Saturday 3 October 2009

AHMED WAA 8 JIR SOMALI AH OO AY RASAAS WEJIGA KALA DHACEEN YEYDA MUQDISHO ISKU CUNEYSAA

AHMED WAA 8 JIR SOMALI AH OO AY RASAAS WEJIGA KALA DHACEEN YEYDA MUQDISHO ISKU CUNEYSAA

Waxa uu gacanta haysey hooyadii macaan,waxaaney dhex socdeen mid ka mida wadooyinka uu halaagu ka socdo ee ku yaala magaalada Muqdisho. Magaciisa waxaa la yidhaa Ahmed Mohamed waana 8 jir aan cidna denbi ka gelin, balse nasiib u yeeshey in rasaas fara badan oo ka soo dhacdey qori boobe ahi ay wajigiisa googeyso, ilaa ay sankiisi ka masaxdey halkii uu Eebe ku sameeyay. Lage yaabee ka rasaasta la dhacey Ahmed inuu aaminsan yahey inuu yahey Mujaahid Ilaahey soo direy. Waxaase hubaala in wejiga Axmed aanu xaq u laheyn in lagu jihaado.Ma aha Axmed oo keliya dadka bilaa sababta ugu hoobtey dagaalada masnab doonka ah ee mudada dheer ka socda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda balse Axmed waa tusaale haboon oo loo soo qaadan karo dagaalada arxan darada ah ee ka socda magaalada Muqdisho.AXMED2

Wariyaha sawirka Qaadey oo magaciisa la yidhaa Feisal Omar una shaqeeya wakaalada Wararka ee Reuters waxa uu joogey meel wax yar u jirta halka uu ka dhacey falka arxan darada ahi, waxaanu sawridu tusayaan xaalada Murugada leh ee ee ku habstey 8 jirkaa ayaanka daran ee Ilaahey uu ka dhigey Somaliga.

AXMED1Sawiradu waxa ay tusayaan inuu Axmed weli noolan yahey balse ay xaaladiisu halis ku jirto. Sarkaal ka tirsan Cusbatalka Madiina oo diidey inuu magaciisa sheego, ayaa mar uu la hadleyay Jariidada VG

ee ka soo baxda Dalka Norway waxa uu yidhi ”Xaalada Ahmed waa mid aad u halisa. Rasaastu wajigiisa ayey googeysay, waxaanu u baahan yahey qaliinada nooca Plasticka ah oo lagu sameyn kareynin habayaraate Somalia gudaheeda.

Mar sarkaalka la weydiiyey iney suuro gal tahey in dibada loo qaadi karo Ahmed waxa uu ku jawaabey ”Dabcan, Madina Hospital waa cusbitaalka ugu wanaagsan dalka, balse mushkilada Ahmed haysta waa mid aanan waxba ka qabin karin, waalidkiisana sidaas ayaaanu ugu sheegney. Laga yaabe in hayada Gargaarka bini `aadminimo ku shaqeyeeya ay dibibada u qaadi karaan, inkastoo ay jiraan kiisas fara badan oo maalin oo la mida ka Ahmed oo maalin kasta dhaca.

Dr. Mads Gilbert waa dhakhtar aqoon sare u leh qaliinka iyo dhaawacyada dadka ka soo gaadha halowga rasaasta, waxaanu u dhashey dalka Norway waana mid ka mida labadii dhakhtar , ee sida geesinimada iyo bini`aadminimadu ku jirto ugu guntadey iney gargaar u fidiyaan dadka Falastiiniyanta ah ee ku dhawaamacmey , gumaadkii ay Xasuuqii ay ciidadamada Yuhuudu ku gastey marinka Qasa, sanadkan

bilowgiisii.AXMED

Hadaba Dr.Gilbert oo eegay sawirada wiilka yar ayaa isaga oo qeexaya waxa yidhi. ”Dhawaca waxa uu tusaya inuu nool yahey oo weli neefasanayo, hadana xaaladu waa mid rajo dhigid ah marka la eego dhaawaca halista ah ee gaadhey Ahmed Yare.

Waxaa isaguna arinta dhawaca Ahmed Mohamed ka hadley Dr. Erik Fosse oo ahaa dhakarta labaad ee caawimada weyn u fidiyey Falistiiniyiinta lagu xasuuqey Marika Gaza.

:

Waxaanu yidhi isaga oo arinta 8 jirkan Somaliga ah ka hadlaya ” Ma aha waxa aan caadi aheyn marka loo eego dhaawacayada gaadha dadka ku nool dhulalka ay dagaaladu aafeeyeen. Wey jiraan qaliimo cajiiba oo kaa yaabiya oo badbaadin kara qof sidan oo kale waxyeelo u gaadhey, balse Jaaniska uu Ahmed haysto inuu helo fursad sidaas oo kale ahi waa mid xadidan. Wiil yar oo fiqiira oo Somali ahi way yar tahey fursada uu u haysto inuu ka nolaado dhaawac sidan oo kale ah ayuu hadalkiisii ku soo koobey Dr. Erik.

Waxaa soo akhriyey

Osman Omar Dool

Oslo Norway

No comments:

Post a Comment