Friday 2 October 2009

CIIDAMO TAABACSAN DAWLADA KUMEEL GAADHKA OO KA SOO TALAABAY XADKA KENYA

CIIDAMO TAABACSAN DAWLADA KUMEEL GAADHKA OO KA SOO TALAABAY XADKA KENYA

Wararka aanu ka heleyno ilo lagu kalsoonaankaro ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa sideedii habeenimo ay sheegayaan in ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ay ka soo talaabeen xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamadan oo sita dareeska ciidanka Soomaalida lagu arkay xadka iyagoo kasoo talaabaya.

ilowareedyada halkaasi aanu kala xiriirnay Xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in ciidankan ay yihiin kuwa dhawaan tababaro kusoo dhameystay dalka Kenya waxaana caga sahanka ciidankan ka saacidaya ciidamada dowladda Kenya oo baryahan dambe aad uga welwelsaneyd dhaqdhaqaaqyada ururo diimeedka ka jira Jubooyinka oo ay darisla tahay Kenya.

Sida ay ilowareedyadu inoo sheegeen waxaa ilaa iyo hada la ogeyn in ciidankaasi ay kusoo wajahan yihiin magaalada weyn ee Kismaayo oo uu ka taliyo ururka Al-shabab Al-mujaahidiin, waxaana sidoo kale weli cadeyn heerka uu la egyahay xaga wada shaqeynta ciidankan ka socda dowladda KMG ah iyo maleeshiyaadka taabacsan Axmed islaam, iyadoo ay horey Al-shabab ugu eedeeyeen in uu Axmed islaam xiriir la’lahaa dowladaha dariska iyo tan kumeelgaarka.

Hadaba dhaqdhaqaaqyada ciidanka dib ayaan idiinkala soo socodsiindoonaa marka ay inoo suura garasho inaan helno saraakiisha hogaamineysa ciidanka dowladda KMG ah.

Xagasho Diirada.

No comments:

Post a Comment