Sunday 4 October 2009

DHAQAAJINTA HAWLAHA SOMTEL(DAHABSHIIL) OO DHUR-SUGAYSA QABSOOMIDA DOORASHADA.

DHAQAAJINTA HAWLAHA SOMTEL(DAHABSHIIL) OO DHUR-SUGAYSA QABSOOMIDA DOORASHADA.

Dhaqaajinta Hawlaha SOMTEL (Dahabshiil) oo ka Dhur-sugaysa Qabsoomida Doorashada. W/Q. Abshir Askar.

Muwaadin Ma ogtahay In shirkadda Dahabshiil ay ku Dhex milantay saaxadda Xafiiltanka Xisbiyadda Qaranka?. W/Q. Abshir Askar Mohamed.
SOMTEL
Intiinii la socotay qormadii aan hore idiinku soo bandhigay ee cinwaankeedu ahaa maxad ka taqana habka shaqaalaysinta shirkada caanka ee dahabshiil???
waxa aynu kasoo hadal-nay habka xulashada ama shaqaalaysiinta Shirkadda Caanka ah ee Dahabshiil ay ku xulato Mararka ay qaadanayso shaqaale cusub, taasoo inta badanku salaysan Hab dadban ama garasho iyo casabiyadi ku lamaantahay. haddaba waxaan maantana waxa aynu soo qaadan doonaa Qoddob kale oo muddooyinkii u dambeeyay la soo gudboonaaday shirkadda Dahabshiil iyo Waaxeeda kala duwan ee Ganacsiga, kaasoo ah in siyaasadda Ganacsiga ee Maamulka Shirkadu uu wakhtigan ku dherersan yahay ama la meeqaam noqday Siyaasadda dalka ka jirta iyo Xafiilatan u dhexeeya Axsaabta qaranka.

Dahabshiil waxa ay ku jirtaa Ganacsi Darafyo kala duwan u Qaybsan (Multi Dimensional Sectors) sida Xawaalada (Remitance), Soo dejinta Badeecada iyo Bagaashka kala duwan, Qalabka Dhismaha iyo weliba qoddobka ugu muhiimsan ee ay wakhtiyadan danbe ku hawlan tahay oo Ah fidinta Adeeg cusub oo isgaadhsiineed (Somtel).

Haddaba akhriste waxa dhacday Muddooyinkii u dambeeyay in Maamulka Shirkadda Dahabshiil Xooga saaray muujinta Qaybta isgaadhsiinta iyada oo uu si dhakhso ah loo hirgeliyay Dhismayaashii iyo qalabkii ay ku hawl geli lahayd somtel, waxa intaa dheer in Shaqaale hoosaadyada iyo dadka ku dhawdhaw shirkada loo qaybiyay Mobilo iyo Telefoono casri ah taas oo looga gol leeyahayin Mar kali ah suuqa ay gasho shirkadu, isla markaana tartan iyo xafiilatan cusub ay la samayso shirkadaha kale ee isgaadhsiinta. midda Meesha ku jirtaase akhriste waxa weeye haddii Dahabshiil wadani yahay in suuq furan oo aan tartan lahayn inuu maalgashado, tusaale ahaan sida warshadda sibidhka iyo kuwo kale oo looga baahi badan yahay tartankan uu galay. waayo waxa muuqata in aanay jirin duruuf shacbiga ku kalifta baahi isgaadhsiineed, ee ay jirto baahi waxsoosaar iyo horumar kale.

Mida kale, Dahabshiil haba Hirgaliso Isgaadhsiin, waxa is weydiin leh Sababta xadhiga uu uga jari la’yahay Shirkada uu ku ballan qaaday ee Somtel oo xataa ay dhan yihiin Shaqaallihii ka hawl gali lahaa, taasoo tiraba dhawr jeer dib u dhacday. Dadka u dhuun daloola Arrimaha Shirkadaasi ayaa dib u dhacyadan ku tilmaamay in ay jirto Dabar siyaasadeed oo shirkada ku kalifaya in uu ka tilmaan qaato wacyiga Siyaasadeed ee wakhtigan dalka ka jira, taasoo ay ku lolamayaan xisbiyo Mucaarad iyo Muxaafad ah. Waxaana shirkadda Dahabshiil ka dhur sugaysay beryahanba Muddoyinkii loo Cayimay in doorashada Madaxtooyada la qabtoo o dib u dhacday, taasoo ay ku xisaabtamaysay in Haddii laga guulaysto Xisbiga talada hadda haya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Daahir Rayaale, oo ay Xisbiyadda Mucaaradka ah (KULMIYE iyo UCID) Midkood hogaaminta ku guulaysto uu Maamulka shirkaduna dhakhso u Shaacin doono Bilowga dhaqaajinta hawlaha Shirkadda Telefoonada SOMTEL, isla markaana uu labada Xisbi Mucaarad Midkood Gorgortan kala geli doono dhiiri gelinta Adeega ay Bixinayso shirkadu.

Mida labaaad ee la dhaadan yahay halka ayka soo jeedaa waxa ay tahay Horta yaa leh Dhaxalka SOMTEL?….. ……la soco qaybta Sedexaad ee Maqaalkan.

Economist Abshir Askar Maxamed
Graduate Student of University of Hargeisa
abshiraskar@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment