Friday 9 October 2009

WAXA LAYSKU HAYAA KURSIGA IIGA DURUG UUN MAAHEE, WAA IN SADDEXDA HOGAAMIYE XISBI… PROF ISMAACIIL MAXAMED HURRE BUUBAA WARAYSI

WAXA LAYSKU HAYAA KURSIGA IIGA DURUG UUN MAAHEE, WAA IN SADDEXDA HOGAAMIYE XISBI… PROF ISMAACIIL MAXAMED HURRE BUUBAA WARAYSI

Published on: Oct 10, 2009 9:04
“Waxa laysku hayaa Kursiga iiga durug uun maahee, waa in saddexda Hoggaamiye xisbi….”

Ismaaciil M. Hurre Buubaa…….WARAYSI GAAR AH BUUBA

“Interpeace waan la kulmay, waxaananu ka wadahadalay….”

Maxaa baajiyay Safarkaagii Hargeysa?

Waa sidee xidhiidhka adiga iyo Madaxda Somaliland?

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa Hoggaamiyeyaasha Axsaabta siyaasadda Somaliland ee tartanku u dhexeeyo u soo jeediyay inay umadda u soo bandhigaan waxyaabaha ay u qabanayaan ee wax ka taraya dhibaatooyinka dalka yaala.
Ismaaciil Buubaa oo xalay isagoo jooga caasimada Kenya ee Nairobi uu khadka Telefoonka waraysi kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu dhinacyada siyaasadda Somaliland ku hambalyeeyay heshiiska ay ka gaadheen khilaafkii u dhexeeyay oo uu sheegay inuu ku yimi rabitaanka dadweynaha. Isla markaana waxa uu ku taliyay in xubnaha Komishanka cusub lagu soo xulo kartida iyo aqoontooda, balse aan lagu soo dooran rabitaan xisbi iyo mid shaqsiyaad. Prof. Buubaa oo xilal sare ka soo qabtay dawladdihii u dambeeyay ee Soomaaliya, marka laga reebo Xukuumadda Sheekh Shariif, waxa uu ka dayriyay xaalada xilligan ee Soomaaliya. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa, waxa uu u dhacay sidan;
Ogaal: Ismaaciil Buubaa, bal nooga waran sida aad u aragto guud ahaan xaalada Soomaaliya?

Buubaa: Runtii, guud ahaan xaalada Soomaaliya haatan waa mid qasan….Markaa waxaa loo baahanyahay in arrimo fara badan laga fiirsado oo dib loogu noqdo. Laakiin, siday arrimuhu maanta yihiin aad bay u kala daadsan yihiin.
Ogaal: Dhinaca amaanka mar la eego, gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya maxaad ka odhan lahayd?

Buubaa: Anigu sidaan u arko, amaanka ugu wanaagsan ee la heli karaa waa mid ka yimaada maamul suuban oo la sameeyo. Amaan Qoriga caaradiisa ku iman karaa, anigu sidaan u arko waan soo tijaabinay oo dhinac kasta waanu iska taagnay, ma dhacayso is afgarasho, maamul hagaagsan marka la helo ayuun baana Amaan la helayaa. Laakiin, inta ka horaysa waxa weeye uun ‘qori qori ku taag’, dee qori-qori ku taagna wax Amaan ah oo marka loo fiirsado ka imanayaana ma jiro, waayo labaataneeyo sannadood ayay arrintaasi taagnayd, wax ay Soomaali ka hayso oo natiijo hagaagsan ahna anigu ma arko. Sidaa darteed, waxa weeye maamulo hagaagsan in la sameeyo, maamulkaasi ku salaysnaado rabitaanka dadka, dabadeedna arrimaha kalena halkaas uun bay ka aasaasmi karaan. Markaa, anigu sidaan u arko government (dawlad) hagaagsan uun baa Amniga keeni karta.
Ogaal: Prof. Buubaa, taas mar aynu ka nimaadno, xaalada siyaasadeed ee Somaliland muddooyinkii u dambeeyay iyo imikaba sideed u aragtaa?

