Saturday 17 October 2009

Quraanka iyo Cilmiga uurjiifka (Embryology).

QURAANKA IYO CILMIGA UURJIIFKA (EMBRYOLOGY)

Filed under: News Somali — Togaherer Team @ 21:24 Edit This

Published on: Oct 17, 2009 @ 21:24

Quraanka iyo Cilmiga uurjiifka (Embryology).


Xubno ka tirsan haayada icjaaska cilmiga quraanka iyo xadiiska ayaa la kulmay mid ka mid ah saynisyahanada dunida ugu caansan ee looga dambeeyo cilmiga barashada qaabdhismeedka jidhka bani aadamka (anatomy) iyo cilmiga barashada uurjiifka (embryology), oo magaciisana la yidhaahdo Professor Keith Moore.

Professor Moore waxa uu qoray buugga uu magaciisu yahay “The developing human”. Professor Moore waxa uu cilmiga barashada qaabdhismeedka jidhka iyo cilmiga barashada unugyada ka dhigaa jaamacada Toronto, oo uu ka ahaa hormood ku xigeenka waaxda sayniska aasaasiga ah oo ka tirsan qaybta culuumta caafimaadka. Muddo siddeed sanno ahna waxa uu ahaa guddoomiyaha waaxda barashada qaabdhismeedka jidhka.

Professor Moore waxa uu hore uga soo shaqeeyay jaamacada Winnipeg muddo dhan 11 sanno, sidoo kale waxa uu guddoomiye u noqday ururo badan oo caalami ah, oo ay ku jiraan aqoonyahanada ku takhasusay barashada qaabdhismeedka jidhka iyo golaha ay ku midoobeen aqoonyahada ku xeel dheer cilmiga barashada noolaha (biology).

Professor Moore waxa uu sidoo kale xubin ka noqday ururada ay ka mid yihiin:

  1. Royal medical association of Canada
  2. The union of American anatomists
  3. The union of north and south American anatomists

1984-kii, Moore waxa uu helay abaalmarintii u sarraysay ee waligeed laga bixiyo Kanada (Canada) ee qaybta la xidhiidha cilmiga barashada qaabdhismeedka jidhka oo ah “ J C B Grant Award”, abaalmarintan waxa guddoonsiiyay ururka ay ku midoobeen dadka yaqaana cilmiga barashada qaabdhismeedka jidhka (anatomists), Moore waxa uu daabacay buugaag badan oo ku saabsan “Clinical anatomy” iyo “Barashada uurjiifka ( Embryology)”, siddeed ka mid ah buugaagtaas waxa loo adeegsadaa tixraac ahaan marka la joogo iskuulada caafimaadka, waxaana loo turjuma lix luqadood.

Buuga uu magaciisu yahay “The developing human” ee uu qoray Professor Keith Moore waxa loo turjumay siddeed luqadood oo ay ka mid yihiin afka Ruuskha, Shiinaha, Jabaanka, Talyaaniga, Boortaqiiska iyo luqada Yuguslaafiya, buuggani waa buug caalamka ugu baahay si xoog badan oo ay akhriyaan qaar ka mid ah saynisyahanada adduunka ugu caansani, buuggan waxa loo isticmaalaa tixraaca shaqada sayniska. Guddi gaar ah oo Maraykanka joogta ayaana buuggan u dooratay in uu yahay buugga ugu wanaagsanaa ee uu mawduucan ka qoro qore kali ahi.

Professor Moore waxa haddaba la kulmay xubno ka tirsan haayada icjaaska cilmiga quraanka iyo xadiiska, waxaanay xubnahaasi u dhiibeen aayado badan iyo axaadiistii nabiga( naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) oo la xidhiidha takhasuska Moo ee cilmiga barashada uurjiifka (Embryology).

Professor Moore waxa qanciyay daliiladii caddaanka ahaa ee ku jiray aayadahaas quraanka ah iyo axaadiistaas, kadiba xubnihii ka socday haayada icjaaska cilmiga quraanka iyo xadiiska ayaa waydiiyay Moore su’aal ah “ waxa aad ku sheegtay buugaaga in waqtiyadii dhexe aan laga samayn wax horumar ah cilmiga barashada uurjiifka, oo aqoon yar uun laga haystay cilmiga barashada uurjiifka xilligaas, waqtigaasna quraanka ayaa lagu soo dajinayay Nabi Maxamed, nabiguna waxa uu dadka ku hagayay waxyiga Alle, quraankana waxa laga helaa sharaxaad badan oo ku saabsan abuurka dadka iyo marxaladaha kala gadisan ee koritaanka bani aadamka, adiguna waxa aad tahay saynisyahan caan ka ah dunida, ee maxaad caddaalad u samayn wayday oo aad runtan ugu xusi wayday buugaaga ?”.


Professor Moore waxa uu ku jawaabay “Idinka ayaa daliilkaa haya, ee anigu ma hayo, ee maxaad idinku daliilkaas noogu keeni waydeen ?”. Kadibna waxa ay xubnihii ka socday haayada icjaaska cilmiga quraanka iyo xadiisku siiyeen Professor Moore caddaymo.

Daabacadii saddexaad ee buugga “ The developing human”, waxa uu Professor Moore ku daray qoraalo, isaga oo ka hadlaya xilliyadii dhexe waxa uu Moore buuggiisa ku qoray

“ Koritaankii saynisku waxa uu ahaa mid gaabis ah intii lagu gudo jiray xilliyadii dhexe, qodobo sare oo yar oo ku saabsan baadhitaanka cilmiga barashada uurjiifka oo xilligaas la qaaday ayuun baynu hadda ognahay, qodobadaasina waxa ay ku jiraan quraanka oo ah buugga (Kitaabka) barakaysan, qodobadaasina waa in bani aadamka laga abuuro dhiiqyo (secretions) isku jir (mixture) ah, oo ka yimaada labka iyo dhadiga, dhar tixraac ayaa loo sameeyay ka abuuritaanka bani aadamka ee dhibicda manida ah, sidoo kale waxa la soo jeediyay in noolaha abuurmayaa uu dago haweenka dhexdooda sidii siidh ama iniinyo oo kale.

Quraanku waxa uu sidoo kale caddaynayaa in dhibicda manida ahi ay isu badasho xinjir dhiig ah (ilmaha la beeray iyo dhiciskubana waxa ay u ekaadaan xinjir dhiig ah), tixraac ayaa sidoo kale loo sameeyay in Ilmuhu u egyahay lulumaha muuqaal ahaan, uurjiifka waxa sidoo kale la yidhaahdaa waxa uu u egyahay “qabcad walax ah oo la calaaliyay”.


Wixii talo, tusaale, toosin, iyo tilmaan ah ee ku saabsan mawduucan ku soo hagaaji


Siciid Maxamuud Gahayr

Education and Research Academy “ERA”

002522 4428604

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa

No comments:

Post a Comment