Thursday 15 October 2009

GARAAD JAAMAC OO WEERARAY SOMALILAND IYO BAASHE MAXAMED OO ISNA HANJABAAD UGU JAWAAB CELIYEY.(AUDIO)

GARAAD JAAMAC OO WEERARAY SOMALILAND IYO BAASHE MAXAMED OO ISNA HANJABAAD UGU JAWAAB CELIYEY.(AUDIO)

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa maanta si kulul u weeraray Somaliland, wuxuuna ku hanjabay dagaal.

Waxa uu garaadku hadalkaa yidhi ka dib markii uu dhamaaday shirkii beelaysnaa ee ka socday Nairobi .

Garaadka oo bbc da uwaramaayey ayaa waraysigiisaa ku sheegay in Laas Caanood iyo Buuhoodle ay tahay in ay ka baxaan ciidammada Somaliland, haddii ay taasi dhici weydana ay Somaliland mas’uul ka noqoneyso wixii dhaca.

Warkan wuxuu sii daayay ka dib markii Nairobi lagu soo geba gebeeyay shir u socday beelaha Bariga Soomaaliland mid ka mid ah oo isagu Garaad u yahay.

Garaad Jaamac wuxuu ku tilmaamay in arrintu aanay ahayn qabyaalad la isku hayo, ee ay isaga iyo dadka uu Garaadka u yahayba ay ka soo horjeedaan kala go’idda Soomaaliya.

Hadaba garaadka waraysigiisii oo dhamays tiran hoos ka dhagayso.

GARAAD JAAMAC GARAAD CALI OO WEERAY SOMALILAND WARYSIGIISI SI AAD U DHAGAYSATO (FADLAN GUJI LINKS KAN)

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada ee Somaliland Baashe Maxamed, ayaa ku gacan sadhay hadalka Garaadka.

Waxaa uu ku tilmaamay in Garaadku uu yahay isaga Garaadkiisii Wuxuuna aanuu hadalkaasi ahayn hadal garaad se hadii uu joojin waayo hadaladaa uu wado ay arintu xumaan doonto oo ay noqdoonto (Ninkii walaanyaw lagu sii daa)

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aanuu Hargeysa u shaqo tegin ee Hargeysa ay tahay dalkiisii yahayna xildhibaan Dhulbahante oo uu dhulbahante u joogo meesha .

Xaga hoose ka dhagayso hadalada Baashe oo dhamays tiran

GUDOOMIYE KUXIGEENKA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO U JAWAABAY HADAL KA YEEDHAY GARAAD JAAMAC(SI AAD U DHAGAYSTO FADLAN HALKAN GUJI)

No comments:

Post a Comment