Tuesday 6 October 2009

DEGMADA GACAN LIBAAX OO BAR MADAW UU KU NOQDAY ISKUUL WASIIR LOOGU MAGAC DARAY!!!!

DEGMADA GACAN LIBAAX OO BAR MADAW UU KU NOQDAY ISKUUL WASIIR LOOGU MAGAC DARAY!!!!

maqaalyar3

Published on: Oct 6, 2009 15:41

Degmad G/libaax oo BAR MADAW uu ku noqoday iskuul wasiir loogu magac daray!!!!

Aniga oo ka mid ah dhalinyarada Gacanlibaax, waxa aan wargeysyada iyo mareegaha Internetka qaarkood ku arkay maqaalo kala duwan oo ka hadalaya iskuul loo magac daray wasiirka duulista iyo hawada ee jamahuuriyada somalaliland mudane cali ibraahim warcade iskuulkaas oo magaciisa la yidhaa warancada school, maqaaladaas oo kala hadal macduucyo iska soo horjeeda sida qaar lagu difaacayo wasiirka iyo qaar lagu durayo wasiirka.

Sidaas daraadeed waxaan jeclaa inaan ka qayb qaato arintaas , ugu horayn iskuulku uu isugu magaca daray wasiirku waa boog madawoo ku taala dagmada magaalad hargaysa ugu weyn ee G/LIBAX, hadii aad booqto goobta uu iskuulku ku yaalo iyo waxa qashin daadsan waa mid aad ka naxayso, anigu ka c/qani ahaan waxaaban is lahaa waa goob uu iska illaabay wasiir warancade lakiin markaan maqaalda lagu toosinay isla markaana lagu baarujinayo inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan wasiirka iyo inta jecel degmada g/libaax in iskuulkaasi la dhiso oo loo dayac tiro loona dhamaysatiro dhaaman kaabayaasha waxbarsha waa mid laga maaramaan ah , hadii la waayo waxaa ceebtaas yeelanay oo kaw ka ah wasiir warancade oo uu xambaarsan yahay magaciisa, waxaa kaloo ku soo xiga oo ceebtu iyo fashilku huwan yahay salaadiinta, dhaliyarada, aqoon yahaynka iyo culimaa;udiinka degmanda g/libaax.

Ugu danbayntii waxaan baaq u dirayaa wasiirka, salaadiinta, dhaliyarda iyo aqoon yahaynka degmanda g/libaax oo aan leeyahay erayda hoos ku qoran;

Wasiir warancade:

Mudane wasiir waxaa tahay wasiirka kaliya ee marka lag hadalyo waxqabada laga soo qaato xukuumada rayaale, waxaad tahay wasiir loogu jecelyahay bulshada, waxaad tahay wasiirka kaliya ee ka muujiya goobta am wasaarada loo dhibo waxa ay dadku arkaan oo ku ildoogsandaan, lakiin waxaad tahay wasiirka aan illa hada dhamayn iskuulkii kaliya ahaa ee dagmada ee magacaaga huwaanaa waxaa si kal iyo laaba kuu leeyahay waad fiican tahay lakiin degamadaa kaama hayso fiicnidaa..

Salaadiinta degmada

Salaadiinta degemada degan waxaa leeyahay ma waxaad kaga mashquusheen degamadii oo aad xataa ogaan kari waydeen inuu iskuulkii loo disay degamad inuu dayac yahay iyo in kale waxaan aad uga rajo xumahay inaad degamad u soo hoysaan jaamacda maadaama aad ogaan kari waydeen daycii iskuulka, waa bar madaw oo ku taala degamada g/libax ee ka hawl gala sidii loo dhaqaajin lahaa.

Dhaliyarada iyo aqoon yahaynka g/libax:

Dhalinta iyo aqoon yahaynka degmada g/libaax waxa awoodi kari xataa inaay ka hadalno oo ay nidhaa maxaa lala damcay iskuulkan iska daa inaynu inagu waxa kale qabne waa nasiib daro haysata dhalinta g/libaax waxaa la odhan karaa waxaan maanta qabsani kari wayni waa iskuul yare maxaynu kula tartami degmooniyka hiigsanya inay jaamacda furataan.

Guntii iyo gebagabdii:

Iskuulka dunasani waxa uu bar madaw oo ku taala ku yahay degmada g/libaax iyo wasiirka uu magaciisa xambarsan yahay, waxaan soo jeedina lahaa inaan lagu halayn hay’ad uu wasiirku yidhi waan u dhiibay ee laga hawl galo sidii loo dhisi lahaa, loo qalabayn lahaa isla markaan loo raadin cidii waxa ka dhigi lahayd oo ku soo celin lahayd meeqaamiikii uuu iskuulku loogu talo galayn sidii qorshii lagu bilaabay ahaa.

Wabilaahi tawifiiiiiiiiq

Abdiqani mahamed

C_qanii@yahoo.com

G/LIBAAX, hargaysa somaliland


No comments:

Post a Comment