Friday 16 October 2009

MA LA IS BARBAR DHIGI KARAA CULIMADDA IYO FANAANIINTA?????????

MA LA IS BARBAR DHIGI KARAA CULIMADDA IYO FANAANIINTA?????????

ma la is barbardhigi karaa culimada iyo fanaaniinta?QALIN

Marka hore waxan salaamayaa dhamaan saxaafadda waxa kale oo aan salamayaa bahweynta xiisaysa akhrinta saxaafadda.
Aniga oo doonaya inaan ka jawaabo waraysi laga qaaday nin fanaan ah oo yidhi wadaada waa la ixtiraamaa oo waa la daba yaacaa faaniintana sidaas oo kale halo ixtiraamo hadaba inagoo ah mujtamac muslimiin ah kuna faana inaynu nahay dad muslim ah.culimada iyo fanaanintu isku mansab ma inoo taagan yihiin ?

Jawaabtu waa maya sabatoo ah culimadu waa kuwa diinta ina baray waa kuwa hogaanka inoo haya culimadu bulshaweynta wanaagana way faraan xumaantana way ka reebaan hadaba fanaaniintu ama dadkan hees heesaa miyay la sinaan karaan culimada sharafta leh ? hadana jawabtu waa maya hadii maanta ay dhib dhacdo ama la isku qabsado qodob kusaabsan diinta islaamka ilaahay waxaa uu qur’aankiisa kuusheegay in loo noqdo kitaabkiisa quraanka ah (SWT) iyo sunada rasuulka (CSW) kuwa inoo sheegayaana ama inoo fasirayaana waa culimadeena sharafta leh ilaahayna ajar iyo xasanaad haka siiyo.

Hadaba iyadoo ay sidaas tahay oo aynu diinta uga dambayno culimadeena wax badan oo la taabankarana inaga jaahil saareen, oo aynu culimada mudnaan iyo qadarin sidaas ugu hayno, waxaa isweydiin mudan maxay fanaaniintu bulshaweynta islaamka ah kusoo kordhiyaan ee ay ixtiraamka ku muteen ee culimada loogu barbardhigayaa,jawaabta waxaanu udeynaynaa akhristayaasha sharafta mudan.

Mursal Abdillahi Ismail

No comments:

Post a Comment