Thursday 15 October 2009

AL-SHABAAB OO LUG IYO GACAN JARAY WIIL DHALINYARO AH

AL-SHABAAB OO LUG IYO GACAN JARAY WIIL DHALINYARO AH

Al Shabaab ayaa Galabta Xukun Gacan iyo Lug goyn ah ka fulisay degmada Kaaraan Waqooyiga magaalada Muqdisho oo kamid ah meelaha ay Al- Shabaab ka maamusho magaalada Muqdisho.

Dhacdadaan oo galabta ka dhacday Duleedka degmada Kaaraan ayay kasoo qayb galeen Mas’uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab iyo Kumanaan Dadweyne ah oo usoo daawasho tegay in ay daawadaan Xukun Gacan iyo Lug is dhaaf ah looga gooyay Nin Dhalinyara ah.

Al Shabaab waxay sheegtay in Ninka Lugaha iyo Gacmaha laga jaray uu Isbaaro u dhigtay Dad Musaafur ah islamarkaana uu ka qaatay Lacag adag iyo Dhar ay Dadkaasi lahaayeen, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir u qaabilsan Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo shacabka meel fagaara ah kala hadlayay ayaa sheegay in ay sii wedi doonaan fulinta xukunada Islaamiga ah xataa hadii ay arinkaas ka diidaan dowladda KMG ah iyo Culimada kale.

Goobta Lugta iyo Gacanta looga jaray Wiilka Dhalinyarada ah waxay aheed Isbaaradii Muuse Suudi uu Gaadiidka uga qaadi jiray Lacagaha Baadda ah, Shacabka degmada Kaaraan oo aan weligood arkin Gacan goyn ay Shabaab samaynayso ayaa Galabta Indhahooda ku arkay Nin Lugaha iyo Gacmaha laga jarayo.

bayaanka-maxkamadda-shabaab

Axmed Kulan

Moqdisho

No comments:

Post a Comment