Friday 2 October 2009

SAFAR SANADEEDKI URURKA GURYO SAMO EE GOBOLKA GAAROODI (SAWIRO)

SAFAR SANADEEDKI URURKA GURYO SAMO EE GOBOLKA GAAROODI (SAWIRO)

Safar Sanadeedkii Guryosamo Ee Gobolka Gaaroodi:

Urur Ardayeedka Guryosamo oo Ah Urur Ay Ku Mideysan Yihiin Qaar Ka Mid Ah Ardeyda Qurbaha Wax Ka Barata Ayaan Safar Ku Tagey Deegaanada Gobol Gaaroodi ,

Safarkaas oo Ay ku Weheliyeen Xubno Ururka Samo Falka Ee HAERDO ama Gaaroodi , Gudoomiyaha Gobolka Gaaroodi , Qurbo joog , Ardey iyo Xubno Kale ,

Safarkaas oo Ujeedadiisu Aheyd Ka Qeyb Galinda Furitaanka Sanad Dugiyeedka Cusub ee Iskuulada Deegaankaas , iyo Waliba Gaadhsiinta Agab Waxbarasho oo Ururka Guryosamo ugu Deeqey Ardeyda Dugsiyada ,

Ugu Horeyn, Safarkoodu waxaa uu ka Bilaabmey Magaalada Toon oo koonfurta ka Xigta Hargeysa, Halkaas oo ay kula Kulmeen Macalimiinta , Ardeyda Dugsiga Hoose Dhexe Ee Toon , oo Markaas Diyaar ku Ahaa Xarunta Dugsigooda , ka Muuqatey Ardeyda Dadaal iyo Niyada ay u Hayaan Waxbarashada,

Waxaa Halkaas Ardeyda Kula Hadley Gudoomiyaha Sallaxley C/rashiid Macalin , oo Ku Dheeraadey Qiimaha waxbarashadu Leedahey , Isagoo Ardeyda Ku Dheeri Galiyey In Ay Dadaalaan , Higsadaana Meel Sarre .

Osman Guure oo Ka Tirsan Urur Ardayeedka Guryosamo ahna Ardeyda India wax ka Barta ay isaguna Hadal Qaatey , isagoo in Badan ku Dheeraadey Hamiyada Waxbrashadu Leedahey , Osman waxaa uu kula Dardaarmey Ardeyda in ay Dadaalkooda Sii Laban labaan , Una Samraan Mudada Kooban ee Ay Waxbarashada ku jiraan,


Intaas ka dib , Waxaa Isagu Erayo Soo Dhaweyn Ah Halkaas ka yidhi Macalin Baashe oo Ka Tirsan Macalimiinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee Toon ,

Isagoo u Mahad Celiyey Xubnahan Safarka kula Joogey , waxaana uu Sharax ka Bixiyey Ardeyda Dhigata Tiradooda , Tayadooda iyo Mustaqbal Halkey Higsanayaan ,

Intaas ka dib , Xubnaha Urur Ardayeedka Guryosamo oo Agab waxbrasho u sidey Ardeyda ayaa ku Wareejiyey Maamulka Dugsiga Toon , Taas oo Ay Aad ugu Farxeen Ardeyda iyo Macalimiintoodu .

Halkaas oo Si Heer Sare ah loogu soo Dhaweeyey Waftigan ayaa Kormeer ku soo Mareen Qeybaha Dugsiga iyo Magaalada .


Ka dib waxey Safarkii Afka Saareen Magaaladey Qoolcadey oo Dhinaca Koonfureed ka Sii Xigtey Toon , Halkaas oo ay ugu Tageen Maamulka , Macalimiinta iyo Ardeyda Dugsiga Hoose Dhexe ee Magaalada Qoolcadey

, waxaa Halkaas iyaga ay kala Kulmeen Soo Dhaweyn sareysa , iyadoo Ardeydu Sacab ku Soo Dhaweeyeen ,

Waxaa Halkaas Warbixin ka Jeediyey Macalimiinta Dugsiga Qoolcadey , iyagoo ku Dheeraadey Tirada Ardeyda Joogta iyo Sida Habsamida Leh ee Waxbrashadu u Soco wakhti Kasta ,

Waxey Halkaas lagu Wareejiyey Agab Waxbarasho oo uu Urur Ardayeedka Guryosamo ugu Talo Galey Ardeyda Dugsigaas ,


