Thursday 15 October 2009

DUQAYN XOOGAN OO KA DHACDAY SUUQA BAKAARAHA OO SABABTAY DHIMASHO IYO DHAWAC

DUQAYN XOOGAN OO KA DHACDAY SUUQA BAKAARAHA OO SABABTAY DHIMASHO IYO DHAWAC

Waxaa maanta markale duqeyn lala beegsaday suuqa ugu weyn ee magaalada Muqdisho ee la yiraa Bakaaraha oo ay maanta dad shacab ah ku dhinteen kadib markii ay halkaasi ku soo dhaceen dhawr madfac.

Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhintey duqeyntii suuqa Bakaaraha, waxaana ku dhaawacmay 5 ruux oo kale, ayadoo waqooyiga suuqaasi ay maanta kusoo dhaceen ugu yaraan 4 madfac.

Duqeyntan ayaa kusoo beegantay xili ay maanta magaalada Muqdisho ka dhaceen iska horimaadyo dhexmaray ciidamada AMISOM iyo maleeshiyooyinka kooxaha kasoo horjeeda dowlada.

Kooxo hubeysan ayaa maanta weerar kooban ku qaaday xarunta Ciidamada AMISOM ee kasoo jeeda Burundi ee fadhigoodu yahay Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad.

Iska horimaadkaasi ayey sheegeen ciidamada AMISOM inuu ahaa mid kooban oo ay rasaas kusoo tureen kooxo hubeysan kadibna baxsadeen.

Ciidamada Burundi ayaa wax laga weydiiyey in duqeyntii maanta ka dhacday suuqa Bakaaraha ay jawaab u ahayd weerarkii ayaga maanta lagu qaaday.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inaysan jirin wax duqeyn ah oo ay ku qaadeen suuqa Bakaaraha, asagoo sheegay in weerarkii lagu soo qaaday iyo duqeyntii suuqa aysan isku xirneyn, asagoo intaa ku daray ineysan la socon cida duqeysay suuqa Bakaaraha.

No comments:

Post a Comment