Tuesday 6 October 2009

KULANKII UGU YABAKA BADNAA AAY YEESHAN XUKUMAD DAL

KULANKII UGU YABAKA BADNAA AAY YEESHAN XUKUMAD DAL

Published on: Oct 6, 2009 18:01

Golaha wasiirada ee wadanka Jasiirada ah ee ku yeela Badweynta Hindiya ee Maldives ayaa yeelanaya kulankii ugu horeeyey ee abadi ay yeeshaan gole xukuumadeeda, waxaana kulankaasi lagu sheegay in wasiirada iyo madaxweynuhu iyagoo labisan qalabka dabaasha kulan yeelan doonaan 17-ka bishan October.

Talaabadan ayaa lagu sheegay si ay u muujiyaan Masuuliyiinta wadanka Maldives dhibaatada ka dhalanaysa isbadalka cimilada aduunka, isla markaana kulankaasi waxaa lagu soo began wax yar uun ka hor shirweynaha caalamiga ah ee isbadalka cimilada aduunka oo bisha December ee sanadkan lagu qaban doono magaalada Copenhagen ee caasimada wadanka Denmark.

Madaxweynaha Jasiirada Mohamed Nasheed ayaa wuxuu shir gudoomin doonaa shirkaasi badda gudaheeda iyagoo qalabka dabaasha ay u wada xiran yihiin ku yeelanayaan golihiisa wasiirada, waxaana sidoo kale lagu sheegay masuuliyiinta Maldives inay tani ugu dan leeyihin inay aduunka tusaan qatarka ka soo socota isbadalka cimilada aduunka, iyadoo la xaqiijiyey in hada badda ay ku dhextaal jasiirada Maldives ay heerka biyaha kor u soo kacayaan.


Afhayeen u hadley xukuumada Maldives isagoo ku sugan caasimada jasiiradaas ee Male wuxuu u sheegay wakaalada wararka ee AFP in shirkaasi ay ka qayb gali doonaan 14 wasiir, iyadoo dhamaan wasiirada hada loo diyaariyey tababar iyo casharo ku sabasan qalabka loogu tala galay dabaasha si ay kulankasi uga qayb galaan.

“Xubnaha golaha wasiirada waxaa loo xiri doonaa qalabka badda gudaheeda loogu tala galay in lagu galo, waxaaan loo dhameystiro doonaan dhamaan qalabka, si ay gudaha bada 20 feet uga qayb galaan kulankaasi gaarka ah, iyadoo dhamaantood isku xiidhanan doonaan ama ay wada socon doonaan” sidaasi waxaa u sheegay AFP afhayeen u hadley xukuumada Maldives oo diiday in magaciisa saxaafada laga baahiyo.

Madaxweyne Mohamed Nasheed ayaa hada la gudoonsiiyey shahaada dabaasha iyo isticaalka qalabka badda gudaheeda lagu galo, waxaana lagu wadaa inay baaq ka soo saaraan kulankooda.

Sanadkii 2007 Qaramada Midoobay hay’ada u qaabilsan isbadalka cimilada Intergovernmental Panel on Climate Changekor u kaca heerka xadiga biyaha badda uu kor u kacay 18 ilaa 59 centimetres oo u dhiganta 7 ilaa 23 inches, waxaana la sheegay in sanadka 2100 Jasiirada Maldives ay halis ugu jirto inay noqoto meel biyo degeen ah oo dhulkeeda la waayo.

Dhulka Jasiirada Maldives 80% dhulkeeda waxaa ka sareeya heerka biyaha badda 3.3 feet 850 km oo wadankaasi ka kooban yahay ayaa saameyntaasi laga dareemay.

Khatarta ku soo fool leh jasiirada Maldives waxay keentey in Madaxweynaha wadankaasi Mohamed Naheed uu kor u kor u qaado suurtagalnimada in dadka wadankaasi ku dhaqan ee tiradoodu dhan tahay 330 kun guryo looga iibiyo wadamada Australia, Hindiya ama Srilanka.

Warqabadka TogaHerer
Islamabad,Pakistan

No comments:

Post a Comment