Friday, 2 October 2009

XISBUL ISLAAM OO SHEEGAY IN AY JAWAAB DEG DEG AH KA BIXIN DOONAAN DAGAALKII SHALAY KISMAAYO KA DHACAY

XISBUL ISLAAM OO SHEEGAY IN AY JAWAAB DEG DEG AH KA BIXIN DOONAAN DAGAALKII SHALAY KISMAAYO KA DHACAY

Ayadoo shalay ay Xarakatu Shabaab Al-Mujaahidiin ay beeniyeen in dagaalkii kadhacay magaalada Kismaayo ay lagaleen ururka Xisbul Islaam ayaa saraakiil u hadashay ururkaasi isla markaana kahadashay dagaalkii shalay ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay wararkaasi kasoo yeeray saraakiisha ururka Al-Shabaab.

Ismaaciil Xaaji Cadow oo katirsan xafiiska warfaafinta ee Xisbul Islaam oo goor dhoweyd shirjaraa,id kuqabtay Hotelka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii maalin nimadii shalay kadhacay magaalada Kismaayo uu udhaxeeyey ayaga iyo ururka Al-Shabaab isla markaana uu ahaa mid ayaga dhankooda loogu soo gardarooday.

dagaalkuna wuxuu udhaxeeyay inaga oo Xisbul Islaam ah iyo Al-Shabaab”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ismaaciil Xaaji Cadow

Waxa uu sidoo kale tibaaxay in guud ahaan madaxda sare iyo golayaasha ururka Xisbul Islaam ay iska arkeen arinta kadhacday magaalada Kismaayo ayna kaqaateen go,aan mideysan kaasi oo ah inay jawaab deg deg ah kabixiyaan talaabadii shalay dhankooda dagaalka loogu soo qaaday.

Shalay ayey ahayd markii magaalada Kismaayo uu kadhacay dagaal udhaxeeya ururada Al-Shabaab iyo Xisbul islaam dagaaladaaso ay kudhinteen in kabadan 15 qof kudhowaad 60 kalena ay kudhaawacmeen waxaana hadalka hada kasoo yeeray ururka Xisbul Islaam mas,uuliyiintooda oo kaduwan kii shalay kasoo yeeray Xarakatu Shabaab Al-mujaahidiin ayaa muujinaya in colaada iyo xiisadaha dagaal ee udhaxeeya labadaasi dhinac ay taagan yihiin.

Kismaayo oo cirifka koonfureed ee Soomaaliya marka laga soo tago oo gudaheedu ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab duleedkeeduna ay kusuganyihiin Xisbul Islaam ayaa hadana waxaa jira magaalooyin kale iyo gobolo kale oo ay wada joogaan Maleeshiyaad kala taabacsan labada dhinac meelahaasoo ay cabsi kajirto waxaana suurto gal oo aanan lama filaan noqon doonin in meel walba oo dhinacyadaasi wada joogaan uu dagaal ka bilowdo.

Axmed Kulan
Moqdisho

No comments:

Post a Comment