Sunday 4 October 2009

DAGAL QARAAR OO MAR LABAAD KA QARXAY DULEEDKA KISMAAYO

DAGAL QARAAR OO MAR LABAAD KA QARXAY DULEEDKA KISMAAYO

ararka ka imaanaya duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in galabta halkaasi uu kadhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Dagaalka oo socday mudo waqti ah ayaa kabilowday deegaanka Birta dheer ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida ay xaqiijiyeen dad war gal ah oo kusugan magaalada Kismaayo.

Qasaaraha dhabta ah ee dagaalkani kadhashay ayaa ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn waxaana lagu waramayaa in dagaalku uu qaboobay fiidnimadii caawa mana jirto ilaa iyo hada cid ka tirsan dhinacyada dagaalamay oo kahadashay qasaaraha dagaalkan.

Magaalada Kismaayo oo ay kusuganyihiin ciidamada Al-Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in uu caawa kajiro dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan oo ciidamadaasi ay wadaan ayado sidoo kalena cabsi dagaal oo aad uxoogan ay magaalada kajirto.

Axmed Kulan

Moqdisho

No comments:

Post a Comment