Saturday 17 October 2009

DR.KULMIYOOW SIDA UCID AMA AQBAL KEEN NOQO AMA ARIN KEEN

DR.KULMIYOOW SIDA UCID AMA AQBAL KEEN NOQO AMA ARIN KEEN

Filed under: Articles — Togaherer Team @ 07:59 Edit This

REER SOMALILANDOOW SALAAN IGA GUDOOMA DHAMAANTIINBA.sanwaa-cumar_2

Madaxweyne Rayaale ilaa hada ma jiro xurguf kala dhex taala isaga iyo Faysal Cali Waraabe dhinaca xubintii cusbayd ee xisbiga UCID usoo xuleen inay u matasho komishanka cusub waxa la loodin la yahay waa xisbigaa kulmiye!!!. Ninkaa u qaabilsan Xoghaynta Arimaa Dibada Xisbiga kulimye Dr.Maxamed Claahi ama Dr.Kulmile waxuu shacbiga ku afgobaad sanayaa in madaxweynuhu ka caga jiidayo hirgalinta heshiiskii la galay dhawaan. Madaxweyne Rayaale kalsoonidii shacabku siiyeen ayuu wali haystaa oo uu ku joogaa. Waynu ogayn in doc kasta lagasoo weeraray ilaa gole yaasha laakiin waa lagu guul daraystay Waayo? Ilaahay ayaa u qadaray inuu ku fadhiyo kursiga iyo shacbiga oo ka raaliya nabadana ilaashanaya. Hadaba aanu kuu bal balaadhinee anagu (UDUB) waxaanu nahay xisbi ku caan baxay democracy waad aragtaa markhaatina waad ka tahay in xubnaha ugu culus kulmiye markay ku dhagabarjoobaan siyaasada xisbigaaga in ay ka boodayaan kulmiye sidii LEEB laga rideeyay QAANSO iyagoo isku taaga kuna nasta xisbiga umada u dhaxeeya ee UDUB,tusaale ahaan CALI GURAY oo hada noo ah afhayeenka xisbiga talada haya. Hadaad Xog u haysid xisbigaaga su’aashan is waydii: MAXAY AXSAABTA MUCAARIDKU U KALA DAB QAADAN WAAYEEN EE LOO ARKI WAAYAY SIYAASIYIIN UCID KA BAXAY OO KULMIYE GALAY AMA SIYAASIYIIN KULMIYE KA BAXAY OO UCID GALAY??? labada xisbiba siyaasiyiinta ka baxaa anagay magan noo noqdaan. Nin ka gudoomiyaha ka ah xisbiga sidaa loogu baratamayo ,waa UDUB be, cidna kaa yeeli mayso wuu nasakhayaa hirgalinta heshiiskii la galay!!. Madaxweynuuna wuu qabanayaa doorashada Afraad oo waa u magac in la yidhaa barri afar doorasho ayuu qabtay laakiin shuruudeeda waa in la dhamaystiro taasna waa la wada leeyay ee isaga uun laga sugi maayo. Dr.Kulmiyoow waxaad saarantay DIYAARAD CAGUU U BIXI LA YIHIINE WAA INOO DHULKA.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

No comments:

Post a Comment