
Togaherer Burao Somaliland
Mustafe_480@hotmail.com

No comments:

Post a Comment