Tuesday 6 October 2009

INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJICUUN TACSI MARXUUM XAASHI CISMAAN YUSUF

INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJICUUN TACSI MARXUUM XAASHI CISMAAN YUSUF

Published on: Oct 6, 2009 8:07

tacsi-quraan-1
tacsi1

INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Anigoo ku hadlaaya magacayga, magaca REER CABDI CARWO iyo kan Xaaskeyga Amal Cumar Carte waxaan tacsi u diraya tafiirta, ehelka, qaraabada, iyo
xigaalka uu ka geeriyooday marxuum Xaashi Cismaan Yuusuf oo ku geeriyooday HARGEYSA shalay 06/10/09, si gaar ah waxaan u tacsiyadeynayaa xaaska oo ah ededay Ardo Cabdi Carwo iyo inaabtiyaday Ilma Xaashi Cismaan iyo tafiirtooda meel kasta ooy joogaanba ooy hormood u yihiin Cabdillahi Xaashi Cismaan oo degan Abudhabai iyo Xasan Xaashi oo degan Hargeysa..
Xaashi Cismaan waxuu ahaa oday dhaqan iyo beel daajiye nabadeed miyi iyo magaalaba.Waxuu ahaa ruux Alle ka cabsi badan oon salaadi ka tegin, tusbaxna gaantiisa laga waayin. Nin af gaaban oo aadmigu ka nabad galo. Allow deeqdaada ugu naxariiso marxuumka iyo maytida islaamka oo dhan, annagana naga yeel kuwa ku cibro qaata ee u soo laabta dariiqa toosan.
Eebow marxuumka u naxriiso kana yeel kuwa dhaxla Janatul Fardows, ubad, ehel iyo qarabana ka yeela kuwa ku samra qadarkaaga, naguna soo dabaal xaqqa iyo tubta toosan.Aamiin.
Ahmed Hassan Arwo
samotalis@gmail.com

No comments:

Post a Comment