Tuesday 6 October 2009

MA TAQAAN GOBOLKA KALIYA EE SHILING SOMALILANDKU KA SHAQAYN

MA TAQAAN GOBOLKA KALIYA EE SHILING SOMALILANDKU KA SHAQAYN

ARTICAL THN MIXEDDegaanka madaxwaynaha somaliland uu kasoo jeedo ee awdal oo ah meesha kaliya ee laga diiday in laga isticmaalo lacagta somaliland.
Hadaba maxay tahay cilmiga ku jira in madaxwaynuhu ku waaniyo gobolka uu ka soo jeedo inay diidaan lacagta shiling somalilandka.
Waxa iswaydiin mudan ujeedada beesha madaxwaynuhu ku diiday lacagta somaliland.

SHilinka somaliland ayaa ka socda inta u dhaxaysa gabiley ilaa marka looga socdo dhinaca hargaysa iyo bebera ilaa ceerigaabo laascaanood inkasta oo magaalada burco ay kawada shaqeeyaan shilinka somaliland iyo ka soomaaliya oo hada gabaabsi ku jira.
Hasa yeeshee degaanka aanu shiling somaliland waligii ka shaqayn waa degaanka awdal ee caasimadiisu tahay boorame kaas oo madaxwayne riyaale ka soo jeedo.

Magaalada boorame oo ah meesha kaliya ee calanka soomaaliya lala soo baxo dariiqana lala maro .
Sidoo kalana degaanka awdal waa meesha kaliya ee calanka tawxiidku ku xardhan yahay dab la qabadsiiyay , waliba lagu joogjoogsaday[walciyaadu bilaah].
Hadaba maxaa laga dheehan karaa ficilka dadka awdal ku dhaqmayaan , ma kula yihiin inay yihiin dad somaliland doon ah , ma kula yihiin dad jecel qaranimada somaliland, mise waa dad ku lidiya qaranimada somaliland .

Beelaha dhexe ee somaliland oo runtii ah dad masaakiina aragtidoona tahay mid gaaban ama si xeel dheer aan waxba u falanqayn.
Runtiina si fudud loo khiyaamayn karo ama si fudud loo badali karo ayaan ilaaimika kaba warqabin xaqiiqda ka jirta gudaha somaliland.
Waxa beelaha dhexe ay wali ku jiraan marxaladii reeraha iyo qabaa,ilka, waxaad arkaysaa maalin kasta in reer la magacaabayo ayagoo sheeganaya in reerkoodu ku biiray xisbiga A kana baxay xisbiga B.
Waxaad arkaysaa ayadoo beel shirayso ka dibna ay ku dhawaaqayaan hadaanu nahay beesha caynkaa waxaanu gaadhnay go,aankaa waxaanu ku biirnay xisbigaa A.
Runtii waa wax lagu qoslo ama aad loola yaabo in dadka beelaha dhexe ay wali ku jiraan casru jaahiligii.
Beelaha dhexe ee loo yaqaan reer sh isaxaaq ayaa had iyo jeer waxay ku caan yihiin is qabsi dhexdooda iyo is xinin dhextaal, waana shacbiga kaliya ee ayagu isu muuqda waxna aan isu oglayn.
Hadaba maxay tahay dibu dhacan ku habsaday beelaha dhexe iyo dareen la.aantan haysata.
Tolow ma rag hore u ciilanaa ayaa maanta calanka lulaaya[GOB LA CIIJAY IYO INAN GUMEED CALAN WALNAYNAAYA].
Ma rag aan taladu ka go,i jirin ayaa maanta is tijaabiyay
Ma laangaab aan waxba la waydiin jirin ayaa jawaabaya
Fayasal cumar mushteeg ayaa ku heesay[ WAAN YAABANEE IDINKU DADYOOW MA LA YAABN TIHIIN]. faysalooow anaa maanta yaabka yaabkiisu i haystaa oo garan la halka salaadu ka xidhmi la,dahay
axmed qoorgees
qoorgees-maqosle@hotmail.com
uk

No comments:

Post a Comment