Friday 16 October 2009

ISLAAMKA IYO DIMUQURAADIYADU WADDO AY KU KULMAAN MA JIRTAA???W/Q MUBARIK YUSUF MUSE


ISLAAMKA IYO DIMUQURAADIYADU WADDO AY KU KULMAAN MA JIRTAA???W/Q MUBARIK YUSUF MUSE

16/10/2009islaam

ISLAAMKA IYO DIMUQURAADIYADU WADDO AY KU KULMAAN MA JIRTAA???

Marka hore Akhyaartayada Sharafta iyo Qadarintaba iga mudanow iga guddooma salaan Barako huwan Raxmadina ku dheehan tahay oo ah ta Islaamka, Assalaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatu.

Waxaan halkan wax yar ka iftiimin lahaa aragtiyo inagu cusub oo ina soo galay baryahan dambe argtiyaddan oo ay kamid tahay dimuquraadiyaddu oo keenay wareer fara badan oo ku soo kordhay ummadda Muslimiinta oo qaar leeyihiin dimuquraadiyada waa la waafajin karaa Islamka halka ay qaar kalena leeyihiin lama waafajin karo, haddaba si aynu arrinta u kala cadeynu bal waxaynu eegi doonaa waxay dimuquraadiyadi tahay, taariikhdeeda iyo mabaadii’deeda iyo aragtidda uu Islaamku ka qabo.

WAA MAXAY DIMUQURAADIYADI?

Dimuquraadiyadi waa nooc ka mid ah noocyada xukun dawladeed ee caalamka ka jira, xukun kaas oo ku dhisan in ay shacabku is xukumaan awooda dawladuna noqoto mid meerto ah isla markaasna xilka dawlada ay qabtaan cidda aqlabiyada noqota, sidoo kale dimuquraadiyadu waxay ku dhisan tahay in la ilaaliyo waxa loogu yeedho xuquuqda asaasiga ah ee qofka.

Erayga dimuquraadiyadi waxuu asal ahaan ka soo jeedda isku dhiska labadda eray ee Giriiga ah ee kala ah demos oo micnaheedu yahay dadka iyo kratia oo macnaheedu yahay xukun, haddaba dimuqraadiyada macneheedu waxa weeyaan xukunka dadka ama dadka oo is xukuma.

TAARIIKHDA DIMUQURAADIYADA:

Sida aynu soo sheegney ereyga dimuquraadiyadu wuxuu ka soo jeedda asal ahaan erayo Giriig, waxaan sugan in markii ugu horeysay dimuquraadiyada lagaga dhaqmay waddanka Giriiga gaar ahaan labadda magaallo ee kala ah Athens iyo Sparta halkaas oo ay ka jirtey magaalo kasta gaar ahaanteeda xukuumad loo yaqaanay xukuumadda magaladda, waxaanay ragga ku nool magaaladda iskugu iman jireen kulamo iyagoo ka tashanaya arrimaha magaladda kadibna waxay dooran jireen ninka xukumaya magaladda oo fulin jiray xeerarka magaladda.

Taariikhdaas hore ee dimuquraadiyaduna kamay helin wax fursada caalamka Islamka ilaa iyo dhammaadkii dagaalkii kowaad ee adduunka, erayga dimuquraadiyadna laguma arag buuggtii ay qoreen culimadda Islamku qarnigii 19 aad.

Dhanka kale dimuquraadiyadu waxay soo gashay qarrada Yurub bilawgii kacaankii Faransiiska taas oo ay sabab u ahayd dulmigii Kiniisadu u geystey ee ahaa aragagaxa xaga fikirka iyo jidhka oo ay dadka kula kacdey iyadoo ku doodaysay inay tahay wakiilka Illaahay ee dhulka xaqa ay dadka ku leedahayna yahay xaqii Illaahay, cidd kalana anay ka haddli Karin arimaha Illaahay iyo xaqiisaba, taasina waxay keentey markii danbe in culimo badan oo reer Yurub ah ay ka soo hor jeesteen Kiniisada, waxanay qateen dimuquraadiyadda oo ka maddax banaan wax kastoo Diin sheegta.waxaanay dimuquraadiyadu noqotay shey ka badbaadiya reer Yurub dulmigii Kiniisadu ku haysay. Kaddibna dimuquraadiyadu waxay ku faaftey dhamaan waddamada Yurub iyo caalamka intiisa kale.

