Thursday 1 October 2009

KU DADAALA HORUMARINTA WADANKIINA CIDHIBTIRANA TAHRIIBKA.

KU DADAALA HORUMARINTA WADANKIINA CIDHIBTIRANA TAHRIIBKA.

Ku dadaala horumarinta waddankiina
cidhibtirana tahriibka.


Ugu horayntii waxaan hanbaliyo u dirayaa dhamaanba shaqaalaha togaherer waxana aan ku leeyahay waad ku amaanantihiin sida maalinba maalinta ka danbaysa aad u samaynaysaan huromarka aad u sareeya intaa ka dibna aan u soo daandago maqaalkaygan maanta

Ummad kastaaba waxa ay horseed ay u tahay horumarka waddankooda maanta caalamkan aad arkaysaanba amaba lugu leeyahay hurumar buu gaadhay runtii waxa gaadhsiiyay waa dadkooda waxana sharaftaa u soo jiidayna waa dadkooda.
Bal haynu yar eegno dalkeenan Somaliland marka aad u fiirsatid amaba aad waraysatid dadka reer Somaliland waxa aad ka ogaanaysaa inayna diyaar u ahayn inay waddankooda hormarin gaadhsiiyaan waayo qofkii waxa uu ku odhanayaa waar tan Somaliland waan iskaga tahriibaynaa!!! runtii fikraddaa waxa aan u arka fikrad aad u qaldan amaba aan fiicnayn bal aynu yar eegno dalka Hindiya sida aad lawada socotaanba dalka Hindiya waxa uu ahaan jiray waddan aad u sabool ah dadka hindida ahna waxa ay ku noolaan jireen nolol aad u adag oo ka daran ta aad hada aad ka cararaysid lakiinse maanta waxa aad ogtahay inay Hindiya ay tahay wadan dhaqaaleehuda aad u sarreeyo shakina kuma jiro cida horumarkaasi gaadhsiisay inay yihiin dadka hindiyanka ah ama dadkooda.

Hadaba saxiibadayda jecel inay tahriibaan waxa aan xasuusinayaa inuu waddanku idinka idiin baahanyahay waxaan kaloo idiin xasuusinayaa qofku markuu tahriibayo waxa uu la kulmaa dhib aad u adag xataa mararka ay dhacdo biyo la’aani waxa ay ku kalliftaa inuu qofku uu cabo kaadidiisa taasina aynu odhan karno waa dhib aad u daran loona baahanyahay in la iska dhaafo tahriibka loona soowada jeedsado sidii waddanka wax loogu qaban lahaa saxiibadayow ma waxa aynu ka liidannaa Hindiya? mise waxa aynu nahay dad caajisiin ah oo doonaya in uu fadhigu wax inoogu yimaado? maxaynuse aynu maskaxdeenna aynu uga shaqaysiin la’nahay?
Waxaa aan idiin leeyahay ku dadaala horumarka waddankiina cidhib tira tahriibka gabi ahaan tiisba waxaan kaloo aan idin xasuusin lahaa maansadan
hadday dadkeennu dadalayaan
dayaxa naga dheerbaynu u duuli lahayn
danyartiyo dibjirkaynu dayac tiri lahayn
daalimiinta dantoodaanu dacarayni lahayn
daawadii fircoonbaynu doondooni lahayn
doqomiinta warkoodaynu iska dayni lahayn
dandooda ma garatayaashaynu dacal ka eegi lahayn
dahabkiyo dirhamkaynu baadi dooni lahayn

Guntii iyo gunaanadkii waxa aan idiin kusoo gabagabaynyaa waa in aynu tallaabo kaliya wada qaadnaa waa in aynu quluubteenna dhinac u wada jeedinaa waa in aynu soo saarnaa hadaf aynu dalkeena wax aynu ku tarayno taasi ayaa inooga khayr badan inta aynu ku fikirayno tahriib
Hamse Riraash
hamseriraash@hotmail.com
Hargaysa

No comments:

Post a Comment