Monday 5 October 2009

16 HABLOOD OO U DHASHAY SOMALILAND OO SAAKA WAABARIGII LAGU QABTAY IYAGA OO TAHRIIB AH WADANKA SUCUUDIGA

16 HABLOOD OO U DHASHAY SOMALILAND OO SAAKA WAABARIGII LAGU QABTAY IYAGA OO TAHRIIB AH WADANKA SUCUUDIGA

teh

SSYO “War Deg Deg ah”— 16 Hablood oo u dhashay Somaliland ayaa saaka 4 Subaxnimo lagu qabatay rasaasna lagu riday yagoo u kale tahriibaya magaalooyin Sacuudiga ah

Sida aanu kaga war hayno anaga oo taleefanka kula soconaay xaaladooda ayaa waxaa la qabtay 16 hablood oo u reer Somaliland ah kuwaas oo u kale tahriibayeey Magaalooyinka Jayzan iyo Riyadh.

Hadaba sida aanu warka ku helnay kadib markii aanu kula xidhiidhnay khadka taleefanka qaar ka mid ah hablahaas ayaa waxaay noo cadeeyeen in aay 16 kooduba aay wada saarnaayeen gaadhi jeep nooca loo yaqaano ah, Iyagoo sidoo kale noo sheegay in aay kasoo baxay magaalada Jayzan ayaa waxaay lugeeyeen mudo dhowr saacadood ah dhul u badan buuro, kadib markii aay ka wareegeen kaantaroolka caanka ah ee loo yaqaano Darab ayaa waxaa lagu qaaday gaadhi noca jeep ka loo yaqaano ah, gaadhiga waxaa ku waday nin dayar oo Sacuudi ah, waxaay noo sheegeen habluhu in aay is dhaafeen gaadhi kale oo askari wadatay, kadibna aay askartii qooraansatay gaadhigay dadka intaas la’eeg lagu raray, kadibna uu dareewalkii baqay oo gaadhigii si xawli ah u eryay askartiina aay biloowday in aay rasaas dhinac walba kaga rido yagoo u haysta in gaadhiga lagu qarinayo hub tahriib ah ama rag argagaxiso sida xawliga ah ee uu u socdo daraadeed, intaasi markii aay dhacday ayaa hablahii gaadhiga saarnaa ayaa isku duubay ninkii dareewalka ahaa iyaga oo ku khasbaya in uu istaago, dareewalka oo aay ka muuqatay in uu aad u isticmaalay maandoriyaash loo yaqaano xashiishada ayaa gaadhigii fuqa u daray buur wadada dhinaceeda ah, hadaba waxaa mucjiso noqotay in 16kii hablood ee gaadhiga saarnaa oo u badnaa hablo dadoodu yar tahay aay ka wada badbaadeen shilkaas faajicada lahaa marka laga reebo dhaawacyo yar yar oo khafiifa ah mooyee, intaas ka dib ayaay askartii soo gaadhay oo xidh xidhay qaarna dhakhtarka geesay.

Hadaba maanta waxaaynu wada argnaa sida loogu soo qul qulayo Sacuudiga oo hablaheenii aay isku soo tuurayaan bada iyo rag carab ah oo kale iibsada, sidaas awgeed waxaanu u sheegaynaa shacabka reer Somaliland in aay ka taxadiraan tahriibka sidiisaba ka Sacuudigana si gaar ah uga taxadiraan.

Waxaanu faraaynaa waalidiinta hablahooda iyo caarkooda soo diraya war u ma haaysid duruufta ay kula kulmi karaan jidka ee inani waa caar oo waa cad bisil oo carab gacanta loo galiyay ee walaaloyaal insha alaah gaajo loo dhiman maayee u tudha ilmihiina.

Gaba gabeentii waxaan ilaahay ka bar yayaa in uu ka dhigo dalkeena meel yada loo soo tahriibo, oo aan laga tahriibin.

Mustafe Cali Xasan -mustafa.m.talal@sabb.com

No comments:

Post a Comment