Thursday 1 October 2009

MAAMULKA PUNTLAND OO SHAQADII KA JOOJIYAY WARBAHINTA IDAACADA CODKA MARAYKANKA EE VOA

MAAMULKA PUNTLAND OO SHAQADII KA JOOJIYAY WARBAHINTA IDAACADA CODKA MARAYKANKA EE VOA

voa
Oct 1, 2009 18:24

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Tacliinta sare Mudane Cabdishakuur Mire Adam ayaa maanta xafiiskiisa ka soo saarey wareegto shaqada looga joojinaayo, Warbaahinta V.O.A, amarkan ayaa si toos ah ugu socda dhamaan weriyaasha ka hawgla Puntland ee u shaqeeya V.O.A iyo cidkasta oo isku dayda in ay war u tebiso V.O.A.

Amarka ka soo baxay Mudane Cabdishakuur ayaan lagu caddeyn sababta shaqada looga joojinaayo, waxaase uu cuskadey xeerka saxaafadda Puntland kaas oo soo baxay sanadkii 1999-kii.

Warar aanu ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa shegaya in Warbaahinta V.O.A waraysatey nin isku magacaabay in uu afhayeen u yahay Ahlu Sunna Walajaamac ururka la baxay ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya kaas oo la yiraahdo: Khaliif Cali Ciiraale kuna sugan Garowe.

Baashe Maxamed

Garoowe

Wareegtada shaqada looga joojiyey V.O.A
Wareegtada

No comments:

Post a Comment