NOOCYADA DIMUQURAADIYADA:

  1. Direct Democracy: waa dimuquraadiyadda tooska ah waxa kaloo lagu magacaabaa dimuquraadiyada saafiga ah ,waana nidaam siyaasadeed oo ay shacabku si toos ah ugu codaynayaan arrimaha dawladda iyadoo anay jirin cid wakiil u ah markastoo arrin timaadana waxaa ka wadda hadla dadweynaha deeganka oo dhan iyagoo kulan balaadhan ku yeesha barxad aad u weyn, haddab dimuqraadiyada saafiga ahi caalamka wey ku yar tahay taas oo sabaab looga dhigay in ay adag tahay in dhamaan dadka deegaanku isugu soo baxaan meel kaliya oo ay ka hadlaan go’aan kasta oo dawladoodu qaadato ,waxaana noocan lagaga dhaqmi jiray Athens.
  2. Representative Democracy: dumuquraadiyadda wakiiladda waa nooc kamid ah noocyadda dimuquraadiyada waxaana ay shacabku soo doortaan gole wakiilo ah oo shacabka wakiil uga noqda badi arrimaha dawlada go’aanadeedan u codeeya.
  3. Liberal Democracy: badanaa dimuquraadiyada caalamka ka jirtaa waxay ku xidhan tahay guud ahaan dimuquraadiyada liberal ka ,liberal kuna waxay ku dhadhaw yihiin dimuqraadiyada wakiilda.waxaanay ku dhisan tahay rabitaanka shacabka iyo in sharciga lagu xukuma cidkastoo awooda in ay wakiilda soo doortaan waxaana dadka u dhexa dastuurka sidoo kale waxay ilaalisaa dimuquraadiyadani waxa loogu yeedho xoriyda qofka ee asaasiga ah waxaana la tilmaamaa in kala badh dadka ku nool dadka caalamkani ay ku dhaqmaan dimuquraadiyada liberal ka.

MABAADII’DA DIMUQURAADIYADA:

Iyadoo aan isku si dawladaha calamkani ugu dhaqmin dimuquraadiyada haddana waxa jira mabaa’dii kulmisa, mabaa’diida waxaa kamid ah:

  1. In diinta iyo Dawladda la kala saaro (Cilmaaniyada).
  2. In la sameeyo Dastuur lagu wadda dhaqmo
  3. In la sameeyo waxa loogu yeedho Sharci dajin.
  4. In awooda Dawladeed si nabad ah ay u noqoto mid meerto ah.
  5. In Doorasho lagu kala saaro wax kaste.
  6. In xukunka ay qabtan cida aqlabiyada leh.
  7. In Mucaaradad la samayn karo.
  8. In muwaadiniintu helaan waxa loogu yeedho xoriyada qofka ee asasiga ah.

DIMUQURAADIYADA SIDEE LOOGAG DHAQMAA CAALAMKAN:

Caalamka waxaa si weyn loogaga dhaqmaa nidaamka dimuquraaddiyada waxaana lagu guulaystey olalihii reer Galbeedka ee dimuqraadiyadda lagu faafinaayey oo caalamkii laga dhigay in ku dhaqmaya dimuquraadiyadda iyo in la eryaddo oo lagu eedeyo inay dimuquraadiyyda ka tageen.

Waxaana jirta in dawladdo badan oo Muslim ahi ay isku dayeen inay kulmiyaan Islaamka iyo dimuquraadiyadda walaw aanay reer Galbeedku si dhamayastiran raali uga noqonayn qofka ay kala Diin yihiin xitaa kuwa dimuquraadiyadda ku dhaqma sida uu Illahay (SWT) yidhi: “Raali kaa noqon mayso Yuhuud iyo Nasaaro ilaa iyo inta aad ka raacaysid diintoodda”. Haddaba halkan waxaynu ku eegi doonaa aragtida Islaamka ee dimuquraadiyada.

ARAGTIDA ISLAAMKA EE DIMUQURAADIYADA:

Islaamku luqad ahaan macnihiisu waa hogaansami dhamaystiran oo loo hogaaansamo waxyaabaha lagu faray iyo kuwa lagaa reebay intaba.

Diin ahaana Islaamku waa diintii Nabi Muxamed (Calayhi Salaatu Wa Salam) waana shareecadii lagu soo khatimay Diimaha Samaawiga ah waana Diinta kaliya ee Illahay ka aqbalaayo qofka ku dhaqma.

