Sunday 4 October 2009

DALLADA TOSSA OO SOO GAADHSIISAY QALAB CAAFIMAAD OO KALA DUWAN CUSBITAALKA DHEXE EE MAGAALADA LAASCAANOOD GOBOLKA SOOL

DALLADA TOSSA OO SOO GAADHSIISAY QALAB CAAFIMAAD OO KALA DUWAN CUSBITAALKA DHEXE EE MAGAALADA LAASCAANOOD GOBOLKA SOOL

Oct 4, 2009 18:18
news
Qalabkan deeqada caafimaadka ah ee la gudoon siiyey maanta cusbitaalka dhexe ee magalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa waxaa sooo gaadhsiiyey dallada lagu magacaabo TOSSA ee ay ku bohoobeen ururada gobolada Gogdheer,Sool,Sanaag ee bariga somaliland.

ugu horayntii ayaa waxaa halkaas oo agaasimaha urukaasi iyadoo halkaasi ka sheegtay inay maanta cusbitaalka laascaanood soo gaadhsiiyeen deeq ah qalab caafimaad oo muhim ah kaasi oo ka kooban qalabka loogu talo galay hawsha qaliinka iyo waliba qalab isna loogu talo galay qaybta Emergency-ga ee cusbitalkaasi.

Isku duwaha caafimaadka ee gobolka sool DR Muuse Geelle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu cusbitalku qabo baahiyo fara badan oo aan la so koobi karin taasi oo ay ugu horayso iyadoo uusan cusbitaalku helin wax taageero joogta ah islamarkaana shaqaalaha cafimaadka ee ka hawl gala cusbitalka aysan helin wax mushahar ah ilaa iyo bishii march.

sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mida masuuliyiinta maamulka gobolka sool oo dhamaantood sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dalada tossa soo gaadhsiisay qalabkan caafimaad cusbitaalka magalada laascaanood kaasi oo ah mid si wayn loogu baahi qabay.

Ugu dambayntii xaallada cusbitaalka dhexe ee magalada laascaanood ayaa waxaa ay tahay mid aan wanaagsanayn ka dib daryeel xumo badan oo la soo daristay iyadoo waaxyo badan oo ka mida qaybha cusbitaalka aysan shaqayn marka laga reebo qaybta TB-da oo iyadi si joogta ah u shaqaysa.

Wariye axmed Saakin Faarax warsame
Togaherer/lasanod
axmedsaakin@hotmail.com

No comments:

Post a Comment