Tuesday 13 October 2009

ALSHABAAB OO DIL TOOGASHO AH KU XUKUNTAY MADAXDA XISBUL ISLAAM

ALSHABAAB OO DIL TOOGASHO AH KU XUKUNTAY MADAXDA XISBUL ISLAAM

Al-shabaab Oo Dil Tuugasho Ah Ku Xukuntay Madaxda Xisbul-islaam.

Warar Waafiya oo ka imanaaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay u qaybiyeen warqado digniin ah 15-ka xubnood ee ugu sareeya ururka Xisbil Islaam. Waraaqahan digniinta ah oo loo geeyey 15-ka xubnood ayaa waxa ku qornaa in ragaas ay iska bixiyaan wixii dayn ah ee lagu leeyahay una dardaarmaan Ubadkooda iyo ehelkooda. Waxa kale oo warqadahaas ku qornaa in ragaas uu wakhtigoodii dhamaaday, Malakul-Mowdkiina uu hortaaganyey. Dhamaan ragaas ayaa ka guuray guryihii ay ka daganaayeen Muqdisho waxayna dageen goobo ciidan oo ay dagan yihiin maleeshiyaadka Xisbul Islaam. Sh. Cumar Iimaan ayaa ka mid ah ragga ka guuray gurigiisii oo ay hadda ilaalo ka yihiin maleeshiyaad ay Jifo hoose yihiin,kadib markii la arkay maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo gaaf wareegaya gurigiisa.

Lama xaqiijin ilaa iyo iminka in magacyadaas uu ku jiro Dad-dil Xasan Daahir Aweys, waxayse u badan tahay in uu ka mid yahay maadaama Cumar Iimaan oo hada howl-gab ah uu ku jiro xubnaha digniinta la soo gaadhsiiyey. Khilaafka u dhexeeya labada urur ee xasuuqa ku caan baxay ayaa maraya halkii ugu saraysay, saameeyeyna meelo badan oo ay kala joogaan taageerayaashoodu. Laba maalmood ka hor ayey ahayd markii Magaalada Burco lagu Budheeyey oo nabar culusna loo gaystay wadaad taageersan Xisbul Islaam oo eedayn u soo jeediyay Al-Shabaab, kuna sheegay in ay yihiin Khawaarij banaystay dhiiga Muslimiinta,Wadaadka la faro-saaray ee reer Burco ayaa la sheegay in uu ahaa Ku-xigeenkii hore ee Sheikh Mohamed Idris ee Ururka Al-ictisaam. Al-ictisaam ayaa ah Urur Gabood u ah Al-itixaad.

Dhinaca Muqdishu waxa lagu dilay dhowr nin oo ka tirsan horjoogayaasha Xisbul Islaam. Argagixisada Al-Shabaab ayaa u muuqda kuwo ka dhabaynaaya hal ku dhigeedu ahaa“Ama Shabaab, Ama Shacab, Ama Shariifka”oo loola jeedo in aanu jirin wax u dhaxeeya sadaxdaas kooxood, in Shabaab la noqdo, ama Shacab la noqdo, ama Shariifka lagu biiro.

shabab ixbsi islam

By: Osman Abdillahi Sool…Freelance Journalist

No comments:

Post a Comment