Thursday 1 October 2009

TIRADA KU DHIMATA SHIL-BAABUUR DALKA MARAYKANKA OO BATAY

TIRADA KU DHIMATA SHIL-BAABUUR DALKA MARAYKANKA OO BATAY

Oct 1, 2009 13:35
DG-Car-accident-2-768x1024
Xoghayaha Gaadiidka ee wadanka Mareykanka Ray LaHood ayaa maalinimadii Shalay wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in la helo Hab cusub oo looga badbaado koro sii Siyaadaya Shilalka Baabuurta, iyadoo sanadkii aynu dhafnay oo kaliya 5,800 oo qof ay ku dhinteen shilalka Baabuurta.

Masuuliyada shilalkaasi ayaa lagu sheegay in darawalada gaadiidka ay ku guuldareysteen inay si indho furan u eegaan wadooyinka gawaadhida.

LaHood ayaa ka hadley shir laba maalin socotey isago oo sheegay in ku hadalka telefoonada gacanta (Mobile) iyo fariimaha gaagaaban ee Mobilada (SMS) ay yihiin kuwa ugu badan ee ka leexiya wadaha gaadhiga dareenkii ama maskaxdii gaadhiga uu wado.

“Sida runta ah walaac ayaa ka soo siyaadayada wadida gawaadhida ee bulshada, waxaana aaminsanahay inay ka sii darayso sanad kasta” ayuu yiri Ray LaHood xoghayaha gaadiidka ee wadanka Mareykanka.

Tirada dhimashada dadka ku geeriyoodey shilalka gawaadhida ayaa waxaa shirka ku soo bandhigtey Hay’ada Amaanka Wadooyinka iyo safarada ee Qaranka National Highway Traffic Safety Administration (NHTSA), taasi oo sheegtey in 5,800 oo qof ay ku dhinteen shilalka gawaadhida wadooyinka halka ay ku dhaawacmeen shilalkaasi 515,000 oo qof sanadkii la soo dhaafay oo kaliya.

Shilalkaasi ayaa waxaa la sheegay inay intooda badan dhaceen iyadoo wadayaasha ay ku jiraan xiliga Baabuurta ay wadaan cunto cunid, la hadal dadka kale ee rakaabka ah ee gaadhiga saran, ku hadal telefoonada gacanta iyo qorista ama aqrinta telefoonada gacanta, taasi oo wadada ka dhumisa awoodii xukumida iyo wadada gaariga.

Dhimashada shilalka gawaarida ayaa korortey 11% marka la barbar dhigo sanadkii 2004-tii sanadkii la soo dhaafay 2008-dii, waxaana waadayaasha gawaarida ee da’doodu ka hoosayso 20-ka sano, ayaa waxaa la sheegay in 16% ay yihiin dadka ku dhintey ama ku dhaawacmey shilalkaasi.

Xafiiska Wararka ToggaHerer
Islamabad,Pakistan

No comments:

Post a Comment