Wednesday 14 October 2009

ADEER SIILAANYO: HADII ILHAAN AANAY SHURUUDII BUUXIN DEE FIHIIMABA KEEN YAAN DOORASHADU DIB KAAGA DHICINE.

ADEER SIILAANYO: HADII ILHAAN AANAY SHURUUDII BUUXIN DEE FIHIIMABA KEEN YAAN DOORASHADU DIB KAAGA DHICINE.

DHAMAAN DADKAYGOOW WAAN IDIN SALAAMAY ASALAAMU CALAYKUM

Hore aan uga socdee, waxa isku tuur tuur gashay Xubin kulmiye usoo magaacabay inay u matasho Komishanka cusub iyadoo ka gudbi wayday shuruudii lagu xidhayay xubinkastaa inay buuxiso. Yaa bilaabay hadaba isku tuur tuurka Marw Ilhaan???????? Waxa la socotaan inuu Rayaale soo celiyay inantii isagoo u maray dariiqii lagu eegayay dhamaystirka shuruudahan carabkana ku dhuftay inay Ilhaan tahay xubin aad u culus oo kulmiye ah. Umuu arag Gudoomiye Siilaanyo talaabadan mid qancisa ee inantii dib ayuu ugu celiyay Madaxweynaha halkaasi waa halkii isku tuur tuurku ka bilaabmay.
Waar ilmaadeerayaaloow way jirtaa in qofba xisbi taageero ee yaynaan dhinac marin dariiqa sharciga iyo distoorka waa iga waano inta taagtay.
Maanta dawladeena iyo Xooga shacabkeenu waa aragtaan falalka Argagaxiso ee ay gacanta ku dhigtay ee burco iyo Hargeisa ninkaa lagu hayo waa wax lagu farxo waa haybada nabada lagu garto waa xudunta xasiloonida iyo feejignaanta lagu garto, inaynu xoojino ayaa loo bahan yahay oo doorashadana aynu ka saarno suuldaarada aan micnaa lahayn.
MUDANE SIILAANYANA WAXAAN LEEYAY: ADEER HADII LASOO CELIYAY ILHAAN DEE FIHIIMABA KEEN BAL AANU KULA ARAGNO IN MADAXWEYNUU DIIDEE. Hadii ay kugu adagtay badalka marwo ilhaan ase shuruudii aanay buuxin,dee waxaad kalifaysaa Gudoomiye inay doorashadii jiciirato taasna uma baahnin runtii cida ay u dantayna waa idinka oo mucaaridka ah oo u tartamaya doorashada madaxtooyada. Maanta aan midhkale idiin saafee dadweynoow, dadbaa mooda inaan UDUB sida biyaa u cabay laakiin maaha ee waxaan ku jeclaaday xisbigani waa bahweyn ka kooban beelihii somaliland oo dhan. Nin yidhi suufi ayaa lay yidhaana waxaan leeyay INAADEER MAQAALADA SHAQSIGA LOOGU JAWAABO WAA LAGU SIQIIRAAYE HADAAD ADIGU NIMAN U QIIRAYSANTAY ANA QAARBAAN QUSHUUCSANAY. waxa kaloon kuu laqimayaa in dadkii qaxay dagaalkii 1988 oo dhami sheegteen MUJAAHID.

WA BILAAHI TAWFIIQ

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com
Mobile# +974-665980

No comments:

Post a Comment