Friday 2 October 2009

DOONI LAGA LEEYAHAY DALKA SPAIN OO U GACAN GASHAY KOOX BUDHCAD BADEED SOMALI AH.

DOONI LAGA LEEYAHAY DALKA SPAIN OO U GACAN GASHAY KOOX BUDHCAD BADEED SOMALI AH.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa waxa ay gacanta kudhigeen dooni laga leeyahay wadankaasi Spain doonidaasi oo ah nooca kalluumeysiga.

Sida ay baahisay idaacad maxali ah oo kahowlgasha dalkaasi Spain ayaa ayada oo soo xiganeysa sarkaal katirsan Ciidamada Badda ee dalkaasi Spain ayaa waxa ay xaqiijisay in kooxo Burcad Badeed ah ay maanta gelinkii hore afduubteen doonidan kalluumeysi kana afduubteen gudaha Badweynta Hindiya xili ay kugudo jirtay howlo kalluumeysi.

Doonidan oo lagu magacaabo Alakrana ilaa hada faah faahin dheer dheeri ah lagama bixin qaabka loo afduubtay iyo shaqaalaha saaran tiradooda inta ay la egtahay iyo dalalka ay u dasheen waxase lasheegay in doontan laga leeyahay gobol kuyaala waqooyiga dalkaasi Spain.

Wasaarada arimaha dibadda ee dalkaasi Spain ayaan iyadu ilaa iyo hada wax war ah kasoo saarin arinta waxaase ay sheegtay inay wado baaritaan ku aadan qaabka uu afduubka udhacay.

Baashe Maxamed
Bosaso

No comments:

Post a Comment