Buubaa: Walaahi dhinaca Somaliland, marka hore waxaan ku hambalyaynayaa saddexda Xisbi ee arrimaha isku hayay, in laga soo degay Geedka dushiisii nin walba taagnaa oo guntii loo soo degay oo la wada fadhiisanayo, markaa horta taasi guul weeyaan, runtiina arrintaasi waxay ahayd rabitaan dadweynaha ka yimi. Iyadoo ay sidaa tahay, arrimihii murkacday ee ahaa dhinicii Diiwaangelinta in si wanaagsan loogu noqdo, laga baaraan-dego oo aan laggu degdegin oo la hubsado Diiwaangelin hagaagsan iyo liisas hagaagsan, kuna salaysan runtii dadku siduu yahay in la dhisto. Waxay ila tahay kolka la helo taas baa muhiim ah, in muddadaa la samaynayo arrimahaa Komishanka si wanaagsan laysula fahmo oo dad xilkas oo karti lagu soo doortay oo aan lagu soo dooran wax kale ama xisbi baa iska jecel qof aanay ku imane, ay dad wax qaban kara in la keeno. Aniga waxay ila tahay arrimahaasi meel wanaagsan bay marayaan, waanan ku soo dhawaynayaa kuna hambalyaynayaa ciddii ka qaybqaadatayba inay arrintaasi halkaa marto.
Shirkadda (Interpeace) ama hay’adda ka shaqaynaysa arrintaas Nairobi waanu isku aragnay, intaan Addis Ababa joogay waanu ka wadahadlay dawladda Itoobiya, dawlado kale ayaanu ka wadahadalay, runtiina waa arrin loo baahan yahay si degen inay wax ku dhamaadaan.
Ogaal: Hay’adda aad is aragteen ee aad arrimahan kulanka ka yeelateen ma Interpeace-ta dalka laga saaray baa?

Buubaa: Haa – qoladii laga saaray waa is aragnay, way iiga warameen dhibaatadu waxay tahay, halka arrimuhu marayaan iyo siday wax ku hagaagi karaan, runtiina waa loo baahan yahay in Interpeace la hawgeliyo haddana iyagii oo khibrad bay u leeyihiin, waayo cid cusub oo imika bilawdaa waxay noqonaysaa meel cusub ka bilaw. Haddii dadka qaarkii uu u arko inay dhibaato arkayaan inay dhibaatooyin lahaayeen ama qof cusub baa laga yaabaa dhibaatooyin buu la soo socdaa oo warba looma hayo, laakiin in wixii laga shaqeeyo oo laga saxo oo la dhamaystiro ayay ku wanaagsan tahay siday aniga ila tahay.
Ogaal: Markaa ma in Interpeace la soo celiyo ayaad ku talinaysaa?

Buubaa: Wallaahi, arrintaasi waxay u taalaa Axsaabta, Xukuumadda iyo hay’addaha ku shuqul leh. Laakiin, anigu wuxuun baan odhan lahaa yaan waxba lagu degdegin, shaqaduna halkii ay ka socotay halaga sii wado. Way jireen qaybo wadanka ka mid ah oo aanay Diiwaangelintu gaadhin, khaasatan dhinaca Bariga, in waqti la siiyo lagu saxo arrintaas oo la soo geliyo….
Ogaal: Waxa jirtay inaad hore u sheegtay inaad Hargeysa imanayso, maxaa safarkaagaa maxaa baajiyay?

Buubaa: Waatii ay arrimo iska yara murkucusanaayeen dhinaca Somaliland, gaar ahaan Hargeysa oo wax la isku hayay (khilaafkii dhinacyada siyaasadda), in aan arrintaa ka dhex muuqdana maan jeclayn….Laakiin, safarkaygu waa sidii, waan soo socdaa, waanan imanayaa.
Ogaal: Laakiin, waqti mucayin ah oo aad Hargeysa imanaysaa kuuma go’na miyaa?

Buubaa: Waan dhadhawahay – aad baan u dhadhawahay. Waxay ila tahay inaan dhaqso u iman doono, insha Allaah bishani intaanay dhamaanba ama aan wax yar ka dambayn doono. Laakiin, waan dhadhahaway, arrimo ii gaar ah oo aan isku hagaajisanayaana way iga dhawdhaw yihiin, markaa waan soo socdaa.
Ogaal: Ma jirtaa wax aad kula talinayso saddexda Hoggaamiye siyaasadeed ee haatan tartanku u dhexeeyo?

Buubaa: Anigu waxaan jeclaan lahaa, saddexda Hoggaamiye Xisbi inay arrimo wax u taraya dadka ay soo hor dhigaan oo ku saabsan waxa ay qabanayaan. Waxyaabaha la isku hayaa Kursiga iiga durug iyo durug uun maahee, waxay weeyaan – wadanka dhibaatooyin fara badan baa hor yaalee siday wax uga qabanayaan, maxaa ka duwan ee cidda Hoggaanka doonaysa inay bedelaan xisbiga xukunka haya, waxyaalaha ay la imanayaan ee siyaasadii wadanka wax ka bedelaysa ee wax u taraysa dadka waa maxay baan odhan lahaa. Laakiin, kollay imika siday wax u wadaan, inay dejiyaan arrinta oo laga soo dego is xag-xagashada, loona soo dego wixii dadka wax taraya ee lagu qaban karayo in ololeyaashaa la soo dhigo ayaa wanaagsan.
Ogaal: Ismaaciil Buubaa, adiga iyo Madaxda siyaasadda Somaliland xidhiidhka idiin dhexeeyaa waa sidee?

Buubaa: Wallaahi, Madaxda siyaasadda aniga iskuma xumin, si toos ah iyo si dadbanbaa intaa waa u xidhiidhnaa, wixii ra’yi ahna kollay waa gaadhsiinaa…..

No comments:

Post a Comment