Thursday 1 October 2009

WAXAAN ODHAN LAHAA SAWIR KUR LIBAAX HALAGA DHIGO ASTAANTA GOBOLKA OODWEYNE.

WAXAAN ODHAN LAHAA SAWIR KUR LIBAAX HALAGA DHIGO ASTAANTA GOBOLKA OODWEYNE.

Ugu horayn waxaan salaamaya bahweynta shabakadaa somaliland iyo xukumada iyo shacabka oo dhan gude iyo qurbaba.
Hadaan u gondadago ujeedada hawraartayda waxa aad u qaaliya in ay gobalada oo dhami yeeshaan Astaamo kala duwan
kuwaas oo lagu kala saarayo hadba gobolkastaa calaamada u gaarka ah ee aanay la wadaagin kuwa kale. Dhinaca kale hadaynu ka eegno waxay tani inaga caawinaysaa in xiliga doorashada la galayo ay komishanka qaranku sameeyaan liis gobolada ah oo awalba la samayn jiray laakiin muujinaya gobolkasta calaamadiisa ama astaantiisa gobolnimo isla markaana la raacin karo waxii macluumaada sida inta ku nool,halka uu dalka kaga yaal iyo wixii la midaba.

Waxa xusuus iyana mudan in deeq bixiya yaasha (International Electoral Investors) iyo goobjooge yaasha caalamiga ee doorashooyinkuba (International Election Observors) ay si fudud u dheehan karaan una garan karaan gobolkasta calaamadiisa.

Kolay muwaadinkasta waa looga fadhiyaa wax ku kordhinta dalka waxii ka qabyo ah oo qaran hadaad maqasho waa qoysas ama qabiilo isu yimi qoysaskaasina shaqsiyaad ayay ka koobanyihiin markaa waanu soo dhawaynaynaa muwaadinkasta fikirkiisa ku salaysan wax dhisid.

Waxaan ka cudur daaranayaa ama Waxa laga yaabaa inay dad is yidhaahdaan maxuu ku ilaaway gobolada kale inuu ka dhiibto fikirkiisa ku jahaysan astaamaha gobolada laakiin waan soo wada kuwa kale sidaan u arko astaamahooda. Midna maanka ku haysta in gobolada qaar astaamo leeyihiin wakhtigan xaadirka ah.

Waxaan kaga baxayaa somaliland ha jirto waligeed. LONG LIVE REPUBLIC OF SOMALILAND.

Asalaamu Calaykum.

BY: SANWAA CUMAR YARE
Gudoomiyaha Gudida Siyaasadasanwaa-cumar_2
Xisbiga UDUB ee Qatar.

No comments:

Post a Comment