Haddaba madama oo aynu nahay ummadd Islaam ah 100% waxaynu aminsannahay in Islaamku yahay diinta ugu saxsan diimaha oo anay lahayn wax daldalool iyo ceeb ah.maddamo oo ay sidaasi tahay bal aynu eegno waxyaabaha dumuquraadiyaddu waddo ee Islaamka lidiga ku ah.

  1. Dumuquraadiyaddu waa nidaam Cilmaani ah .Cilmaaniyadduna waxay aaminsan tahay in diinta laga sooco dawlada iyo arrimaha bulshada diintuna tahay kaliya xidhiidh ka dhexeeya Addoonka iyo Rabbigii. macnaheeduna maaha in cilmi loola jeedo sida ay ku doodaan dadka qaar oo yidhaahda ‘cilmaaniyad markaanu leenahay waxaanu ula jeednaa cilmiga oo wax kaste saldhig looga dhigo’.

Erayga Cilmaaniyad asalkiisu waa eray bixin aan sax ahayn oo lagu macneeyay erayga ‘Secularism’ oo ah eray ingriisi ah asal ahaana ka soo jeedda eray latiini ah, waxaana aynu ka warqabnaa in cilmiga luuqadda ingriisida lagu yidhaahdo ‘Science’ haddaba marka cilmiga wax saldhig looga dhigo waxaa loogu yeedhaa ‘Scientific’. Waxaana halkaa ku cad in lagu badalanaayo micnahiii erayga ‘Secularism’ micnaha erayga, Scientific’.haddaba haddii dumuquraadiyaddu tahay nidaam cilmaani ah cilmaaniyadduna kasoo hor jeeddo Islaamka dumuquraadiyaddu waa xukun baadil ah oo xaqdaro ku sugan.

  1. Dimuquraaddiyaddu waxay ku dhisan tahay xoriyaadda qofka ee aan lahayn xudduuda, halka uu Islaamkuna ka siiyay qofka kasta xoriyad ku filan una damaanad qaaday ilaalinteeda kana xarimay waxayaabaha qaar oo ah waxa dhibaya naftiisa iyo bulshadda inta kaleba, dimuquraadiyadduna waxay fasaxday wax kaste xataa waxyaabuhu Illaaahay xarimay.

  1. Dimuqraaddiyaddu waxay ku dhisan tahay in ay shacabku is xukumaan oo ay samaystaan daastuur u gaar ah taasina waxay ka soo horjeedaa dastuurka Illahay ummadda u soo dajiyey oo ah Qur’aanka Kariimka Illahayna Qur’aankiisa waxa uu ku yidhi “xukun Illahay baa iska leh” siddoo kale Illaahay waxa uu yidhi ,

“Kii ku xukumi waaya waxa uu Alle soo dajiyay (Qur’aanka) kuwaasi waa gaalo”

“Kii ku xukumi waaya waxa uu Alle soo dajiyay (Qur’aanka) kuwaasi waa dalimin” Kii ku xukumi waaya waxa uu Alle soo dajiyay (Qur’aanka) kuwaasi waa fasiqiin”.

Haddaba maaddamo oo aynu haysano distuur sax ah oo Illahay inoo soo dajiyey ma waxa aynu ku baddalnaa dastuur aynu samaysanay oo isburinaaya?

  1. Sidda aynu soo sheegney dimuquraadiyaddu waxa ay ka bilaabmatey waddanka Giriiga waxaaney dimuquraadiyaddu ku faaftey waddamadda Yurub oo markaas uu ka socdey dulmi ay kula kacdey kiniisadu waxaaney waddamadaasi qaateen dimuquraadiyadda oo Diinta ka soocaysa Dawladda iyo Arrimaha Bulshada, waxaaney dimuquraadiyaddu u noqotey fursad ay kaga badbaadan dulmigii kiniisada .

Haddaba ka Muslimiin ahaan maxaa inagu kalifaya innaynu ku dayano waddamo la dulimayay oo dimuquraadiyaddi u noqotey badbaado ee inaga oo haysana xukun ugu saxsan oo wanaag mooye xumo lahayn?.

Qalinkii: Mubaarik Yusuf Muse

mubaarikym@gmail.com

Hargeisa Somaliland

tukoaakhiro JANAGALE CO Fadlan u gar gaar Gabadhan yar

No comments:

Post a Comment