Sunday 4 October 2009

GUDOOMIYAHA UCID ENG FAYSAL OO KA WAR BIXIYEY KULANKII MADAXTOOYADA EE MAANTA AY YEESHEEN MADAXDA SADEXDA XISBI.

GUDOOMIYAHA UCID ENG FAYSAL OO KA WAR BIXIYEY KULANKII MADAXTOOYADA EE MAANTA AY YEESHEEN MADAXDA SADEXDA XISBI.

Gudoomiyha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Warabe ayaa maanta waraysi uu siiyey Radio Horayaal waxa u kaga waramay kulankii maanta dhex maray iyaga ka xisbiyo mucarad ahaan iyo madaxweynaha Somaliland iyo waxay kaga hadleen , waxaanuu sheegay in kulankoodani ahaa xoojinta lixdii qodob ee ay saxeexeen

” Waxa uu aha saaka kulankayagii kuwii ugu horeeyey ee aanu yeelano sadexdayada mushara, waxanu wada fadhiisanay xafiiska madaxweynaha ee madaxtoyada 10 subaxnimo markay ahayd , markaa waxaa ugu muhiim sanayd wixii aanu dadka u balan qaadnay ee ahaa in la wada shaqayn doono si doorasho xalaal ahi u dhacdo taasna ugu muhiimsanayd , markaa waxanu ku heshiinay lixda qodob sidii hore loogu sii wadi lahaa oo ay ugu horayso in komishanka la badalo oo is badal wayn lagu sameeyo iyo in lagu degaalo in sido loo samayn lahaa sida ugu dhakhsaha badan komishan wanaagsan oo u qalma xilka oo iyagu wada shaqayn kara oo xilka loo doortay ka soo bixi kara kolay arimahaas aya ugu muhiimsanaa waxanu ka wada hadalnay”

Gudoomiyuhu mar uu ka waramaayey arinta xubnaha komishanka ayaa waxa uu sheegay in xubnuhu isku jirin ee xubinta Ucid ay cusubtahay oo bil iyo badh shaqaynaysay sidaa awgeedna xubintaasi ay tahay xubin u qalmaysa xilkaa oo aad u fican waxanuu yidhi

“Marka hore waxa nu ka wada codsanay in ay is casilaan xubnaha komishanka doorashooyinku si ay noogu hawl yarato oo aanuu waqti nooga lumin waanay mahad sanyihiin si fiican baanay yeeleen , markaa dee xubnuhu iskuma jiraan oo qar ayaa bil iyo badh shaqaynaayey marka matalan xubin tayadii watii la ydihi soo badala markaa waataanu soo badalay oo xubin aad iyo aad u qiimo leh waatanu ku soo badalay oo waabuu cusub yahay mana aha qof tar daraabtan iyo waxa la isku hayto ku qasho leh markaa badabkoodu waxaan u malaynaayaaa sidaa ay isu casileen ay ku maqnan doonaan”

Mar uu ka hadlaayey kulankan iyo halka uu ka yimid marka hore ayaa wariyahayaga Togaherer Hargaysa oo waraysigan qoray waxa uu sheegay in Eng Faysal in ay cadi tahay in ay kulman madaxda dalkasta si ay uga wada tashaan arimaha bulshada, nabad gelyada, dhaqaalaha, siyaasada iyo wax kasta waxaanuu sheegay in ay tahay qodob dastuurkeena ku jira waxa la isticmalayaa taas oo uu sheegay in ay Somaliland ay ku dhasan tahay isu tanaasal , wada tashi iyo niyada wanaag taas oo uu sheegay in aduunka madaxweynaha dalka hasytaa in siyaasiyiinta kale ee la tartamaysa uu uga waramo xaalda dalka iyo ka dibadu halkay maraso uu warbixin uu siiyaa , sidoo kale waxa uu sheegay Gudomiye Fasal in aaanay wali halkaasi iska gaadhin musharaxiintu si ay iminka uun bilaw tahay taas oo uu sheegay in doorasha ay wada leeyihin oo aanay cid gaari lahayn sidoo kale waxa uu shegay in lala qaybsado oo lala ogado halka ay wax marayaan isaga oo arimahas ka hadlayana waxa uu yidhi

” Waa wax caadi ah in ay kulmaan madaxweynaha dalka iyo siyaasiyiinta xilka ka badalaysa ee la tartamaysa oo uu uga waramo xaalda dalka oo ay ka wada hadlaan siyaasada dibada iyo dhaqaalaha arimaha secret ah tiibaad moodaa in ay hada noo bilaabmayso walaw aanaanu heerkaas isla gaadhin hadana kulankayagani waa mid bilaw ah oo dee doorashada waanu wada leenahay oo sadexdayadu waa in aanu wax aanu ku wada midaysanahay oo midkaana dhinaciisa u xaflinayn samynaa oo waa in garoonka lagu baratamayo uu ahaadaa garoon siman taasuunbaanu iminka ka shaqaynaynaa ta kalena way iman doonta ishalaah watacaalaa dee waa in lala share gareeyaa oo lala qaybsadaa wadanka halka xaaladisu marayso maaha in uu xisbi kaliya ku soo koobnaado maaha”

“Xubnaha komishanka waa lixoo mar hadii lixdiiba ay maqan yihiin in aanu dib u soo magacawnaa waxba kuma jabna anagu baritole ayaanu soo magacaabi karnaa maaha in wati lumo waqtibaynu la dagaalamaynaa waa in ay gudiyadii xibiyada la shaqaynaya la sameeyaa waa in dad expet ahi yimaadaan wax naga xumi ma jiraan markaa waa in ugu damabayn khamiista barlamaanka loo geeyaa si loo dhariyo oo ay u shaqo galaan ”

Sidoo kale xubintii ugu dambaysay komishanka oo ahaa gudoomiye kuxigeenka komishanka Mr Cali Maxamed Biikalo ayaa caawa shaaca ka qaaday in uu is casilay waana xubintii ugu damabaysay ee is casisha sida uu gudoomiyuhu sheegayna waxaa lagu dhaqaaqayaa sidii loo soo magacaabi lahaa xubnaha badalilahaa.
Warqabadka togaherer
Hargaysa

No comments:

Post a Comment