Wednesday 7 October 2009

URURLA ERA OO SHAHAADO GUDOONSIIYEY SH.ADAN SIIRO

URURLA ERA OO SHAHAADO GUDOONSIIYEY SH.ADAN SIIRO

Ururka ERA oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Sheekh Aadan Siiro
Urur Dhalinyaro oo lagu ka Shaqeeya Arrimaha Waxbarashada oo la yidhaa ERA (Education and Research Academy) ayaa Shahaado Sharaf gudoonsiiyay Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro) oo kamida Culimada waaweyn ee daka.

Ururkan oo ay ku bahoobeen Ardayda wax ka barata jaamacadaha Agaasimaha Ururka ERA Mahad Ciise oo ka hadlay ujeedada ay u gudoonsiiyeen shahaadada waxa uu ku tilmaamay mid ay ku hambayaynayaan Sheekh Aadan Siiro oo ku sifoobay Wadaniyadnimo iyo inuu mar kasta ka hadlo Qiimaha uu wadanku leeyahay. Sheekh Aadan Siiro oo Halkaa Hadal ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi “Xog marka la helo ayaa talo la helaa. Haddaad doonayso inaad agoonta Somaliland wax u qabato horta waxa muhiim ah in aad tiradooda iyo xog ku saabsan aad hesho. markaa dhalinyaradan iyo ururkan ERA aad iyo aad baan uga mahad naqayaa Shahaadada ay igu maamuuseen. waxaan u Mahad naqayaa Agaasimaha Mahad Ciise iyo Mawliid Cabdilahi oo ka tirsan Boardka ururka ERA. Cilmiga iyo Aqoonta Ilaahay baa bixiya bani aadamkuna waa mid itaal daran laakiin markaynu awoodeena isu gayno is ictiraafno ayaa Umad Jiritaan eh aynu noqonaynaa.Anigu waxaan kamid ahay dadka aad ugu hawlan in dal aynu dhisno, Somaliland oo 48 sano aynu halgan ugu jirnay, oo Tawxiidku ugu sareeyo, Somaliland ay ku xigto, Caddaalada iyo Midnimada ku dhaqma, Talada iyo Hantida si siman loogu qaybiyo Bulshada.”ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro, isagoo Hadakiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “arrimahaasi waxay keenayaan inaynu abuurno dal dhamaystiran oo hore u socda. waxaan ahay dadka aad ugu qanacsan in dhalinyaradu door weyn ka qaataan Horumarka. Dunida maanta waxa ka taliya dhalinyaro. Maraykanka waxa madax ka ah 47 Jir weliba Afrika ka soo jeeda, waa astaan mudan in aynu dhalinyaradeen ugu tusaale qaadno”.

waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Mawldiid Cabdillaahi Cumar oo ka tirsan Ururka shahaadada gudoonsiiyay.

ururku waxa uu sidoo kale shahaado sharaf tan oo kale ah hore u gudoonsiiyay maamulaha dugsiyadda NUURADIIN Mahad Ibraahim Maxamed, taasoo uu ururku ugu talo galay in sanadkiiba uu seddex xubnood oo ka kala socda qaybaha bulshada gudoonsiiyo shahaado sharafyo.

EDUCATION AND RESEARCH ACADEMY DESK
HARGEYSA MAIN OFFICE
eraorg@ymail.com

No comments:

Post a Comment