Saturday 3 October 2009

HEES CUSUB OO KU SAABSAN CALANKA SOMALILAND !! W/Q ABDI SHOTALY

HEES CUSUB OO KU SAABSAN CALANKA SOMALILAND !! W/Q ABDI SHOTALY

HEES CUSUB OO KU SAABSAN CALANKA SOMALILAND !!
SHOTALY
Heestan soo socota waxan tiriyey saaka oo ay tahay sabti bisha oktoobar-na ay tahay 03/09/09, waa hees aan calan-keena kaga hadlaayo oo dhinacyo badan aan ka eegaayo haddii ay tahay difaac, duco iyo khayr qaba, kii wacnaan iyo nabad ku waara, noo horesseda bash-bash iyo barwaaqo, horumar ilaah-na nooga dhigo walaaleeye ee aan guul buuxda ku gaadhno anaka oo wada jirna, in aanu noqon kii in yar u adeega oo ay koox qudhi ku shaqaysato, u sinaada umada uu dul sudhan yahay, kana ilaaliya kala jab-kooda, oo cadaw iyo nacab-kaba, nolol u quudhi-waa iyo war-xume, inta uu guudka maro anfaca shicibka ku dhaata meel ay joogaan-ba, rabbi cudur, abaar, caydhnimo iyo belaayoo-yinka aduunka uu hareer mariyo, noqda kii aan ku rayno ee na ciil tira dhamaan dad iyo dalba, AL-LE haka dhigo kii muruq iyo cudud laga-ga baqo ee aan lagu soo hiilin, ku barbaara same talis-nimo, daacad-nimona ugu adeega umadiisa waana tan heestii ee la soco:-

(1) Calan duco qaboo, dayr noo ahiyo, diiriye ahoow,
Ku dadaal xaqoo, danta noo horseed, waan ku daba galee,
…………………………………………………………………………
Aad deeq aliyo, durdur iyo galado, ku dabaala-tide,
Dugso nabada oo, dusha-yada sudhnoow,
**************************************************************************
**************************************************************************
(2) Kii lagu degee, dadka wada simiyo, daadi-hiye noqo,
Oo daacad iyo, diinteena wacan, nimco nagu daryeel,
………………………………………………………………….
Aad deeq aliyo, durdur iyo galado, ku dabaala-tide,
Dugso nabada oo, dusha-yada sudhnoow,
************************************************************************
************************************************************************

(3) Inaan cadaw ku dagin, nacab kaa durkaan, u sitaa dabkee,
Adigaan dartaa, dal-jir kuu ahoo, difaac ugu jiraa,
…………………………………………………………………………….
Aad deeq aliyo, durdur iyo galado, ku dabaala-tide,
Dugso nabada oo, dusha-yada sudhnoow,
*******************************************************************************
**********************************************************************************
(4) Dulin iyo dad-qaad, dulini-mada diid, ka fogoow dulmiga,
Rabbi degel same leh, kugu daajiyoo, cudur kaa dabaal,
……………………………………………………………………………..
Aad deeq aliyo, durdur iyo galado, ku dabaala-tide,
Dugso nabada oo, dusha-yada sudhnoow.
*****************************************************************************
********************************************************************************

Waxan halkaas ku soo gabaga-beeyey heestii calanka aan u sameeyey, waxana aad dhawaan maqli doontaan, iyada oo fanaan reer somaliland ahi qaadaayo, kana daawan doontaan TV-yada, waxan intaas ku daray oo aan raaciyey duco, oo aan lee-yahay nimcoole ILAAH ha kaa dhigo, aynu ku wada liibaano, ina baal mariyo wax alaale wixii ina duraynaaya, oo belo inagu wada mid wadani ah iyo mid meel kale u dhashay-ba.

* N.B Xaqu waa danta’e, daba marid ka daa, looma duur xulo’e.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com.

No comments:

Post a Comment