Wednesday 7 October 2009

TACSI UU MADAXWEYNE RIYAALE U DIRAY EHELADII SULDAAN GURAY.

TACSI UU MADAXWEYNE RIYAALE U DIRAY EHELADII SULDAAN GURAY.

RIYAALE

TACSI

Date: 07/10/09

Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ka tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga somalilandba, geerida naxdinta leh ee ku timi marxuum Suldaan Muxumed Nuur Geele oo ku magac dheeraa (Guray), oo saaka ku geeriyooday magaalada Boorame.

Suldaan Muxumed Nuur, oo da’diisu ay ahayd boqol iyo toban jir, waxa u ahaa salaadiinta caanka ka ah gobolka Awdal, waxana uu kaalin firfircoon ka soo qaatay halgankii gobonimadda Somaliland iyo gooni isu-taagii qaranimadda dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga barbayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumkaas, qoyskii iyo qaraabaddii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan Eebe ka siiyo Inaa lilaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.

Allaa Mahad Leh

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenak madaxtooyadda JSL

No comments:

Post a Comment