Abaaro 9:30 Barqanimo ayey Waftigani Gaadheen Caasimada Gobolka Gaaroodi ee Sallaxley . Halkaas oo Laga War Qabay Iyadoo Caleemo Qoyan lagu soo Dhaweeyey , Safarkana oo uu Hogaaminayey Gudoomiyaha Sallaxley ayaan Ugu Horeyn waxey Kormeerkoodii Ka Bilaabeen Dugsiga Sarre ee Sallaxley , Halkaas oo Loo Fadhiyey Xaflada Furitaanka Sanad Dugsiyeedka Cusub ee 2009-2010 , Taas oo Si Heer sare Ah loo soo Agaasimey ,

Waxaa Halkaas Joogey Maamulka, Macalimiinta , Ardey , Waalidiin, Kuwaas oo si Heersare ah u soo Dhaweeyey Waftigan ,

Waxaa la Gudoo Galey Barnaamijkii oo lagu Furtey Aayaadka Quraanka Kariimka ah , ka dib Waxaa Halkaas ka Hadley Ugu Horeyn Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga sare ee Sallaxley iyagoo Sharaxaad Dheeraad ah ka Bixiyey Ardeyda , Qaabka ay wax u Dhigtaan , iyo Jawiga Guud ee Dugsiga, Waxey Halkaas Ku Soo Bandhigeen in 150 Ardeyay dhigtaan dugsiga sare ee Sallaxey , kuwaas oo Ah Galaasyada Kale Duwan ee Dugsiga sare , Iyagoo Tilmaamey in Sanadkan uu Dugsigu Yeeshey Galaaska Afraad oo Ardeyda Somaliland ay la Fadhiisanayaan Imtixaanka sarre ,


Waxaa kale oo Halkaas ka Hadley Qaar ka mid ah Ardeyda kuwaas oo Ugu Horeyn aad u Soo Dhaweeyey Ardeydka Jaamacadaha Dibada ka Yimi ee La jooga , Waxey Ardeydu ka Cawdeen in aaney Laheyn Meel ay wax ku Akhristaan (Library) , iyo Meel Sheybaadh ( Laporatory). Iyagoo ka Codsadey Xubnihi Meesha Fadhiyey in lagu dadalo sidii loo Heli Lahaa labaa Shey oo Waxbarashada u Muhiim Ah ,


Waxaa Halkaas ka Hadley Dr:Maxed C/raxmaan oo Ka Tirsan Ardeyda wax ka Barata Qurbaha kuna Hadlayey Ururka Guryosamo , ugu Horeyn waxaa uu uga Mahadceliyey Ardeyda , Macalimiinta , Waalidka iyo Maamulka Sallaxley si Wacan ee ay u soo Dhaweeyeen ,

Waxaa Halkaas joogey Laba Macalim oo Masaari ah oo Ka Dhiga Dugsiga sarre Ee Sallaxey iyadoo Dr: Maxamed C/raxmaan oo Masar ka yimi uu aad u soo Dhaweeyey labada Macalim , isagoo ku Amaaney Dadaalka iyo Sida Wanaagsan ee ay Ardeyda ugu Faaideyaan , isagoo kula Hadlayey Luqada Afcarabi .

Waxaa isagu Magaca Walidiinta ku Hadley Macalin Baashe isagoo Tilmaamey Ahmiyada Ay Leedahey in la Iskaashado , iyo sidii loogu Dadaali lahaa Ubadka wax Baranaya , isagoo Tilmaamey Ahmiyada isku Xidhnaanta Waalidka iyo Macalimiinta ,


Mudane Xuseen Badmah oo ka Tirsan Ururka HAERDO ayaa isaguna Halkaas ka Hadley , Xuseen waxaa uu ardeyda ku Dheeri Galiyey in ay La Tartamaan Ardeyda Hargeisa wax ku Barata , isagoo u Sheegey in ay Dhaafi Karaan Dadaalkoodana ay Laban Labaan .Sidoo kale Xuseen waxaa uu Ku Dheeraadey Tacliinta iyo Inta Marxaladeeda Lagu Jiro in Ay u Baahan tahey Samir ,

Dr: Siciid Samatar oo Ah Qurbojoog ayaan isna Hadal Qaatey , waxaa uu Siciid in Badan ka Hadley Tusaalooyin ka Bixiyey Waxbarashada iyo Waayaheeda , Taas oo Ardeyda Golahaas Fadhidey Aad u Dheeri Galisey ,

Urur Ardayeedka Guryosamo oo Shaaado Sharaf Gudoonsiiyey Gudoomiyaha Sallaxley

Intaas ka dib , Waxaa Abaal Marino La Siiyey Ardeydii Galaas kasta ka Gashey Kaalmaha Hore , iyo Waliba Ardeyda Xaga Akhlaaqda ugu Fiicneyd Dugsiga , Iyadoo Galaas kasta Afar Ardey ay Ku Guuleysteen Abaalmarino .

Iyadoo Ay Gudoonsiiyeen Gudoomiye Sallaxley , Maamulaha Dugsiga Sare ee Sallaxley iyo Xubnaha Guryosamo .


Abaal Marinadaas oo isku Jirtey Buugaag , Qalimaan , Shandado , iyo Agab Waxbarasho oo Kale ayaan Waxaa soo Agaasimey soona Diyaariyey Urur Ardayeedka Guryosamo.


Waxaa Hadal Kooban Halkaas ka Jeediyey Maamulaha Dugsiga Sare Ee Sallaxey , Maamuluhu waxaa uu Ugu Horeyn u Mahad Celiyey Ardeyda , Walidiinta iyo Xubno Sharafta Kulankaas ka Soo Qeyb galey , Waxaa uu Ardeyda kula Dardaarmey in Ay u Diyaar Garoobaan Sanad Dugsiyeedka Cusub , Waxaa uu Maamuluhu ku Dheeraadey in Lagu Dadalo Si Kor Loogu Qaadi Lahaa Tayada Ardeyda Iyo Agabka Waxbarsho ee Ay u Baahan yihiin .


Ugu Danbeyntii , Waxaa Halkaas ka Hadley Gudoomiyaha Sallaxey Mudane C/rashiid Macalim , Isagoo Gudoomiyuhu Ugu Horeyn u Mahad Celiyey Urur Ardayeedka Guryosamo , iyo Waftigii La Socdey ,

Waxaa uu Gudoomiye C/rashiid Ardeyda Dugsiga Sare ku Dheeri Galiyey in ay Dadalaan , isagoo Tilmaamey in Maalin Maalmaha ka Mid Ah Xarunta Dugsiga Sare ee Aheyd Xarun Ay ku Keydsanaa Hub , Sida Kaarayaal , iyo Madaafiic , Maanta waxaa Ilaahey Loogu Mahadiyo ah in Loo Fadhiyo Furitaanka Sanad Dugsiyeed Cusub ,


Waxaa uu Ku Dheeraadey Heerarkii , Marxaladihii Ay Soo Martey Waxbarashada Deegaanka , iyo Maanta in ay Meel Sarre Mareyso Loo Baahan yahey in Madax , Walidiin , Ardey iyo Ururaba La iska Kaashado Sidii Hore loogu Sii Socon Lahaa ,

Urur Ardayeedka Guryosamo ayaa Halkaas waxaa uu Shaahaado Sharafyo kku Gudoonsiiyey Gudoomiyaha Sallaxley iyo Maamulaha Dugsiga Sare Ee Sallaxey

Guntii Iyo Gabo Gabodii , Waxaa Hadal koob Kooban Halkaas ka Jeediyey Xubno ka Tirsan Urur Ardayeedka Guryosamo , Qurbo Joog iyo Marti Sharaftii Halkaas ka Soo Qeyb Gashey ,


Intaas ka Dib , Waftigii Waxey Kormeer ku Soo Maree Xarunta Agoomaha Ee Sallaxley , Halkaas oo Ay Joogeen Ardeydey Ay Halkaasi Hoy U Tahey, iyadoo Wakhti Qadadii Ay Aheyd ayaan Xubno ka Tirsan waftigu Kula Qadeeyeen Xarunta Cunta ee Dugsigaas Agoomaha ,

Waxey kale oo safarkoodu ku soo Maree Dugsiga Hoose /Dhexe ee Sallaxey oo ay kula Kulmeen ardey iyo Macalimiin ,


Gabo Gabadii Safarka waxey Qado Sharaf loogu Sameeyey Waftiga Lagu Qabtey Mid Ka Mid Ah Hudheelada Caanka Ah Ee Sallaxley ,



Guryo samo wayn

Fuaad Cabdisalaam Xasan

No comments:

Post a Comment