Friday 2 October 2009

HUWANTII XASSAN TURKI IYO XISBUL ISLAAM WAXA JABIYEY AFKA CIIDA U DARAY KOOXDA SHIISHEEYE

HUWANTII XASSAN TURKI IYO XISBUL ISLAAM WAXA JABIYEY AFKA CIIDA U DARAY KOOXDA SHIISHEEYE

Oct 3, 2009 8:01
news
Huwantii Xassan Turki iyo Xisbul-islaam Waxa Jabiyey Oo Afka Ciida u Daray Kooxda Shisheeyaha ah Ee Ka Barbar Dagaalama Al-shabaab iyo Mareexaan-ka Oo Gacan Siiyey.

Warar mug leh oo faahfaasan ayaa daaha ka rogay in Dagaalkii kismaanyo ka dhacay uu ahaa mid xeelad iyo xabad kulul loo adeegsaday. kooxha Dirirtu dhex-martay oo kala huwanaa magacyo diimeed-ka ah, Xisbul-islaam iyo Al-shabaab ayaa Isticmaalaayey Abaabul xamaasadaysan oo salka ku haya Qabyaalad.Raskambooni iyo Caanoole waxay ka koobnaayeen Absame,Ogaadeen iyo Harti intaas oo la isku yidhaahdo Abtirsiimo ahaan *Kablalax-daarood* Taageerayaasha Al-shabaab waxay u badnaayeen Ururis ka soo kala jeeda Raxan-weyn,Gaal-jecel,Jareer-weyn,Muruursade,Duduble,Shisheeyaha Muhaajiriin iyo faro-ku-tiris Isaaq ah oo u Afduuban Ina-Godane iyo Ibrahim Afqaan.

Khariirada Dagaalka waxa dhigay isla markaana hogaaminaayey kooxda shisheeyaha ah ee la yidhaahdo Muhaajiriin kuwaas oo fadhiisan ku leh Degmada Jamaame, waxay ku wargeliyeen oo amar buuxa ku siiyeen Horjoogayaasha Shabab-ka in ay talaabo deg-deg ah ka qaadaan Axmed Madoobe & Maleeshiyaadkiisa si aanu ugu gorgortamin Magaalda Kismaanyo gudaheeda. Kooxdan Muhaajiriin waxay wel-wel iyo Cabsi ka qabeen in Axmed Madoobe uu xidhiidho qarsoon la leeyahay Maraykanka & Ethiopia. Shabaab-ka ayaa si xeeladaysan ugu guulaystay in Beesha Mareexaan intii Kismaanyo ka joogtay ku dagaal galiyaan qaab qabiil, taas ayaana keentay in huwantii Kablalax-Daarood korkooda lagu Qubaystay oo la jabiyey.

Qaab dhismeed-ka Kooxda Muhaajiriin ee ka Barbar dagaalanta Argagixisada Al-sshabaab.

1-Fazul Maxamed Abadallah u dhashay Jaziirad Comoros…. Amiirka Guud ee Muhaajiriinta ahan madaxa qaraxyada, waxa uu soo gaadhay Somalia horaantii 2000-kii, isaga oo ka soo kici timay dhinaca Kenya, wuxuuna degenaa magaalooyinka Lamu & Mombasa, waxa uu ku eedaysanyey in uu ka dambeeyey qaraxyadii dhismayaashii Safaaradaha Maraykanka ee Nairob & Darasalam.

2-Dalad Khan…Madaxa qaybta tababarka maleeshiyaadka Muhaajiriinta & Shabaab-ka waxa uu ka soo jeedaa Gobolada u dhaxeeya Afganistan & Pakistan, waxa uu ka tirsanaa qaybta Alqaacida ee Pakistan isaga oo ka soo qayb qaatay dagaaladii ka dhacay sanadihii ugu danbeeyay dalalkaas, wuxuuna ku mutaystay in la dalacsiiyo oo loo magacaabo in uu madax ka noqdo qaybta tababrka Ururka Cusub ee Muhaajiriinta Somalia.

3-Faysal Al-Fadli…Madaxa Sirdoonka & xog uruurinta Muhaajiriinta & kuwa Shabab-ka waxa uu ka soo jeeda Jaziirada Comoros, wuxuuna muddo ku sugan yahay magaalada Kismaayo isaga oo u kala goosha Gobolada ay maamulaan Shabaab-ku, warar ayaa sheegaya in Ninkan uu si gaar u soo xushay Fazul Max’ed Abdallah oo isku wadan yihiin ama ka soo wada jeedaan Gaziirada Comoros

4-Axmed Bin Hagi (Abuu xafsa)…waa nin u dhashay dalka Aljeeriya, wuxuu u xil saaran yahay xagga maaliyada (Dhaqaalaha) & saadka ee labada urur Muhaajiriinta & Shabab-ka, isaga ayaa la sheegay in uu madax ka yahay kooxa gacanta ku haysa baadhista, Maraanmarka & xagga xidhiidh-ka Ninka Faransiiska ah ee laga afduubay Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, Habeenba meel ayuu la tagaa oo kula dhuuntaa, waxa loogu xushay haynta la-haysataha isaga oo ku hadla afka Faransiiska aadna ugu xeel dheer hab dhaqanka Faransiiska.

By: Osman Abdillahi Sool…Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment